Somaliland: Guddi u Banbaxday Dagaal ka dhan ah Dadka Caadaystay Af-legaadada Diinta Islaamka
Hargeysa:23-Aug-2013- (SDN) – Badiba Gobolada Somaliland wax aka socda Olole Dagaal oo Ballaadhan kaas oo lagaga soo horjeedo af-lagaadeynta Diinteena iyo Suubanaheena CW, iyadoo dadka ku dhaqan magaalooyinka waaweyn sanadihii u danbeeyay laga wacyi gelinayay waxyaabaha xun xun ee Diinta waxyeeleynaya.
Guddiga Wanaag Farista iyo Xumaan Reebisa Somaliland oo dadaal u galay sidii looga joojin lahaa dadka caadeystay waxyaabaha xun xun ee lagu aflagaadeynayo Diinteena, ayaa shir jaraa’id oo ay Hargeysa ku qabteen maalintii shalay carrabka ku adkeeyey dhibaatada ay leedahay caadadaas xumi, waxana ay dhallinyarada arrimahaas ku kaca kula taliyeen inay ilaahay ka cabsadaan oo ka hadhaan af-legaadada noocaas ah.
Guddigan oo si mutadawacnimo ah uga howlgala deegaanada Somaliland, ayaa waxa ay dadka faraan wanaagga, waxayna ka reebaan xumaanta sida aflagaadeynta Diinta, Suubanaheena iyo Allihii na abuuray oo dad badan afkooda ku waxyeeleeyaan.
Maxkamadda Hargeysa ayaa dhowr jeer oo hore xukuno ku riday dad lagu soo qabqabtay howlgalo si wada jir ah u fuliyeen Guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista iyo ciidamada Booliska.
Magaalada Hargeysa oo ka mid ah goobaha ugu badan ee guddigani ka howlgalaan, gaar ahaan goobaha Qaadka, Makhaayadaha iyo Majlisyada lagu qayilo ayey dadka ugu qabtaan muxaadarooyin diini ah oo lagaga wacyigelinayo dhibaatada ka dhalata waxyaabahan xunxun ee ay caadaysteen.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com