Somaliland iyo Wadadda Ceerigaabo
Mashaariicda ugu waaweyn ee ay dawladdaha adduunku hirgaliyaan waxa kow ka ah dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha. Waana goobaha adeega iyo wax soosaarka dalalku ay ka abuurmaan, si loo hormariyo nolosha muwaadiniinta isla markaana loo sameeyo isku filaansho iyo isdabar dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadda ah, waxa mihim ah in la hirgaliyo dhismaha mashaariicdan. Kaabayaasha Dhaqaalaha waxa ka mid ah:- Wadooyinka iyo Buundooyinka, Tamarta, Biyo-galinta, Isgaadhsiinta, Dekaddaha, Madaaradda, Cusbitaaladda, Iskuulaadka iwm. Haddaba haddii aan soo qaato Wadooyinka oo ah mid ka mid ah mashaariicdan Kaabayaasha Dhaqaalaha ee uu dal leeyahay, si looga faa’ideysto wax soosaarka khayraadka dalka iyo isku socodka baayacmushtarka oo tiir u ah kobaca dhaqaalaha iyo kor u qaadida tayada iyo nolosha dadka waxa mihim ah in aynu is dul taagno Siyaasada ka danbeysa in Madaxweyne Silanyo Mashruucan oo ah kii ugu waynaa abid intay Somaliland jirtey uu iclaamiyo. Waxa kale oo mihim ah in aynu wax ka tilmaano faa’idooyinka ku jira dhinacyada, Siyaasada, Dhaqaalaha iyo Arimaha Bulshada (Politico-socioeconomics).
Wadooyinku waa tiir ka mid ah kaabayaasha Dhaqaalaha (Infrastructure), waxaaney si weyn uga qaybqaataan kobaca dhaqalaha iyo horumarinta nolosha iyo isku xidhka bulsho. Waxa kale oo ay qayb weyn oo mug leh ka qaataan shaqo abuurka, dhiiri galinta wax soosaarka iyo ka faa’idaysiga khayraadka dabiiciga ah iyo waliba isku socodka ganacsiga iyo suuq geynta badeecooyinka iyo bixinta adeega baayac-mushtariga ah,(Infrastructure facilitates the production of goods and services). Sidaa darteed waxaan qalinka u qaatey in aan wax ka iftiimiyo faa’iidooyinka dhismaha wadadda Ceerigaabo, oo ah mashruuc aad u wayn.
Wadada Ceerigaabo oo ah wado aad u dheer waxay isku xidhi doontaa haddii Dawlada iyo Ummada reer Somaliland ku guuleysataan Gobaladda Somaliland gaar ahaan Saaxil iyo Tog-dheer iyo Gobolka dalka ugu weyn (Sanaag) isla markaana ah Gobol aad u khayraad badan. Gobolkan oo dalka intiisa kale ka go’an waxa uu dhinaca dhaqaalaha si toosa ugu xidhnaa Magaalada Bosaso ee Ismaamul Goboleedka Puntland. Haddiise uu mashruucani shaqeeyo waxa uu si toosa ugu xidhmayaa labada Gobol ee aan kor ku xusay, waxa uu si toos ah iyo si dadban ba u camiri doonaa Dekeda Berbera oo Mushtamaca balaadhan ee Sanaag ku nooli ay kala soo degi doonaan maceeshada, bagaashka iyo wax yaabaha daruuriga ah, halka ay hadda kala soo degaan Bosaso oo ah meel ay bideen dhawaansho dhinaca masaafadda dhulka ah ee aan lahayn wado.
Sanaag waxa ay qani ku tahay xoolaha nool gaar ahaan adhiga, Beeyada iyo Fooxa, khudaarta geed hoosaadka ah, kaluunka iyo dhagxaanta macdanta ah. Waana Gobol dihin oo marnaba khayraadka Eebe ku manaystey aan dadkiisu uga faa’ideysan dhanka ganacsiga. Haddii suuq loo iib geeyo la helo waxa ku camirmeysa Dekada Berbera oo tartan xoog badan mustaqbalka la gali doonta qaar ka mid ah Dekadaha Geeska Africa ku yaal. Waxa cashuur fiicani uga soo hoyan doontaa Dawlada Somaliland, waxa kale oo laga heli doonaa shaqo abuuris badan oo khuseeya dhinaca ganacsiga.
Haddii lagu guuleysto mashruucan wadadan dheer waxa ka sameysmi doona magaalooyin yar yar oo yeesha Hotels la seexdo, meelo wax lagu cuno, kaalmo shidaal lagu iibiyo iyo tukaano alaabooyinka dadka safrayaa ka gataan. Waxa kale oo magaalooyinkaa yar yar shaqo ka heli doona dad badan oo awal shaqo la’aantoodu khatar ku ahayd amniga dalka haddii uu wakhtigu ku sii dheeraado. Waxa kale oo ka soo bixi doono cashuuraad badan oo aan awal ka soo baxayn laakinse badalkeeda kab looga jari jirey Gobolada dhaqaale ahaan is kaafiyey sida Hargeisa, Berbera Burco, Borama iyo qaar kale oo badan. Waxaana lagaga baxsanayaa arintan kabista oo dhaqaale ahaan noqoneysay (Austerity Measure) ama isnuug dhaqaale oo gunti giijis iyo culays ku ah dadka iyo dawlada Somaliland.
Dhanka Siyaasada waad ogtihiinoo Sanaag Bari Qaranimada Somaliland si toosa ugama ay taabo qaadin 23 sano ee aynu soo dhaafney. Mashruucani waxa uu sahlayaa in ay dhaqaale ahaan isku xidhmaan Ceerigaabo oo ku xidhan Burco iyo Berbera in Laasqoray iyo badhan ku xidhmaan Magaalada Caasimada u ah ee Ceerigaabo. Waxa uu mashruucani abuuriyaa isku socodka deegaamadan dhinacyada adeega, ganacsiga iyo nolosha bulshada ku nool oo uu isku soo dhawaansho iyo kalsooni uu ka dhex abuurayo. Waxaan ku soo gabo gabeynayaa Mashruucan waxa uu u baahan yahay in aynu dhinacyo badan ka eegno oo aynu daraasadeyno si faa’idaduusu inoogu muuqato. Mashruucani waxa uu Somaliland ka dhigayaa dalka kaliya ee Africa ku yaal ee mashruuc noociisa ka hirgaliya dalkiisa, yadoo aan dayn ka helin Baanka Adduunka amabse Dunidu taageero dhaqaale iyo gacan ka gaysan.
Haddiise ay timaado in aynu xooga saarno fashilinta mashruucan inagoo aamusnaan ku sixi karna haddii dhinaca maamulistiisa qalad laga daraamo waxay ila tahay in aynaan meel fog wax ka eegayn ee aynu inagu isku muuqano. Waxaan dareemayaa dhamaantin in aad jeceshihiin dalkeena oo hagaaga, marka se aad qalad aragtaan waa in aynaan qalad kale ku sixin. Midna ha la ogaado Mashruucan Dawlada Kulmiye ay bilowdey macnihiisu ma aha in ay yadu dhameyneyso waxa suuro gal ah in ay dawladaha kale ay dhameeyaan lakin bilaabidiisa ayaa guul weyn ah, halka uu dhamaystirkiisu ka yahay bushaaro u soo hoyatey Ummada reer Somaliland. Wabilaahi Tawfiiq.
Allaa Mahad Leh.
Mohamed Hagi Mohamoud a Political Scientist and a Social Researcher, and an author of Academic Articles in East Africa. Department of Political Science. The University of Warwick. Email: mohamedomar1@hotmail.com or M.Hagi-Mohamoud@warwick.ac.uk.