|

Somaliland iyo Midowga Yurub Oo Wada Galay Heshiis Dhinaca La Dagaalanka Budhcad-Baddeedda.

Hargeysa:June,2014(SDN/QJ)-Somaliland iyo Midowga Yurub ayaa Markii ugu horraysay Heshiis la xidhiidha la dagaallanka Budhcad-badeedda ku kala saxeexday Magaalaga Hargeysa.

falanq Heshiiskan ayaa Habeenkii xalay Labada dhinaca ku kala saxeexdeen Hutel Ambassador ee Magaalada Hargeysa, iyadoo ay qalinka labada dhinaca ugu duugeen heshiiskan Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia iyo Madaxa Xafiiska Midowga Yurub u qaabilsan kobcinta iyo ammaanka Badaha oo fadhigiisu yahay Djibouti.

Heshiiskan ayaa ah mid Diiradda lagu saarayo sidii budhcad-badeedda somalidu u noqon lahaayeen qaar ka fog xeebaha Somaliland, isla-markaana ay ciidamda Somaliland awood ugu yeelan lahaayeen inay tirtiraan budhcadda Badaha soomalida ku  nool.

 

Qoddobada Heshiiskani xambaaran yahay, ayaa, waxa ka mid ahaa qoddobadiisa, tababarrada iyo horumarinta ilaalada Xeebaha iyo sidii dagaal midho  dhal ah loola gali lahaa Budhcad-badeedda.

 

Waxa kale oo ka mid  ahaa in sanadka 2016-ka ay Somaliland  u noqon lahayd mid ka caagan arrimaha Budhcad badeedda,

Heshiiskan ayaa waxa uu daba socday Isku dhawaansho Somaliland iyo Midowga yurub dhex maray sanado ka hor markaas oo ay Somaliland ogolaatay inay Hoy u noqota Tiro budhcad-badeed ah oo waddamo ka baxsan khariiradda somalida lagu xukumay.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed