|

Somaliland oo loo soo Jeediyay inay Ciidamadeeda kala Baxdo Deegaamadda Muranku ka Taagan yahay ee Sool iyo Sanaag

London 14.June 2014 (SDN/QJ)- Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya, Neil Wigan, ergayga Mareykanka ee Soomaaliya, James P. McAnulty iyo wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub ee Somalia, Michele

DahariyoCervoned’Urso ayaa ku baaqay in Gobolada Sool iyo Sanaag degdeg looga saaro Ciidamada Somaliland ee halkaasi ku sugan. Waxay soo jeediyeen in wixii keenaya Rabshadaha laga fogaado.

“Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah looga saaro ciidmada goobaha lagu muransan yahay ee gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana ugu baaqaynaa dadka ay arrintaas quseyso inay ka waantoobaan rabshadaha,” ayay danjirayaashan ku sheegeen qoraal wadajir ay maanta u soo saareen.

Danjireyaashan ayaa walaac ka muujiyey xaalka Degaanadaasi, iyagoo ku taliyey in la is xakameeyo “Waxaan ku baaqaynaa is-xakameyn iyo in laga hortago isticmaalka ciidamada. Dhammaan qaybaha ay quseyso arrintaan waa inay dadaal deg-deg ah sameeyaan si wadahadallo loogu xalliyo khilaaf iyo in si dhab ah loo muujiyo doonista ah in la abuuro waxyaabaha muhiimka u ah degenaasho waarta oo ka dhacda gobolka.”

Hadalka Danjireyaashan ayaa imanaya maalin uun ka dib markii Ciidanka Qaranka ee Somaliland galay degmada Taleex, halkaasi oo ay ka eryeen Kooxda Khaatumo oo Shirk u qabsanaysay. Ciidanka ayaa wali ku sugan jiidaasi, waxaana arintaasi diidmo ka muujiyey Maamulka Puntland.

London SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed