Somaliland iyo QM oo kawadahadlay fulinta Mashaariic
Hargeysa May 24, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isu-duwaha Gargaarka Bini’aadantinimo Mr. George Conway oo ay weheliyaan saraakiil sarsare oo ka socday toban hay’adood oo ka socday Qaramada Midoobay.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta mucaawinooyinka horumarineed ee ay hay’adaha Qaramada Midoobay u fidiyaan Somaliland iyo dardar-gelinta hawlaha iskaashiga, gaar ahaan arrimaha bini’aadantinimada ee sannadkan loo qorsheeyay, iyadoo la raacayo shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.
Madaxweynuhu waxa uu ku booriyey madaxda wasaaradaha kala duwan ee dawladda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay inay si wada jir ah u wada shaqeeyaan, isla markaana loo ilaaliyo shuruucda caalamiga
Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehlinayay dhowr wasiir oo ka tirsan maamulkiisa.
Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka mid ahaa wakiilo ka socday hay’ado kala duwan ee Qaramada Midoobay.