Somaliland Maxay Xornimadeedii ula soo Noqotay: Miyaa lagu kalifay mise waa si kale
Masoow aabbahay iyo waxaan Magan kasoo gaadhay
Rag waxaan ku maamuli aqaan amaa ku maamuusi
Masaa in aanu nahay ooy tolnimo meerto noo tahaye
Oon waliba kaga miil caddahay midhse diiddaniye
Masallaha ninkaan ii dhigayn midig ma saaraayo
Kii aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho……..Saahid Qamaan
Hordhac
Dadka Somaliyeed ee saman ka jooga intooda badani waxay la garaadsadeen xukunkii macangaga aha Maxamed Siyaad Barre. Waxay u haystaan in dibta Somaliland ku dhacday ay la kawsatay xukunkii kaligee taliska aha ee milatriga. Waxan jeclaystay in aan tibaax siiyo dadka dhoylaantu hayso ee reer Somaliland iyo reer Somalia ba ah ee ka dhoohan falal kii foosha xumaa ee madaxdii Somalia ee maamulkii Jamhuuriydii Somalida dhamaantii gacanta ku dhegtay haday fulin tahay iyo hadii ay sharci dajin tahay.
Somaliland iya doo ay midnimada Somaliyeed wax walba kala waynayd oo ku raali cidla laga joojiyey maamul kii dawlada dhan kastaba, ayaa hadana loogu dary dhacdooyin aan tiring doono oo aha caadadis, curyaamin hadii ay tahay xag maamul, xag tacliineed iyo xag dhaqaleba mudadii u dhaxaysay 1960 illa 1969. Madaxdii Somalia xiqdi, xumaan iyo xaasdnimodii lagu bilaabay Somaliland 1960 ayuun buu Siyaad Barre dhamaystray.
Dacdooyinka aan soo bandhigayaa waa qaar anigu aan u soo joogey. Qarkood hortayda ayey ka dhaca yeen anigoo kuraya, dareenkana shacbigan la qabay; qaarna anigaa iyo da’dayda ayey khusaynayse oo dhexdaa baan ugu jirey. Waa dhacdooyin ninka nool ee uu soo joogy si aan mekeeki la hayn u iigu markhti urayo. Wase taarikh aan manaanta horteed meela lagu qoray anaan arg cid sheegaysa meel ay ku taalana anaan maqal. Waxan halkan ku soo daweeynayaa dad ka reer Somaliland inay hadii ay jiraan dhacdooyin aan ilduufay, ama aan ilaaway, ama aan sarsareegy, ama anaan xog ka haynin, inay so qoraan si ay tarrikhdu iyadoo sugan boga sooyaal ka tarrikhda ugasho.
-
Shantii Somaliyeed isla doonasha deedii
Dagaal kii 2aad marku dhamaaday ee dhul kii Somaliyeed Ingriis ku gacanta ku wada qabatay, Jabooti mooyee, Ingriiskuu wuxu istusay in uu noqdo dawlada kaliya ee geeska Africa ka talisa. Si uu arinkaasi ugu hirgalo oo UNO ugu sharciyeyso, wuxu bilaabay in reer Somalia (Konfur) ku horta ka dhaadhiciyo himaladiisa. Wuxuu markaa ku qanciye in la sameeyo SYC (Somali Youth Club) oo markii dambe noqotay SYL (Somali Youth League). Ingiriiska ayaa qaban qaabada iska laha, isagaana soo xulay 13ka nin ee lagu magacabay assasiyaasha SYL. Sedex iyo toban ku ba waxay kala tirsanaayeen qabaa’il ka Somaliyeed ee waawayne. Isla markaa wuxuu Ingiriisku u soo bedaly Moqdisho Adan Salool iyo Micheal Mariano oo labadu ba reer Somaliland ah si ay wax u baran siyaasiyiinta mustaqbal ka ee waqtiga ee lagu soo urirey SYC. Halkaas ayaa labadaa nin ay ku qoreen xeer kii SYL in Shanta Somaliyeed la mideeyo; taasoo ka turjumaysa himalada Ingiriis ku laha. Wuxu u suura geliyey SYL in ay ka furtaan xafiis gobol walba oo Somaaliyeed si loo helo cid arrinka Ingiriisku wato u heelan oo afkooda ku hadasha.
Ingiriisku wuxu ku ganciyey Golaha Nabada (Security Council) in ay daad ka Somaliyeed loo diro wafdi rasmi ah oo soo hubiya dareen kooda ku wajahan midnima dooda iyo wada jir kooda. Ingiriisak weedhiisii wa laga aqbalay. Wafdi baa la soo diray arinka soo hubiya. Markii wafdigii soo gaadhay Moqdisho, Ingiriis ku waxgarad kii Somaliyeed ayuu ka soo ururiyey gobaladoon dhan. Shir kii waxa Gudoomiyey looga dhigay Suldaan Cabdilahi Suldaan Deriye oo reer Hargaysa ah. Arrinka laga tashanaayey wuxu aha; Somaalaay dawladee baa raali ka tihiin ee la idiin dhiibaa si gobanimo la i idiin gaadhsiyo idinko midaysan oo wada jira. Madax dii madasha joogtay ee Shanta Somaliyeed matalaysay dhamaantood waxay isku raaceen in Ingrriiska loo dheebo, oo Shanta Somaliyeed oo dhan dawlad qudhana loo sameeyo. Arrinku Ingiriis jacayl muu hayne danta Somalida ayaa sida ahayd. Hase yeeshee madax dii SYL aya shirkii ku gacanta saydhay. Waxay yidhahadeen hadaanu reer Somalia nahay Talyani mooyee cid kale ma dooni mayeelayno. Sidaas ayey ku fashilantay midnimadii somaliyeed ee soo hiraysey. SYL marka waxay noqotay mid dad ka Somaliyeed meel ay joogaan ba ka yakh-yahk soodaan oo ceebowday. Xaqiiq duna waa taa ee taariikhda ma jirto da ah ee uu udayga Cabdirasaaq Xaji Xuseen VOA iyo BBC da ka sii daayo maaha.
Ingiriisku arrinkii u watay waa fashilmay. Somalia markaa wuxu ku wareejiyey Talyaniga oo Golaha Nabadu (Security Council) u calmaday inuu 10 sando gudahood gobanimo ku gaadh siiyo oo ku dhamaanaysay Juun 30, 1960. Ingriisku waxa kale oo dib uga gurtay dhulkii Somaliyeed ee Ethiopia maamulaysay.
II. Midayntii Somalia iyo Somaliland
Somaliland oo aad uga qiiraysan arrinka ay SYL ku kacday, iyo dhulka Somaliyeed ee ee Ethiopia loo dheebay, ayuu Ingiriisku Ethiopia siiyey hadna dhul wayan oo Somaliland ka midaha Febarwari 1954. Taasi waxay ku dhalisay reer Somaliland dareen cusub iyo qiiro Somaliwayn oo horle. Reer Somaliland waxay isku raaceen:
- In Ingriiska la is ka xoreeyo,
- In Somaliya la is raaco oo sees loo dhigo midnima Shanta Somaliyeed., labad gobolna ay noqdaan unug iyo unuun.
- In halgan horele la bilaabo oo sedexda gobol ee kale laga xureeyo dabadeedna dawlad Somaliwayn la dhiso
Sii arrimadaasi u hirgalaan, Somaliland waxay wada tashi la gashay SYL. Wufuuda ayaa labada dhinacba is gaalaa bixiyey. Hase yeeshee mar walba SYL way ka dhaga adeegatay dhawaaqii Somalinimo iyo qiiradii Somaliland. Waxaany SYL ku adkaysatay in ay labada dal kala madax banaanaadan. Taasi waxay noqotay mid aan u cuntamain shacab ka reer Somaliland.
Markay gobanimadii soo dhawaatay, wafdiigii u hogaaminayo Maxamed Ibrahim Cigaal oo sided qof ah ayaa Moqdisho tagey May aakhirkeedii 1960. Adan Cabdile Cismaan oo SYL u sharaxday in doorto M/weyne iyo niman kale oo ay kamid ahayeen Cabdilaahi Ciise iyo Sheekh Cali Jimcaale ayey isqaabileen. Somaliland waxay is taagtey midnimo. Somalia arrinkaa way ka gaws adayg tay. Hadii mudo la ismari waayey, Aadan Cabdile Cismaan wuxu yidhi : “Ma qasaba israaco?”
Maxamed Ibrahim Cigaal wuxu ku jaabay: “ Haa, waa qasab”;
Adan Cadde wuxu yidhi: “ Haday qasabtay, dawladnimada iyo nidaam kaa noo dhisan waxba laga badali maayo, ee sidaa ma ku galyasaan? Maxamed Ibrahim wuxu ku jawaabay: “Wax shruuda idin ku xidhimayno”. Sidaa ayey labada dal ee Somalia iyo Somaliland July 1, 1960 iskugu biireen iya doon wax gogol dhiga loo samayan siday isula fal geleyaan laba gobol.
Somaliland 1960 intaan gobanimada laqaadan, golaha wasaraddu wuxu ka koobna todba wasir (4 Somaliya iyo 3 Ingriis ah). Sedex dii wasir ee Ingriiska ahaa way Iscasleen markay Somaliland gobanimad qaadatay. Maxamed Ibrahim Cigaal oo Madax ka noqday dawlada markaasi muu magacaabin badal koodii. Sedex dii wasiir ayaa wasaaradood ee Ingiriiski ka tagay qalaqatay oo mid waliba laba wasaaradood wasiir ka noqday. Xukuuumadii Somaliland , afar qof ka kooban ayaa Mogdisho tagay Jue 27, 1960 iyagoo galbinaaya dowladii Somaliland, markaasay u dhiibeen Somalia. Somalia waqtigaa waxay lahayd 10 wasiir.
Somali iyo Somaliland dadka ku kala nool 1960 waxa lagu qiyaasay:
- Somalia 1.2 malyuun Golaha Baarlamaanka: 90
- Somaliland 0. 7 Malyuun Golaha Baarlamaanka 33
Isugayan 1.8 malyuun Isugayan 123
Nisbada shacab ka Somalia 63%
Nisbada shacab ka Somaliland 37%
Nisbada Golaha Barlamaanka ee Somalia 73%
Nisbada Golaha Barlamaanka ee Somaliland 27%
Waxa la wada ogsoonyahay Golaha Baarlamaanka ee Somalia inuu tiradiisu ahayd 50 xubnood markii maamul kii dhakhiliga ahaa loo sameeyey 1956, hase yeeshee markii ay gobanimadii soo dhawaatay ayaa laga dhigay 90. Somaliland iyadu may kordhin xubnihii 33 ka aha ee Golaha Barlamaanku koobnaa 1960.
Labadii gole ee Baarlamaanka ee lagsoo kala dortay Somalia iyo Somaliland waa isku biireen July 1, 1960. Fadhi goodi u horeyey waxay wadajir u doorteen Aadan Cabdile Cismaan M/weyne. Aadan markiiba wuxuu u magacaabay Cabdirashiid Cali Sharmarke Ra’isal Wasaare. Cabdiraheed wuxu dhisay gole wasaaradood oo ka kooban oo 16 xubnood.
Tiradda Golaha Wasarada ee Somaliya: 12 Nisbada 75%
Tiradda Golaha Wasarada ee Somaliland: 4 Nisbada 25%
Intaa waxa dheer wax tixgelin ah la masiin madaxdii Somaliland ka timi oo uu ugu horeeyo Maxamed Ibrahim Cigal, Madaxwaynihii Somaliland (Head of State). Wasaradii muhim ka ahaa oo dhan reer Somaliya ayaa isku taxay sida :
- Arrimah Gudaha,
- Arrimaha Debedda
- Maaliyadda
- Hawlaha Guud
M/weynihii Somaliland, Maxamed Ibrahim Cigal waxa lagu magacaabay wasarada Gaashaan dhiga oon hore ujirin oo yagleel ah. Waa wasaaradii markaa u liidatay. Kaba sii daren e hore ayey u magacaabeen madaxda cidamada qalabka sida oo mid walba 4 darajo la dalac siiyey. Laba dii ciidan waxa loo kala magacaabay:
- Gl. Moxamed Abshir Taliyaha Bilayska
- Gl. Daud Cabdile Taliyaha Xooga Dalka
Intaa waxa dheer, ciidamadii Somaliland siday ahayeen ayey ugu biireen ciidamadii Somalia jiray iyadoo habayaraatee aan mid ka mid ah hal darajo la dalacsiin. Waxa xusuus mudan in ciidan ka bilayska Somaliland uu ka tabar wanaagsanaa, kana aqoon sareeyey cidan kii dhigiisa ahaa ee Somalia jiray. Sarkiishuna dhamataantood waxay ahayn rag Ingriisku tababar fiican siyey gudaha iyo dibedaba. Militariga Somaliland wuxuu ahaa ciidan tabar fiican qaba. Saraaiisha hormood ka ahaa waxay ahaayeen qaar Ingriiska lagu tababar oo Sandhurst Military College ka soo wada baxay mid mooyee. Isaguna waxu ka soo baxay Kuliyadda Militariga ee Masar. Somalia iyada laguma ogeen hal askari oo tababr militariya qaba. Hadana ciidan kii cusbaa ee markaa la yagleelay la guma darin Taliska guud hal sarkaal oo reer Somaliland.
Sidaa ayaan Somaliland saamigii ay ku la hayd dawladii dhalatay July 1, 1960 wax nafle laga siin haday tahay xaga:
- Goloha Baarlamaanka
- Golaha Xukuumaddah
- Mamulka Ciidamada
- Iyo xaga miisaniyadda iyo adeegyada
Somaliland qiiradii Somalili nimo ay ula yimaadeen walaaladood reer Somalia iyo kalgacayl kay u hayeen iyo dawlad doodii ay hibada u bixiyeen, Somalia marnaba ma qadarin. Dad waalan ba loo qaatay, waxaana loo bixiyey “Somali Qaldaan”. Waxay mahmahi tidhaa “Kal gacayl aan laguu qabin iswadh baa la yidha”.
III. Maamulka Dawladda (Public Administration)
Somaliland waxay lahayd maamul wanagsan iyo dad aqoon sare le oo maamul ka hayay. Dhamaantood iyago heer dugsi sare, ayaa UK loo diray. Tacliintooda waxa la gaadh siiyey intooda badan Diploma laba sano oo jaamiciyah (Specialized University Diploma), qaar kood na Jaamicado ayey ka soo qalin jabiyeen. Sarkaal waliba, haduu Agaasimo Guud yahay, ama Agaasime waaxeed ba, aqoon sare, tabar fiican, iyo waayo arignimo heer sare aha isago isku dharsaday ayaa gobanimadii dhalatay. Saraakiishaasi waxay lahayeen sifooyin ay ka mid tay daacadnimo (honesty), heelanaan (discipline) , sharci u hogaansanaan (law abiding) , akhlaaq (ethics) iyo hawl kar (efficiency), iyo qaraar qaadasho (descion making). Shaqaalaaha soo kale sida loo helaa way adigatay maanta. Somalidu, meel ay joogaan ba, hadday ugu baahi badan yihiin maamula yaal sifooyinkaas oo kale le.Wa nasiib daro in udayga Cabdirazaq Xaji Xuseen uu ragaa cayn kaasa qiimahooda hoos u dhigo. Waliba isagoo kale oo waligii tacliin nidaamsan(formal education) soo marin inuu arrinkaas oo kale ka hadlo mayhayn. Sidu isgu qirtay wuxuu noloshiisa ka bilaabay badhi wale(office boy), darajana wuxuu ka gaadhay Ra’iisal Wasare isagoon aqoon iyo waayo arragnimo midna ula hayn, inuu dwalad maamulo. Waxa qudha uu yaqaanay tab iyo xeel qabyaalad ku salaysan iyo aadan yabaaleen (vote rigging).
Somalia, nidaam dawladeed ma jirin, aqoon shaqo iyo tacliineed midna ma jirin. Waxa qudha oo jiray goob camaysa oo Ceel Gaabta ku taalay oo illa laba sanadood lagu baran jiray koorasyo aan naf lahayn. Dad ka galaa waxay ahayeen dad aan tacliin nidaamsan hore u soo marin. Goobtaa wax barashadeedu aad bay uga hoosaysay lamaan keedii ku taalay magalada Hargaysa ee magaceedu aha CTC oo iyaduna laba sanadood ahayd oo lagu baran jiray maamulka xafiisayad (office Administration) iyo xisaabaha (Public and Private Accounting). Ardayda dugsiga dhexe dhamaysa ayaa loo qaadan jiray. Waxaana ka soo bixi jiray dadka loogu talo galay maamul ka heer ka dhex (Middle Level Management), markay muddo shaqeeyaan ee khibrad yeeshaan ayaa waxbarasho dibedda ah loo diri jiray si ay xilal sare u qabtaan (top level Management).
Somalia xayn dada ayaa loo diray Talyniga 1950 illa 1959 wax se fiican la ma so bari. Waxa la huba oo ay kala iman jireen, af Talyaaniga mooyee, sheegasho “Ditore” oo loogu yeedho, iyo magacadoo oo ay raaciyaan “Dr.” oo been Abuurah. Dad ka Talyaniga ka soo laabtay waxa ka mid aha “Dr.”Cabdirashiid Cali Sharmaake oo meel uu kaso qaatay oo cayimani aanay jirin. Cabdirashiid markii toogashada lagu dilay, jaaraa’id kii adduunyadda ee wax ka qoray taariikh nololeed kiisii oo anigu aan qaarkood akhriyey, beri dambe, meel qudh kaga may xusin inuu PhD qaatay, iyo magaca Jaamicadda u shahaadada ka soo qaatay.
Mamul la sheegi kara ma jirin Somalia, waxaana kaaga filan Wasiir kii Maliyadda Cimaan Axmed Roble oo katirsana xukuumadii daakhiliga ahayd ee Somalia, lacagta dawladda wuxu ku xereenjiray bakhaarkiisa. Dawladdu khasnad ay leedahay iyo bank midna wax uma ool. Nidaam kuna wuxu caan ku aha qaataye qaado. Nidam xisaabeed na maba jirin haba yaraatee (Accouting System) iyo sugid (Auditing). Xaqiidu waxay tahay Talyaanigii waxa maamul dawladeed oo u dhisay Somalia ma jirin.
IV. Biliiqady Hantidii Dawlada Somaliland
Markii labadii wadan ee Somalia iyo Somaliland la isku daray, waxa qasab noqotay in nidaam kii Ingiriiska la qato. Somaliland markiiba waxa laga soo qaaday madaxdii maamulka iyo ku wii dhex ba oo Moqdisho loo soo badalay si ay nidaam hor le uga curiyaan Mogdishu. Marka waxa la soo raaray dawladii Somaliland oo dhan. Hantadii guurtada ahayd (Current Assets) Moqdhisho ayaa la keenay sida:
- Babuuro cusub oo tiradoodu illa 40 ahyd oo markaa soo degay oo lagu talagalay Xukuumadda Somaliland iyo Goloha Baarlamaanka. Waxa kale oo la ka xaystay 5 baabuur oo Hamber ah (limousine) oo uu Xafiiska Badhasaab ka Ingriisku iyo borotoocol ku lahayeen. Waxa la kaxaystay oo kale wixii baaboor yar ay laha yeen wasaradii Somaliland iyo madaxdii Ingriisku.
- Hantidii khasnadda ku jirtay oo dhamayd 30 million Sterling Pounds oo waqtigaa u dhigmaysay US$83.3 millions (rate: BSP 1= 0.3601, in 1960) oo loogu tala galay in kaba yaasha dhaqaale iyo bulsho ee Somaliland hore loogu mariyo. Dawladii Ingiriiska iyo Somaliland waxay kala sexeedeen waxa ka mid aha in Ingiriisku siiyo million (1.5 million sterling pounds oo u dhigmaysay US$4.2 million sanad walba oo lagu kharash gareeyo horo marka Somaliland.
- Cashurtii ka soo baxayday Somaliland ee Hargaysa laga maamuli jirayna waxa toos loogu shubay Mogdishu.
- Badeecadii dawladda uu soo degi jirtay oo dhan iyo qandaraasyadii waa waawaynaa waxa loo wareejyey Mogdisho.
- Wax kastoo dawladda u soo degayaa waxa shardi laga dhigay in dakadda Mogdisho la soo mariyo oo dekadda Berbera laga wada duwo.
- Adeeg yadii dawladda ee Hargaysa laga heli jiray intii ugu mudnayd waxa loo wareejiyey Moqdisho sida Baasaboor ka, waxbarashada debbedda, qorniinka shaqadda dawladda (public Service recruitment).
- Sand walba Ingiriiku wuxu qaadi jiray toban ka mida ardayda ka qalin jabisa dugsiyada sare ee Amoud iyo Sheikh si ay waxabarashadooda ugu sii wataan dalka Ingiriiska. Taana Moqdisho ayaa loo wareejiyey.
- Deeq wax barasho 50 kursiya oo ay bixin jirtay Barwaaqo Sooran ka Yurub (EEC) waxay xidhnaayeen Somalia. Ardayda Somaliland oo intay doonaan ka tacliin fiicna kuwa Somalia loo maa ogolayn inay imtixaan ka tartanka ah ay u fadhiisatan.
- Deeq waxbarasho ah oo ay bixin jirin wadama Yurubta galbeed oo marka la isugeeyo dhamayd 50 kursi iyaduna Somalia u xhidnaayeen.
Somalialnd waa laga xaalufiyey hantiday la hayd xag dhaqale, xag aqooneed iyo awoodi dawaladnimo. Maalin qudha Somalia is may odhan dadka dareen iyo baahiba waleeyahee wuxuun dib ugu celiya. Wax la sooceliyo daayoo, waxa laga qadiyey Somaliland macawanadii horumarineed ( Development Aid) ee caalmku siinjirey Jamuuriyada Somalida. Illa hadda magalaada Hargaysa Cusbitaalkii la furay 1954, oo isagana wax ka dhaca mooyee waxba la qaban, goob caafimaad oo kale laguma soo kordhin mudadii 30 ka sano ahayd ee ay jirtay Jamhuuriyadii Somalidu.
Hadal kii oo kooban wixii hanti iyo maamul ay Somaliland lahayd Moqdisho ayaa qaadatay; wixii aduunyado ku caawisay Jamuuriyadii Somaaliyeed na waxba lagama siin Somaliland; Xukumadii la dhisayna qayb u qalanta iyo mid u dhawtoona lagama siin. Arrinkaasi dareen xoogle ayuu ku dhaliyey dad kii reer Somaliand.
Timacade, Alle Ha U Naxariistee, Isagoo ka tarjumaaya dereenka dad Somaliland ay ka qabaan budhcadnimada Moqdisho ay kula kacday Hargaysa ayuu tixdan Cabdirashiid Cali Sharmarke u tiriyey markii ugu ugu horaysay ee uu ee u yimaado Hargaysa.
“Midina waa dacwadayda.oo
Malintii dabku qiiqaye
Isticmaarkii isdiidnay
Nimankii dantasheegtay
Dariiqooda ka leexane
Dacwadooda dhamaytaye
Dalkan caawa an joogno
Duligii Isticmaarkiyo
Dahaadhkiina ka siibaye
Karal daaqad ka saaraye
Dudadaanu ahayne
Dawlad soo gashay ma ihine
Danteenaa laba diiday
Dabuub aanu maqlaynay
Dareenba ka qaabnaayo
Dugsigii baalamaankiyo
Dekedii Moqdisho baa leh
Berbera daadku ha qaado
Dooniyi yaanay ku waacan
Duqaydii barlamaankaay
Naga daadegi maysee
Labadaa kala daayoo
Yaan loo daymo la’aaneey”
Cabilaahi Suldaan Timacade
_______________________
Xukuumadii Cabdirashiid Cali Sharmaake hab daqakn keedii waxba kamuu badalin ee waa buu uga sii daray Somaliland, sida aan ku cadayn doona hoosta goor dhow.
V. Distoorkii Somaliya
Distoorka waxa samaystay Somalia intaan gobanimada la qaadan. Markii ay Somaliland ku soo birtay, lama tixgelin xaalada cusub ee soo korodhay. Somaliland waxay u aragtay inaanay arrin iyo awood toona ku lahayn distoorka, danina ugu jirin. Madaxdii Somaliland waa laga diiday in dibu habayn lagu sameeyo Distoor ka. Dibu u eegis Iyadoon lagu samayn, ayaa SYL go’aamisay in dadka afti laga qaado, Somalia iyo Somaliland. Waxaa Somaliland loola dhaqmay sidii dad aan dan iyo dareentoona lahayn. Siddaas ayaa aftidii loogu cooday iyadoo dadka reer Somaliland niyad jab iyo cadho badani hayso . Axsaabtii Somaliland (SNL iyo USP) waxay fareen taageera yaashoodii inay qaadacaan oo kamay qayb qaadan aftidii. Xaga Somalia, iyada sanadiiq dii codka waa la iskaga shubtay. Waxana la yaab noqotay tuulada Adan Yabaal iyo Wenla Wayne oo aan cid nafle joogin ayaa la sheegay in kumaayaal ka codeeyeen. Somalia ku-shubashada horaa looga yiqiin. Somaliland se anfariir iyo amakaag ayey ku noqotay. Shacabka Somaliland xoog bay uga soo herjeesteen oo waa diideen. Somalia iyada waxa la sheegay in xoog loo aqbalay in kastoo wax cadayn karayaa jirin oo lagu shubtay. Distoor kii sidaasaa lagu ansixiyey. Hase yeesha wax la yaab le in dad codayey sida la sheegay ka badnaayeen tirade dadka Somalia iyo Somaliland mark la isku daro kunoola sida uu ku qoray A.A. Castagno Jr. “ Somali Republic” , Political Parties and National Integration in Tropical Africa, University of California Press, 1964. Waxa ka codiyey Somalia oo qudah:
Ogol 1701, 946
Diidan 133, 294
Isugayn: 2,018, 239
Tiradii guud ee reer Somalia ee caalam ku ogaa oo ahayd 1.1, million bay kor u dhaaftay intii codaysay 1961, iyadoon Somaliland cod tiradii codaysay lagu darin oo aha 100,000 madaama shacab intii badanayd diideen inay codeeyaanba. Waa arrin la yaable in dower qof rabitaan ka iyo masiir ka umadda sidaa ugu ciyaaraan. Musuq maasuqa intaa leeg waxa ka masuul ahaa Uday Cabdi Razaq Xaaji Xusseen oo waqtigaa Wasiirka Arrimaha Gudaa ahaa, aad na u fadalo caddaa.
Sida la wada ogsoon yahay, Distoorka muhimadiisu in la qoro iyo in la ansixiyo oo qudha maaha.Waa inuu dad ku u arko inuu yahay hanti uu lee yahay, oo qof ku jecel yahay, qaybna ka yahay ilaalintiisa iyo ku dhaqan kiisa oo waliba uu u arkaa inay xaaraantahay in lagu xad gudba. Waa inuu ahaado Distoorku mid ka tarjumaaya danta, xuquuqda iyo waajibaad ka qofa, iyo himilada shacab ka. Somaliland marnaba may dareemin inay Distoor ka qayb ka tahay ee waxay u arkeen mid dhusha lagaga keenay oo aan iyaga khusayn.
Intaas oo dhan markaad isu gayso, waxa halkaa ka cad in madaxdii Somalia ee hoganka siyassada gacanta ku qabatay aanay waqtigii xuriyadda la qaatay, inaanay marnaba ku talaabsan sidii umad Somaliyeed loo dhisi la ha (nation building). Iyaga ayuun baa isku mashquul sanaa oo halgan siyaasiye ka dhexeeyey (power struggle)qabiil ku salaysan (Hawiyey iyo Daarood) iyaadoo shacab ka aan loo danaynayn. Qabaa’il kii kalene ee Somalia deganaana way saamayse. Somaliland iyada xisaabta ba lagu ma darin ee geesba la iska mariyey, iyadoon cabashadeeda, baahideeda iyo himlaadeeda mar kaliya aan hoos loo eegayn. Taasi waxay keentay in Shacab ka Somaliland ka aamin ka baxaan Moqdishu iyo maamulkeeda.
Ayaantaan dhashiyo maanta oon uurka ka cirroobey
Hashii aan intaa iyo intaa oon la daba joogey
Hashii aan aroorida cidlada ah kula ugaadhoobay
Hashii markuu adhigu jabay araxdanaw quutay
Hashii aan Amxaarka iyo Kufriga ugu unuun gooyey
Ayaantay hallawdaba hashaan daba adeegaayey
Irmaanaatay Maandeeqe waa ibo kureyseene
Innamada dhowaan ii kacaw weydin eersadaye
Carrabkiisu ruuxuu xunyahay aayatiin malahe
Namaydaan abaal marinne waana ambinaysaane
Afarteeda naas baan lahaa ubadka deeqsiiye
Ma afurin agoontii waddiyo kii usha u sidaye
NFD dhan keedaan lahaa u amar-ku-taagleeye
Addisababa gee baan lahaa ayda doogga lehe
Iliilaha Jabbuutaan lahaa aayar soo mariye
Ood dheer ka saar baan lahaa aarka soo dhiciye
Ilaa ururka dayrtaan lahaa awrka haw tu’inne
Iimay ha daaq daan lahaa adhaxda jiilaale
Iilkii Darwiishkaan lahaa udubka gaadhsiiye
Axan Sheekh Bashiir baan lahaa aarla’aan dhimaye
Ammuurahan isdhaafaan lahaa aakhirow tebiye
Axmed Gurey u sheeg baan lahaa iilka wuu qabanne
Oomaar dul gee baan lahaa uubti loo qodaye
Umalkeeda Maxammuud Xarbaan ka ag dhaqaaqeene
Nimanse aabbihii maali jirin looma aammine e
Waa taa abaar iyo dhulbaas u ambaqaaddeene
Ololkeedu waa iibbaxaa oogta waabberiye
Oon iyo harraad waa waxay la alwanaysaaye
Ergin iyo aroor qocondhalay adhi la daaq daaye
Waataa ilmaha loogu xidhay geed adaahiye e
Goortaan hadhuubkow aslaa ula qalwayseene
Waxba arartu yey ila sii durkine waxan ku soo ooday
Ololii maruun baa la shidi kii arbacadiiye
Markaasaa rag iimaan qaba la egmandoonaaye
Aagaan ka buuxsada dhawaan ma arkidoontaane!
Qaasim Ismaaciil
—————————————-
VI. Ganaciga
Kabasii darene, 1961 markii xukuumadii cusbayd la dhisay, ganacsatadii reer Somaliland ee daqaalaha suqa xorta ah u baratay (free market economy), waxa lagu soo rogey bermid (Permit, rukhsad) aan la aantii waxa laga soo dejin Karin dekadaa wadanka. Bermid kaa waxa laga bixinjirey oo qudha Moqdisho. Markaa waxa qasb noqotay in ay shirkad kasta oo ganacsi dabadeed lihi (Export/Import) in ay xafiis ka furato Moqdisho si ay how sheeda uga fushato halkaasi. Wabaa tukale oo ka darane, dekedii Berbera ee wax waliba ka soo degi jireen albaabada loo xidhay. Moqdisho ayaa loo wereejiyey wixii dawladu dibadda keenayey oo dhan. Waqtiga waxay Berbera ku xidhnayd Cadan oo caalam ka ugu jirtay meel ka fiican halkay Dubai maanto ugu jirto. Markii bermid ka la soo roogay ganacsatadii yar-yara gabalbaa udumay. Ganacsatadii waawaynaa iyaguna intoodii badnayd waxay u guureen si kama dabaysa Moqdisho sida shirkadii:
- Jirde Hussein and Sons;
- Mohamed Rasheed Ali Ismail & Co. (Barigeeyey)
- Yusuf Iman & Co.
- Abdillahi Omaar & Co.
- Haji Ibrahim Cismaan Food & Co. (Haji Basbaas)
iyo qaar kale oo badan. Dekadii Berbera halkasy ku xidhantay.
Reer Somaliland inaanay isku darkee mahadin ayaa u cadaatay. Waxay isu arkeen inay gumaysigii cadda mid ka xun aw madow ay u galeen. Goobtii la iskugu yimaadaba waxa lagu taamay in ay madax- banaanidoodii soo ceshedaan.
Timacade waa tuu lahaa:
Gumaysigu hashuu naga dhacay een gurayey raadkeeda
gu’yaal iyo gu’yaal badan hashii gama’a noo diidey
goobtay istaagtaba hashaan joogay garabkeeda
guuraa habeenimo hashaan gebi walba u jiidhay
gaashaandhigeedii hashu galowgu eedaamay
hashii geeddankeedii rag badan goodku ku casheeyey
gacmaa lagu muquunshaye xornimo noogumay garane
garre iyo guntane maalintay gees isugu boodey
Allaa noo gargaaree xornimo noogumay garane
geeraarradeedii hashaan annigu googooyey
galool iyo maraa iyo hashaan kidiga geylaanshey
gaajiyo harraad badan hashaan ugu garaacaayay
goobtuu sidkeedii go’ay galabtii foolqaaday
ayadoo candhada giijisay oo godol ku sii deysay
Garaad midan lahayn bay la tahay waad ka gaagixine
annagoo gantaalaha dhaciyo haysan qori gaaban
hashaan gaadda weynow libaax uga gaboon waayey
Inaan Garayacawl uga tagaa waa hal soo gudhaye.
Cadilaahi Suldaan Timacade
———————————
Saraakiishii ciidan ka Somaliland (Somaliland Scouts), iyagoo ka gadoodsan caddadis ka Somaliland lagu hayo, waxay malegeen inqilaab si ay u soo celiyaan Somaliland madax banaani deedii. In kastoo inqlaab kaasi fashilmay, oo sarakiishii la qabtay, hadana waxay shacabka Somaliland iyo siyaasiyiin toodiba (political elite) ka kasbadeen sharaf iyo maamuus.
VII. Cashuur kordhin, 1963
Sanad kii 1963, xukuumadii Cabdirashiid Cali Sharmarke waxay soo rogtay qawaaniin cusub oo ku saabsan cashuuraha. Cashuurtaasi waxay ahayd mid aad u saraysa oo dad ka reer Somaliland awoodood dhaqaale anay u hayn; tusaale ahaan:
Shay Cashuura hore Cashurta Cusub
- Sonkor ShSo. 0.6/lb ShSo. 3.5/lb Nisbada 483%
- Bariis ShSo. 0.6/lb ShSo. 3.5/lb 483%
- Daqiiq ShSo. 0.6/lb ShSo. 3.5/lb 483%
- Bitrol ShSo. 2.5/galoon ShSo. 7.5/gal. 200%
Arrinkaasi wuxuu noqday mid aan la qaadan Karin. Shacab ka reer Somaliland aad bay uga gilgisheen tudhis la aanta Mogdishu. Siyaasiyiintii reer Somaliland, wax garad koodii, aqoon yahan koodi, iyo, iyo ganacstadii oo isku duuban ayey shaqa joojin sameeyeen. Meheradii gaar ka ahaa oo dhan waa la xidhay; sayladii xoolaha nool waa la banaday; sareebadii (market or mall), dugsiyadii oodaa loo rogey. Magaaladii oo dhan waa laga baxay. Waxa loo guuray Dabada cadaada (waa Masaaji da ka Tabliiqiga agagaar kiisa oo xaga dooxa xigta). Dhacdo daa waxa loo bixiyey “ Bakayla Qalad”. Mudo bil ku dhaw ayuu xaalku caynka ahaa oo qofna aanuu shaqo tegin, meherad la furin, dugsi la aadin, magaalooyin kii kala xidhmeen gaadiid la aan awgeed. Hase yeeshee Moqdisho umay dheg jalaqsiin waxay Hargaysi ka geegtay. Dabadeed waxay dad kii isugu soo bexeen garoon kii kubada ee Hargaysa oo mudaaharaad ayey qaban qaabiyeen. Waxay Xumkuumadii Moqdisho kale hortimi ciddan xoogle oo redaayaa raasaas iyo qiiq. Dad kiina way dagaalameen. Hase yeeshee xoog ba loo sheegtay oo lagu kala daeeriyey. Dad badan baa waa la xidhay, dhwar qofna way dhinteen. Isla markiiba waxa lagu soo rogay Hargaysa bandoo mudo socotay oo lixda subanimo ila sedex da galabnimo. Dhacdo daa foosha xun ee mid la midi hore u soo marin shacab ka Somaliland mudadii uu Ingiriisku xukumaayey, waxaa ka masuul ahaa Udayga Cadirasaaq Xaaji Xussein oo waqtigaa ahaa Wasiirkaa Arimaha Gudaha.
Somalliland halgan keedii cashuur -diid ka ahaa mar qudha madamin. Xukuumadii Moqdisho waxaa qasab ku noqoday in ay dib uga fiirsato arrinka. Waxay markaa go’aamisay in cashuuta wax laga dhimo. sidan bay u dhacday:
- Cuntada ShSo. 0.6/lb ShSo. 1.5/lb nisbada korodhay 150%
- Betro ShSo. 2.5/galoon ShSo. 5.00/gallon nisbada korodhay 100%
Waxuu se arrinkaasi noqday dhacdo fuul xun oo lama ilaawaana.
Waatu laha Qasim Ismail
Ma daadihin rashiid, maatadaan daad guree idhiyee,
Umaddii daryeel wali ma helin daacada ahaydee,
…………….
Oo ay waliba dibin daabyo iyo diriri joogtaayee
.…………
Waakaa dareersaday xamar dayr cadkii dhalayee,
Dambi ku hadli maayee ma arag dawladaan rabayee,
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galayee,
Dusha midabka soomaalibaad dugulka moodaayee,
Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal’e
Meeshaan dad aan ururshiyo darar ka eegaynay,
Iyaba waa darxumo ii hadhayee dacaro miyaan leefay,
Ma darraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay,
Sidii aan dayaysnahay miyaan dawga ka habaabay,
Waxba hadalku yuu ila durkinee waxaan kusoo duubay,
mar uunbuu daf soo odhan nabsigii diinku soo jiidayee,
mar uunbay daruur caafimaad dooxa soo rogiyee,
Dirridaa abaarta ah marbaa doog kasoo bixiyee,
Dibjirkiyo marbay reer miyigu daasadaha qubiyee,
Mar uunbuu digiigixan raggii daallanaan jirayee,
Mar uunbuu dagobka iska rogi doob la quudhsadayee,
Oo dalaan dambeedkiyo dhibtiyo diidi keenada’e ,
Dibnihii shakaalnaa marbaa dooda loo furiyee,
Markaasaa la daydayan xaqii naga dahsoonnaayee.
Qaasim Ismaaciil
————————–
VII. Midayntii Shaqaalah (Civil Service Integration Act, 1963)
Somalia iyo Somaliland waxay kala lahayeen laba nidaam oo aad kula duwan oo ku saabsan shaqaalaha, darajadooda, mushahar kood iyo xuquudooda ah. Waxa markaa dan la mooday in la mideeyo . Waxa la dhaqan geliyey sharci loo bixiyey “Civil Service Integration Act”. Sharci gaas wuxu qeexay in shaqaalaha dawlada Jamuriyadda Somalidu xuquuq dooda iyo hawl gab (pension) u ka soo bilaabmaayo 1950. Qof ka hawl gabayaa waa inuu dawladda u shaqeeyey 25 sano oo ka soo bilaab mayaya 1950. Kolka, qof kii 1940kii shaqada la qoray haddu is yidhado shaqada ka fadhiiso 1965kii, 10kii sanadood ee ka horayey 1950 waxba looga soo qaadimayo. Qof ka hawl gabkiisu wuxu sugmayaa marka la gaadho 1975 oo weli waxa laga raba, isagoo 25 sano shaqeeyey inuu 10 sano oo kale kudaro oo xaqlaan ah..
Sharci gaasi xaga Somalia xaq buu ahaa oo wusugna. Sababtoo ah, markii Taliyaanigu 1950 Moqdisho ku so noqday isgoo ka wakiila Qaruumha midoobay (UNO) , dadkii shaqaalihiisa ahaa xuquudoodii oo dhan hore ayuu ka siiyey. Marka dawladii Somaliyeed ee dhalatay, wax xuquuqa oo shaqaali Somalia ay ku la hayeen dawladii Somalilda ee dhalatay oo ka horeeyey 1950 majirin. Marka haq dambe o ay ku la haayeen Talyaniga ma jirin. Madaama ay xaqoodii qaateen, dawbay ahayd in shaqalaha Somalia xuquuq dooda laga soo bilaabo 1950.
Somaliland shacigaasi dhac iyo cadaalad daro ayuu ku ahaa. Sababtoo ah, Ingriisku marnaba mamul kiisii muu hakan illa la gaadhay 1960kii. Marku Ingirriku kaci doono shaqaali hiisii wuxu dorransiiyey inuu xuquuq doodii hore ka siiyo, inuu dawladda Somaliyeed ee dhalan doonta ugu dhiibo. Shaqaalii waxay dalbadeen in xaqooda lugu wareejiyo Dawladda Somaliyeed. Markaa Ingiriiskii wuxu ku shubay xuquuxdii shaqaalaha reer Somaliland khasnadda dawaladda ee Mogdishu. Sharciga Somali Civil Service Integration Act muu tix galin xuuquudii shaqalaha Somaliland ee khasnadda dawladda Ingiriisku shubay. Si badheedh ah ayaa loo dafiray. Dawladii Moqdisho, toodii ayuun bay ku dabaqeen Somaliland. Reer Somaliland waxay ka dheefeen sharcigaa ma jirin oo aan ahayn dulmi iyo dhac.
IX. Qorshayaashii Hormarka I & II (The First & Second Development Plans).
Qarsha yaasha wax la taaban karo oo Somaliland ugu yaalay majirin, haday caafimaad tahay, haday biyo tahay, haday tacliintahay, haday beero tahay, daaq iyo xoolo nool tahay, haday isgadhsiinta iyo boosaha tahay, haday wado iyo kaabado tahay (bridges). Arrinkaasi waa mid sugan oo aan murlan lahayn. Waxaanaan hayaa intii qorshe ee Jamhuuriyadii Somalida loo sameeyey oo dhan marka laga bilaabo qorshi hii ugu horeety the First Three-Year Development Plan – 1961-1963, illa kii u dhambeeyey ee xukuumadii Siad Barre.
Waxba yaan loo qabane, hay’adii jiray Somaliland ayaa la curyamiyey intii u dhaxaysay 1960 illa 1967:
- Idaacadii Hargeisa (Radio Somaliland) waxa laga mamnuucay:
- warka caalmka inay sheegto.
- Arrimaha siysaadda ee gudaha iyo debedda inaay ka faaloto.
- Wararka iyo arrimaha siysaasadda ee Moqdiso jira inay Radio Moqdisho sida uu uga baxo marlabaad lagsii daayo Radio Somali waxna aanuu ku darsan. Waxa laga dhigay laliye Radio Moqdishu (Relay Station)
- Waxa lag hakraday in idaacadda hore loo mariyo xaga farsamada iyo xaga barnaamijyada.
- Jariidadii Somaliland News waxa loo wareejey Moqdisho; waxaa loo bixiyey “Somali News”. Jaraaid kii kale ee Hargeisa ka soo baxyey sida “Qarni Ifriiqiya, Al-Liwa, iyo Al Jamaahiir) oo dhamaantoodba Carabi aha waxay la fadhisteen madbad la’an. Waxy noqotay qof kii doonayaa inuu Business, card ama letter Head samaysto inuu u dirto Mogdisho ama Cadan.
- Xanaanda Xoolaha : Waxa laga jaray miisaaniyadii adeega caafimaad ka xoolah (dhib, talal, iyo daawayn);
- Dhirta iyo daaqa (Forestry &Pasture): kharashkii adeega oo dhan waa laga jaray (dirta oo la dawro, daaqoo la habeeyo, nabaad guurko oo la xakameeyo ..etc);
- Beeraha: waxa laga joojey adeegii taban taabada iyo ilbaxnimadd ahaa (Extension Service); daad ka oo loo jabiyo dhul beereed ka (irrigation system).
- Caafimaad ka: Waxa la beegsaday in:
- dawadii bilaash ka ahayd ee cusbitaalada (hospitals) Somaliland laga heli jiray in lalaalo;
- Cusbitaal ka Hargaysa in dhakhtaradii ka shaqayn jiray ee fara badna in 2 lagu soo reebo;
- In la xidho kuliyadii Caafimaad ka “The Medical College” , oo ay ka soo bixi jireen “paramedical physicians”. warka waxan ka hubiyey Axmed Yassin Gabay Xaddi, Salaan Cawar iyo raga kale oo dhamaantood wada ahaa hawl wadeen kii caafimaad ka ee Somaliland). Mar dambe ayaa dibloo furay oo loo bixiyey the Nursing School.
- In la xidho goobihii caafimaad ee xaafada ku yaalay (Clinics). Tiradoodu waxay ahayd sedex. Waxa kale oo la xidhay xaruntii dhexe ee talaal ka ee suuqa badhtan kiisa ku taalay.
- Xaruuntii Tababarka askarta bilayska ee Mandheera (Police Junior officers Training School) oo la curyaamiyey kharash laan awgeed.
- In la xidho Rugtii kutubta ee Hargaysa ee ku taalay suuqa dhexe.
Idindiiladii la qabay iyo hormarkii Somaliland higsanaayey waa lagu tuntay. Niyad jab waynba soo bedalay. Xukunka ay Somalia gacanta ugu qabatay Somali mid lagu hoobtay ayuu noqday. Isagoo arrinka ka tarjumaaya waatu laha Qaasim Ismaaciil:
Hashaan gaaxinayaan lahaa gorofka way buuxin
Geyaxa hashaan kaga xidhxidhay gabantii nuugaysay
Geedkii magoolaba hashaan uga garaacaayey
Gaaroodi iyo Hawd hashii laba gardaaqaysay
Wax-layidhi haddaa goodirkii lagu gabraartaaye
Waxla yidhi golbaa lagu dabraa geed-waraabe leh’e
Wax-layidhi gujaa lagu lisaa labada gooroode
Wax-la yidhi gal daayeer cabbaa habari geysaaye
Golqaniinna waa loogu daraa yaanay gaagixine
Wax-layidhi gomode naasihii giigsanaan jiraye
Gobaad waxay la daaqdaa sagaal goroyocaw-loode
Googooye, iyo wiil xunbaa gaawaha u sido’e
Wallee ama gumooboo sidaa layga gallad haysay
Qaasim Ismaaciil
————————–
Waxa xusuus mudan inu Cabdirasaq Xaji Xusseen sameeyey Hay’adda Hormarinta Xoola Nool (Livestock Development Agency). Hay’ddasi waxay howl gashay 1965. Neef kasta oo ka dhoofa Berbera waxa laga qaadijiray cashur go’an oo u gaar hay’addaa (excise tax) oo dul socota cashuurihii kale ee dwaladu ka qaadan jirtay xoolaha dhoofaya.
Nidaam Kii u yaaley Hay’adda wuxuu ahaa inay daryeel iyo adeeg fiican gaadhsiiso xoolaha nool sida talaal ka cudurada, daaqa iyo biyo ha. Xolaha Jumhuuriyadii Somalida debedda u dhoofin jirtay 90% waxay mari jireen Dekedda Berbera. Sanad kii ugu horeeyey ayey meel yar Hay’addu Berbera ka samayse oo xooluhu hadhsadaan, biyona ka caabaan. Meel kale oo Hay’addaasi wax ka qabatay Somaliland gudaheeda lama soo sheegin. Lacagtaa Hay’addu qaadato siday u dhantay Moqdisho ayaa lagu shubi jiray. In yarna Somaliland lagaga ma soo celin jirin.
Inaan malab rag kale loo shushubi wax uga miideeyo
Magowshaha haddaan layga siin, maax la dhuranaayo
Oon meesha taagnahay anoon, murudna leefaynin
Oon maydhax aan igu xidhnayn, maylimo u haysto
Oon waliba mood iyo salaan, ugu maleegnaado
Saddex magac Allee xaajadaa, layma maransiiyo.
Saahid Qamaan
X. Kacdoon kii Arday 1967
Dacdooyin ka aan kor soo sheegay waxay ahaayeen intooda badani falal dad waynuhu in yar in yar dhibtooda ay u dareemayeen. Falal kaasi waxay Ku salaysnaayeen siyiaasad si sibiq sibiqa miisaaniyadda looga jaray adeegayadda Somaliland jiray. Arrinkamuhim ka ah ay Xukuumadii Cabdirasaaq X. Xussein ( March 1964 illa June 1967) ku talaabsatay ee ay wadhi ka raacday waxay ahayd markii kay ku dhaqaaqay isaga iyo Wasiirkiisi taclintu si badheedh ah oo anay cidnaba wax iskaga tirin inay kala tuuraan nidaam kii taclinta ee koobna ee Somaliland ku naaloonaysay.
Wasirka Tacliintu wuxuu ahaa Kaynadiid Axmed Yusuf oo laga soo dortay Moqdishu gudaheeda. Wuxuu ka tirsanna xukuumadii Cabdirasaaq X. Hussein. Kaynadiid wuxuu booqashoo ku yimid Somaliland 1965, waxaanay ahayd siyaaradiisii ugu horaysay ee uu Somaliland ku yimaaddo. Wuxu soo indha indheeyey goobaha tacliinta ee ku yaalay Somaliland isagoo bari iyo galbeedba gaadhi ku mary. Somaliland waxay markaa lahayd adeeg tacliineed oo aad koban hase yeeshee tayo le. Markii Jamuuriyadii Somalida (Somali Republic) la dhisay, sidaan hore u sheegay, saraakiishii tacliinta iyo qayb dhan oo macaliimiin ah ayaa laga qaaday Somaliland oo lageeyey Somalia. Taasi dhawaac aan yarayn ayey ugaysatay tayadii tacliinta ee Somaliland. Somaliland waxay lahayd 1960kii:
- Hal Dugsi Sare ( Sheikh Secondary School)
- Hal tababar shaqaale (Amoud Vocational Training Centre) oo u gaar aha shaqaalaha ee rayidka ee Maamul kii Ingiriiska ah iyo saraakiisha ciidan ka bilayska; Xaruntaa Waxa loo badalay markii dambe tababar ka maclimiinta. Markii uu dhamaaday dhismihii Xaruntii tababar ka macalimiita ee NTEC (National Teachers Educations Center ). lagadhigay Dugsiga Sare ee Amoud
- Hal Teachers Training (Amoud) oo markii dambe loo soo raray Dugsiga Axmed Guray ee Hargaysa.)
- Hal Dugsi farsamo Gacameed (Hargeisa Technical Institute),
- Hal tababar maamul ka xafiisyada iyo xisaabaha (Hargeisa CTC),
- Hal cilmiga caafimaad iyo Dhakhtarnimada (Hargeisa Medical College).
Intaasi waa intii Igiriisku ka tagey. Dugsiga Farsamada gacanta ee Burco (Technicl Institute Buao) aya la furay 1965. Dugsigaasina muu ahayn mid qorsha ha xukuumadda ku yimid ee waxa soo dhiraan dhirey Safir kii Magaca waynaa Axmed Kayse Xaaji Ducaale oo hayad Jarmala ka soo dhameeye. Isaguna xaafadii laga doortay 1960kii oo Burco galbeed keeda ah ayuu abaal gud uga dhigay oo goobta uu ku yaalo Ahmed Kaysaa cayimay. Maamul kii dugsiga waxa se lagu wareejiey W. Waxbarashada.
Ardayda dugsiyada dexe ka soo baxda ayaa aad uga tiro badnayd waqtigaa inta arday ee ay qaadi karaan dugsiyada sare iyo kuwa farsamo. Caruurta dugsiga dexe dhamaysata ee meel waydaa intooda badani suuq joog ayey ahaan jireen meel kale oo ay u tacliindoontaanhabayaratee majirin.
Markii 1963 NTEC la furay (Dugsiga Maclimeenta Lafoole) oo Marykan ku maal geliyey maclimiintuna wada ahayeen Maraykan, Somalia laguma hayn cid af Ingriisi wax ku barata in yar oo kaso baxda Mininite Church oo kutalay Jawahar mooyaane. Sidaa awgeed caruurta ku dhamaystay dugsi dexe Somaliland ayey dawladu u diri jirtay si ay waxbarashadood halkaa uga sii wataan.
Sidoo kale Dugsiga Sare ee Banaadir aya laga furay Mogdishyu 1964 oo Af Ingiriisi wax lagu barto. madaama aanay jirin Somalia cid buran oo gashaa dugsiga oo Ingiriisi taqaan caruurtii Somaliland ka wayday meel ay tacliintooda ku sii wataan ayey halkasa fursadi baa uga soo baxday. Hase yeeshee inta waalid koodu awoodi karo in Moqdisho loo diro ayaa ka faa’idaysan jirtay.
Xukuumadii Cabdi Rasaaq X. Huseen waxay ku tashatay inay inta yar ee koban ee taclinta ah ee Somaliland lahayd inay curyaamiso. Hadaba markuu Wasirkii Tecliinta ee waqtigaasi dhamaystay booqashadii uu ku joogay Somaliland oo uu safar dheer ku gaalaa bixiyey Somaliland gudaheeda, wuxuu soo saaray marku Moqdisho ku noqday wareegto dad ka reer Somaliland oo dhan ay ka fajeceen. Wasiirku wareegtadaa wuxu ku sheegay inuu dugsiyii Somaliland jirtay intoodi badanay xidhaay. Hal dugsi oo Somalia ku yaalay muu xidhin haba yaratee.
Goobaaha tacliinta ee jiray iyo sand walba tirade la qaadan jirey iyo waxay kala ahayeen waa sidan:
- Dugsiga Sare ee Sheikh 50 arday
- Dugsiga Sare ee Amoud 30
- CTC 60
- TTC, Hargeisa 60
- NTEC (Lafoole) 50
- Burao Technical Intitute 45
- Nursing School 9
- Hargeisa Technical Institute 30
Isugayn 334
Iyo Dugsiga Banaadir Sare oo qof kii awood u hayaa geli jiray.
Wasir ku wuxu amar ku bixiyay in la xidh dugsiya soo socda:
- CTC 60
- TTC 60
- NTEC (Lafoole) 25 (arday Somaliland ka iman jirtya 25 ba la dhimay)
- Hargeisa Technical Institute 30
- Burao Technical Institute 20 (arday Somaliland ka iman jirtya 20 ba la dhimay
oo Somalia ka imanaaya)
Isugayan tirada la xidhay 195
Tirada soo hadhay 139
Waqtigaasi wuxu ku beegnaa mar imtixaan kii dugsiga dexe la yeedhiyey oo arday dii qalin jabisay sugayso in loo kala sheego qof walba dugsigii uu taclintiisa ku sii wadan laha. Ardayda dugisga dhexe ka soo baxday 1966 waxay tiradoodu ahayd 538 intaa meel loo hayeyna sida kor ku xusan wax kooban ayey ahayd. Dad kii oo dhan talaabadaa uu Wasiirku qaaday amakaag iyo naxdin ayaa ku riday. Gabbal baa u dumay ardaydii dugsiyada sugaysay.
Wasiirka Taclinta Kaynadiid Axmed Yusuf waxa lagu waraystay Radio Mogdisho, wuxu talaabadaa ku sababeeyey :
- CTC misaaniyad uma hayno ;
- Hargeisa Technical Institute macalimiin loo ma hayo;
- Burao Technical Institute waa dugsiga qudha ee noocasi ah wadan koo dhan ku yaal ; markaa 20 arday ayaa laga soo dirayaa Moqdisho, 25 ayaa Somalilandna ka soo geleya ;
- NTEC (Lafoole) ardaydii Moqdisho jootay ayaa u baahan; 20 arday ayaa laga soo dirayaa Somaliland, ; 30 waxay ka imanayaan Somalia.
- Dugsiga Sare ee Banadir cid dambe oo Somaliland katimaad oo galaysaa ma jirto oo ardaydii reer Somalia ayaan meel kale loo hayn.
Hassan Maygaag Samatar ayaa waqtigaa ahaa Agaasimaha Guud ee Tacliinta ee Somaliland waxanuu sedex cisho horteed ka soo laabtay Mogdisho. Alle ha u Naxariistee Mustafe Xaji Nur Ismail oo Radio Hargeisa Agaasime ka ah ayaa waraysi ka qaaday Hassan Maygaag Samatar. Waraysigii sidan ayuu u dhacay :
Su’aal : ”Hassanow wadiga dhawaan ka soo laabtay Moqdisho; wareegtadan Wasiirku so saaray wax ma ka ugtahay mase lagala tashaday ? ”
Jawaab : ” Bil baan ku maqnaa Moqdisho, waxan u joogayna waxay ahayd misaaniyadd sanda ka soo socda inaanu aniga iyo Wasardu kawada hadalo, si baahiyahaa Somaliland jira ka warbixiyo si miisaaniyadda logu daro. Arrinkaa Wasiirku soo saaray war iyo wacaal toona ka ma hayo; Idaacadda ayuun baan ka maqlay. ”
Su’aal : ”Wasiirku waxu ku sababeeyey xidhitaan ka dugisga CTC inaanuu misaaniyad u hayn. Maxaa arrinkaa ka jira ? ”
Jawaab : ”CTC sanad ka koobaad kharash keeda waxa bixiyaa Wasaradda Tacliinta ; hadda waanu kharash ka sanad dugisyeed kan hadda bilaab maaya waanu hayna. Sanad ka 2aad waxa bixi ya kharash kiisa Hay’adda Shaqalaha. Waan soo arkay madaxda sare ee Hay’adda Shaqaalaha, waanay noo soo daayeen misaniyadda loogu tala galay sandkan. Markaa dhib xaga kharash ka ah oo hadda taagani majirto ”.
Su’aal : ” Dugsiga Farsamada Gacanta ee Hargaysa, Wasirku waxu sheegay inaan macalimiin loo hayn oo sidaa awgeed loo xidhay. Arrinkaa ka waran ? ”
Jawab : ”Macalimiin ta hadda joogtaa kuma filla dugsiga. Waxaanu qorany maclimiin Pakistan ah. Waanay imanayaan oo waa sugaynaa, kharashna waanu u ahaynaa ”.
Su’aal : ”Dugsiga TTC Wasiir ku wuxu yidhi waxaanu ka dhigaynaa goob maclimiinta hadda hawsha ku jira aqoontooda kor loo gu qaado, oo arday cusub loo qaadan maayo. Arrinkaa maxa ka jira ?
Jawaab : ”Malimintu mar walba in aqoontoda kor loo qaado oo hawshooda la tayeysiyaa waa mid loo baahan yahay. Hase yeeshee, arrinkaasi mid laga wada tashaday oo laga baraandagay oo dabadeena la qorshe loo sameeye ma ha. Haddana dugsiyadii furn ayaan macalimiin ku filan loo hayn. Waa in marka hore maclimiin la soo saaro badan ayaa loo bahan yahay. Maclin tabar loo furo oo malin laga marmi karayaa hadda ma jiro” .
Su’aal: “ Dugsiga NTEC iyo Dugsiga Farsamada Gacanta ee Burco, Wasiirku wuxu sheegay ardaydii geli jirtay ee reer Somaliland inuu tiradooda xadiday, Dugsiga sare ee Bandir arday dii reer Somaliland ee geli jirtay wuu ka mamnuucay. Maxaad arrinkaa kala socota? ”
Jawab: “kaa si waa arrin siyaasiyah. Waxa habboonayd iyada lafteeda in wada tashi laga yeeshoo, oo ardayda dugsiyada NTEC iyo Dugsiga Farsamada Gacanta ee Burco horta la cayimo halkii kale ee lagayn lahaa. Taasi may dhicin. Dugisga Banadir maamul kiisu nama hoos yimaado; xidiidh wada shaqona nagama dhexeeyo. Ardaya halkan ka tagtaa iyaga iskood isu dabara”.
Radio Hargeisa marku sii daayey waraysigaa oo abaraa 5:30 galabnimo ahayd, ardaydii oo dhami way xanaaqday. Shir degdeg ah aya lagu qabsaday xaruuntii Ururka Ardayda Somaliland (Somali Students Union) ee Hargaysa. Waxa qaraar lagu gaadhay in 8da subaxnimo khayriyada horteeda la iskugu yimaado si mudaaharaad loo dhigo. Habeen kii ayaa la is abaabulay. Warkii baa xafad walba iyo arday welba lagaadhsiiyey. Waalidiinta iyo dad waawaynaa dheg loogama jalaqsiin.
Hadii nabad lagu waa bariistay oo la soo quraacday, ayaa iyadoon cidina war hayn, ardaydii Hargaysa joogtay gobtii soo buuxiyeen. Dad badan oo shacabiya ayaa dawasho u soobaxy si ay xog ug helaan waxa meesha ka socda. Ardaydii markiiba xaga Shacabka iyo Xafiiska badhasaabka ayey u ruqansadeeen. Saldiga dhexe ee bilayska hadii la maraayo aya waxa yimi Saraakiil sare oo Saldhiga ku sugnaa. Ardaydii way joojiyeen, su’aalo ayey waydiiyeen. Iyadoo si nabad ah loo wada hadlaayo, ayaa goobtii waxaa yimid baabuuro sida ciidan badan oo bilysa. Cidan ku wuxu sitay gaashamo, budhadh, sunta qiiqa, hub badan iyo rasaas. Iyadoon digniin arday dii la siin, aya lagu bilaabay in budhadh lala dhaco, suntiina waa lagu riday. Ardydii way gadooday. Dhagaxay miciinsadeen. Hadii cabaar dirir tu socotay, bilyskii rasaas buu ooda ka qaaday. Arday baa goobtii ku dhintay, dhawr kalana dhawac baa gaadhay. Intaa si markay dhacda, ardaydii mar qudha ayey yidhah deen waa inoo iyo Xafiiska badhasaabka, arrinkaas oo ay hore ugu tashadeen iany sameeyaan hadii xoog la is ku hortaago. Ardaydii hareerahay bilayskii ka dhaafeen. Xagii shacab ka ayaa la is eryaday. Magaladana qalalaasi waa soo gaadhay. Bilaysku wuxu gacanta ku dhigay habeenimadii illa 50 arday oo ay ku jiran madaxdii Ururka Ardaya.
Maalintii xigtay, halkii ayaa mudaharad kii ka sii socday. Dad waynihii oo dhame way qiiroodeen. Aad baa looga wada cadhooday falka bilaysku ku kacay. Ardaydii dugsiyada hoose ku jirtay waxay ka fadhiisateen waxbarashadii. Kuwii dugsiyadd dexe ku jirayna mudaaharaad ka ay ku soo biireen. Dugsiyadii oo dhami way xidhmeen ee magalaada Hargaysa ku yaalay. Shacab kii inkastoo aanay mudaaharaad ka qayb ka ahayn, ardayda ayey la safteen. Hooyo waliba innamadeedii intay goor hore diyaargaryso ayey u soo diraysay mudaaharaad ka inu ka qayb galo.
Badhasaab ka woqoyi galbeed magaalada wuu ka maqnaa waqtigaa. Waxa ku sii sime ahaa Xaashi Abiib ( reer Borame) oo aha Permanent Secretary (Director General). Xaashi wuxuu damcay inuu ardayda gorgorton lagalo. Ardaydii waxy ku adkaysatay inaan wada hadal furmi Kar illa ardayda xidhan la siidaayo shroud la aan. Xaashi Abiib isna arinkaa wuu ka gaws adaygay. Xaashi iyo waalidiintii ayaa wada hadal u furmay. Xaashi wuxu waalidinta u cadeeyey inaan ardayda la siidayn Karin iyadoo laga qaado damiin midwalba oo ShSo. 2000.00 (oo u dhigmaysay waqtiga USD 333.33 oo lacag badan ahayd waqtigaa) iyo inay ardayduu rabshadda joojiyaan. Ardaydii xidhnayd markii arinka loo sheegay waxay yidhaah deen: “Dhamaantayo oo nala siidaayo mooyee, bilaa shuruud, mid kaayana jail ka kama baxaayo xabsiga. Waalidiintiina mawqifka ardayda ayey taageereen. Ismari waa ayaa dhacay, maamul kii dawladda ee Hargaysa wuu shaqayn kari waayey oo ardaydii baa wareerisay.
Qalalaasihii ay ardaydu bilowday markuu soconayey mudo kabadan bil oo ardayii la dajin kari waayey, Cabdirasaaq Xaaji Xuseein xukuumadadiisii wuxuu kacdoon ka ardayda reer Hargaysa ku noqday tahar cuna ha kaga taagan. Wax u ku hadlo isaga iyo Wasiirkii sii tacliintu way garan waayen.
Wuxu markaa go’aan saday inuu u diro Hargaysa Alle ha u Naxariistee Maxamoud Axmed Cali (oo marka howl gaba)., si uu arrinkaa waxa uga qabto. Maxamuud Axmed Cali waxa la siiyey awood buuxda inuu wuxuu dan moodo sameeyo oo uu shaqaaqada Hargaysa ka taagan soo afjaro.
Maxamuud Axmed Cali Allah Ha u Naxariistee, sidii lagu yiqiin, waxay qaban kari wayday xukuumadii Cabdirasaaq , ayuu muddo 10 cisho gudahooda ku xaliyey. Waxa isaguna qayb libaax ka qatay arrinkaas odayaal badan oo u kamid aha Allah Ha u Naxariistee Xaji Cabdiraxmaan Maxamed Xassan (Cabdiraxmaan Gadh Yare oo waqtiga Hargaysa ku sugnaa, ahaana xubin golaha Baarlamaanka oo Hargaysa laga doortay 1964). Maxamuud Axhmed Cali wuxuu go’aamiyey arrimahan:
- In la dhiso Dugsiga Farax Omaar ee Hargaysa ayuu amray. Ardaydii ugu horaysayna oo laba fasal ahna waa laqatay. Intii la dhisayey Farax Omaar, dugsiga Axmed Guray ayey ku sii dhiganayeen oo laba fasal oo Iska Wax u Qabso ardaydu ku distay” marka farta laga qaaday. Dugsigaa markii la furay labadii sanadood ee u gu horeeyey Farax Omaar lama odhan jirin. Ardaydu waxay u bixsay “Xabadi Keentay Secondary School”oo dad koodhami u yaqaanay. Mardambe ayaa Farax Omaar loo bixiyey.
- Dugsi Sar ee Amoud halki uu hal fasal oo 30 arday ah sanad kii laga qadan jiriay, fasal kale oo 30 arday ayaa lagu daray.
- Dugsigii CTC dibaa loo furay;
- Dugsigii Farsamada Gacanta ee Hargaysa dibaa loo furay;
- Dugsigii Sare ee Banaadir qori 35 kursi oo joogta ah ayaa Somaliland laga siiyey;
- Dugsigii Sare ee Sheikh 10 kursi ayaa lagu daray.
Sidaasu arrinkii ku dhamaaday oo ardaydii iyo magaaladii Hargaysa ba ku xasileen markey ka guulaysteen Xukuumadii Cabdirasaaq Xaji Husseen iyo waxay maleegaysay ee aan marnaba lagu macnayn Karin wadaninimo iyo wax u dhawntoona.
Alle Ha U Naxariito Maxamuud Axmed Cali; Abihii taclintaa nidaamiga, Abihii dalinyarada iyo ubad ka, Abihii ummadda ee aan Aabe ka dambayn.
Somaliland xumaatadii hore ee qaadan waaga aha mid ka daran oo soo korodhay ay dhacdadani noqotay. Naxali iyo caabuq ayaa buuxiyey shacab kii reer Somaliland. Talo way ka madoobaatay. Somalia iyo Somaliwayne ba waa la nacay. Weedhoodu waxay noqotay Somalia aan kala dhaqaaqno ileen waata la yidhi inan rag ciil cadaab ka doorey’e. Faraax Nuur waatuu hore u yidhi:
Nin ku xiga naxaliga kuu galaa nudayga naafeeye,
Nugaal na aan tagee reer Xirsow nacay agtiiniiye,
Mar hadaanaan Naas kii walaal nimo idanka noogaynin,
Ma Nasaarada iga Xigtaan nabiyadii diiday.
Faarax Nuur
—————————-
Cabdirasaq Xaji Huseen xukumadiisii waxay ahayd mid tamar yar, qabyaladuna ku wayntahay, Somaliland aad neceb. Neceeb ka uu Somaliland u hayey waxay ka gaadhay inuu Hargaysa iyo |Burcao uu soo diro Badasabo reer Somalia ah oo aan af Inigirisi aqoon iyo maamul toona o ay dad kii isku margadeen. Sida aytahay hadana Xukuumadii Cabdirasaaq waxa ka dhex muuqday saraakiishii reer Somaliland ee aha khubarada maamul ka dawladda oo u aga maarmi waayey danahiisa siyaasadeed.
Cadirasaaq wuxu ahaa nin hadal badan oo nuux-nuuxsi badan iska oo iska dhiga inuu yahay wadani, hadana wax qabasha yar. Intii u ahaa Ra’iisal Waasaraha, qudha wax la sheego kamuu qaban, wax uu baabiyo mooyee. Somalia iyo Somaliland ba Cabdirasaaq wuxu ka noqday tuke baal cad oo xil dambe cidi ku aamini Karin. Markii Cabdirashiid Cali Sharmake Madax Waynaha loo doortay ee Aadan Cadde iyo Cabdirasaq isla dheceen, ayuu Qasim Ismail, Alle Ha u naxariistee uu tiriyey tix dane:
Niyad baan u ledayaa hurdada naasir Naxaroow’e
Nabdigaan ka soo jeedi jirey noogayoo dhacaye
Nasashada darteed baad indhaha Nadarka yaabtaaye
Naxligii Caloosha iyo bogsade nabarradeediiye
Naxariistu waa naca kufriga nidar galkeediiye
Neecaw qaboow iyo dabayl naafaclaa timiye
Nabad iyo Naq roob baa beddelay Nayla-Jaliyiiye
Nacabkii Ilaah naga kaxee naaqiska ahaaye
Nasiib baannu leenahay haddaan Aadan soo noqonne
Niidii xareedbaa ka timid Naannida ahayde
Nuuxnuuxsigii Ina Catoosh nugul ka soo doogye
Nataaqadi na gaadhiyo lugtii nalaga naafeeyey
Waxa Nacalla-qabihii na baday waa ka noollahaye
Nabsigii wax badan loo dhursugay nacasti soo gaadhye
Nooleba mar uun buu samaha Nacam yidhaahdaaye
Noolaatay yidi-diiladii Naxashka saarrayde
Mar haddii ninkii geyey kursiga nabadgelyo u fuulay
Nimcadiyo sow mahad-naq uun lagu negaan maayo.
Qaasim Ismaciil
————————–
Qaasim iyo shacab ka reer Somaliland waxay filayeen inuu Cabdirashiid dhakhso wax uga qaban doono cabasho dooda iyo tabashadooda dami waayey. In kastoo Cabdirashiid qayb wayn ka ciyaaray dhibaatooyin kii Somaliland loo gaystay, hadana waxa la islahaa waatoobad keen oo wuu waantobi. Maxamed Ibrahim Egal markii loo magacaabay Ra’isal Wasaraha, dad ka reer Somaliland ididiilo wayn baa gashay. Waxbasi Alle kamatrin. Maxamed Ibraim Egal wuxu noqday nin aan awood lahay oo u garbadooban Cadirashiid Cali Sharmarke iyo Yassin Nur Hassan oo Wasirka Dakhiliga ahaa. Labada nin ayaa shaqadii Ra’sul Wasaruhu lahaa iska haystay. Maxamed Ibrahim Egal waxa kale oo la kulmay loolan adag oo siyaasiyah oo ay ku qaadeen siyaasiyiintii Somalia.
Maxamed Ibrahim Egal wuxu aha nin sabir badan, markuse fursad u helo madaxnimada aan laga furfuri Karin. Wuxuu ahaa nin naftiisa mooyee wixii kale ba u hora korsigiisa. Waxa kaluu ahaa nimaan looba dirin horumarka bulshadda. Laba goor uu marna Somaliland xukumay (1960) marna Jamhuuriyadii Somalida (1967 -69) muu ka dhisin hal dugsi magaaladiisii Berbera ee sedex da goor laga soo doortay 1960, 1964, 1969).
Muunoqon nin Somaliland waxay tabanaysay iyo xuquudeedii lagu tuntay oo soo celiya. Intuu mucarad ka ahaana muuhayn mid Somaliland u dooda. Markii uu Ra’iisal Wasaarah noqdayna, wuxuu ahaa nin ku milmay siyaasiyiintii Moqdisho oo kursigiisa uun u daacada. Hase yeeshee marxaladaa waxa lagu xasuustaa Maxamed Ibrahim Egal inuu 1968 la sexeeday Dawladda Shina aha in Hargeysa biyo la soo gelyo. Waxa kale oo heshiis lagaly Barwaqo soran ka Yurub inay Hargeisa ka dhisan College (Waa Xrunta Jaamicadda Hargaysa) si ardayda Somaliland ee ka soo baxda dugsiga sare ay tacliintooda halkaa ku sii wataan debedeedna loo diro Yurubta galbeed ee reer Somaliland mamnuuca ka ahayd. Waxa kale oo uu markiiba soo celiyey deeqdii waxbarsho ee 10 ka kursi ahayd ee Ingriisku bixin jirery ee dawladii Cabdirasaaq Mogdisho u wareegisay. Waxa kale oo uu heshiis hore dhacaa (Letter of Intent) la saxeeday Banka Dunida (World Bank) in la dhiso wadada Berbera iyo Hargaysa.
Biyaha Hargaysa, wadada Hargaysa iyo Berbera, wadada Hargaysa iyo Burco, wada Berbera iyo Burco, iyo Masjid Jaamaca Hargaysa waxay ahayeen arrimaha reer Somaliland aad ugu mudnayad ee madax dii timaada Hargaysa ay hadiyo goor ka dalbadan in loo dhiso. Aadan Cadde , Cabdirashiid, iyo Cabdirasaq markay Hargaysa yimaadaanba arrimaha balan beena ayay shacab ka Somaliland u qaadaan. Waa la wada ogaa in any Jamuuriyadii Somalidu dhaqaale u ahayn ay mashaariicada cayn kaasa wax kaga qabtaan. Hase yeeshee aduunyada oo dhan baa barigaa inoo heelanayd oo diyaar u ahayd inay wax inoo qabtaan. Waxay madaxdii Somalidu kala masuugeen Somaliland inay baahideeda deeq bixiyayaash aduunyada u bandhegan.
Wuxu yidhi Alle Ha U Naxariistee Salaan Carabay:
Waxba yaanuu xoolana isiin xaal kayna imarine,
hoheey nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe,
————————–
Mahamed Siyaad Bare xumaatadii iyo dulmigii lagu bilaabay Somaliland 1960 ayuun buu dhamaystiray. Waxaanuu god madaw ku riday idindiiladii yareed ee laqabay ee ku salaysna Somali wada jirkeeda. Dhibtay bilaabeen Aadan Cabdile Cisman, Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo Cabdirasaaq Xaji Huseen waata aynu midha heedii aynu hadda hayno ee Somali kala dhaqaaqday. Jabuutina markay aragtay isha Cali ka laalaada (waa Somaliland e ayey lafeeheeda u caarartay. Alaylahi waxa se maangaaba Somaliland oo 22 sano horteed xornimadeedii soo cishatay oo mood iyo nool ba ku bixisay, kuwa mannta dabjooga ee Distoorkooda qortay Somaliland iny tahay qayb kamida Jamuuriyadoo Somalida ee la baadi goobayo. Waxa se igalsii liita kuwa maanta la shiray xukuumada maqaar saarka ah ee Sheekh Sharif. Shacbka Somaliland isagoo xora oo madaxa taagaaya, oo sidii gaaf aytahy gawska ka qoslaaya, Allana u heeliyo nabsigii la hayo, weedhisu waxay tahay:
Inaan haatan kala qaadanaa, Qaadir soo rogaye
Qataladeenii kala laasanay iyo, gulufkii shaydaane
Waaryaadhaay kala quusanaye, qoomamo la’aada
Faarax Nuur
_______________
Dabadaw (Footnote)
Waxan ka waaninayaa da’yarta hada wax qorta inay ku sifeeyaan 26 June malin madaw iyo wax lamida. Arrinkaasi waa qalad iyo meel ka dhac tarrikh da laga Sheegaayo. Maalin waliba waaya heeda ayey leeday. Maalintaa arrimihii taagnaa iyo waayahaa ay dhalinyardu la soo kolantay aad bay u kala duwan yihiin. Qof waliba waayahiisa oo qodha inuu katliya baa gud boon.
Tarrikhda in cibro laga qaataa ayaa loo bartaa ee inuu facba facii ka horeeyey uu xukumaa waa qalad (retroactive judgement). Culimada tariikhdo (History Scholars) way xaraantimeeyeen arrinkaasi. Qof kii aqoon isbida ee falkaa ku kacaana wa isaga iyo maankii (value judgement) wax ka soo qaadna male marka la eego dhinca tarrikhda saxada ah; waxanuu isku xukumay inuu jaahil yahay ee ha laga waantoobo. Odayaashii xornimada dhaleyey iyo 26 June qiimahooda hal loo quudho.
Odayaashii 1960 Somalia iyo Somaliland isku daray taladii la soo gudboonaatay sidii ugu haboonay ee ay arkayeen ayey hawshoodii uqab sadeen. Hadii siday rabeen wax waliba u socdaan, oo la gaadhi laha yoolkay higsanayeen, dhalin yarada 26 June ceebaynaysaa, manta way amaani lahayeen. Sidaas wax lagu ma qiyaasi karo. Iya guuna mustaqablku wuxuu xambaar sanyahay iyo wuxu noqon doona ka may war hayn.
Ceebta laga sheegayaa 26 June waa mid loo gaysanyo raagii waqtiga talinaayey. Waa ceeb aanay galabsan. Ragaasii waa aabayaasheen iyo awaw yaasheen. Waa geesi yaashii umadda Somaliyeed oo dhan. Waajib koodii si daacadnimo ah ayey uga soo baxeen. Magac iyo maamus ayey leeyihiin oo in lagu xusuuto aytahay. Dhalin yaroy idinkuna hada waajib ka idinla guud boon qabsada.