|

Somaliland: Gaadiidlayda Baabuurta Leh oo Ku Hanjabtay inay kor u qaadi doonaan Kirada ay dadka ka qaadaan.

Hargeysa:28-Sep-2013(SDN)- Iskaashatada Ururka Gaadiidleyda Somaliland ayaa shaaciyey inay Kordhin doonaan qiimaha lagu raaco gaadiidka kadib markii dhawaan Golaha Wakiilladu Ansixiyeen Xeer Cashuur dulsaar ah ku waajibinaya Gaadiidka, isla markaana uu Madaxweyne Axmed MAxamed Maxamuud dhaqan geliyey saacado kadib markii loo gudbiyey.

 

index Qiime korodhkan oo   jawaab u ah Cod aqlabiyad ah oo ay golaha wakiilladu ku ansixiyeen xeerka takaaliifta iyo cashuurta ee lagu kordhinayo gaadiidka iyo xoolaha nool, kaasi oo  saamaynaya baabuurta kuwooda waaweyn iyo kuwa yaryarba.

 

Xeerkan ayaa baabuurta Saddexda Tan (3 Ton) ka yar ayaa xeerkani ku waajibinayaa Cashuur dhan Siddeetan kun oo Shilin Somaliland ah (80,000 Slsh) una dhiganta $13 Dollar, halka hore looga qaadi jiray  Shan iyo Sagaashan kun oo Somaliland Shilin ah (95,000 Slsh) una dhiganta $15. Sidoo kale Baabuurta  laga qaadi doono Sanadkii Cashuur dhan Lix Boqol oo kun  (600,000 Slsh) una dhiganta  $90, halka hore looga qaadi jiray Afar Boqol iyo laba Kun (402,000 Slsh) una dhiganta   oo u dhiganta   $62, waxaana xeerkani dhigayaa in sanadkii cashuurta la qaadi doono laga jeer.

 

Dhinaca kale Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa la sheegay inuu maalmaha soo socda kulan la yeelan doono Guddiyada Iskaashatooyinka Gaadiidleyda Somaliland oo si weyn uga soo horjeeda Cashuuraha Xeerka Takaaliifta waddooyinka, kuwaasoo uu doonayo inuu ku qanciyo inay aqbalaan, bixiyaana lacagaha lagu soo rogay si waddooyinka loo dhiso

 

tallaabadan wasiirka Madaxtooyada  ayaa ka  dambeysay diidmo taagnayd tan iyo markii Golaha wakiilladu ka doodayeen Xeerkaasi oo xukuumaddu  af iyo adinba u qaaday cidii isku dayda inay ka hortimaado, sida Xisbiyada Mucaaridka ah oo Bilays la dul-dhigay maalintii la ansixinayay.

 

Gaadiidleyda oo laba maalmood ka hor intaan xeerka la meel-marin cabasho la hortegay Golaha wakiillada ayaa hadal iyo hugunba laga waayay maalmihii ugu dambeeyay, waxaana la sheegay inay doonayeen inay shaqo joojin iyo Mudaharaad wada socda sameeyaan.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa la sheegay inuu u ogolaaday xubno ka socda inay la kulmaan maalmaha soo socda ee todobaadkan bilaabmay, waxaana la hadal hayaa in kulankaasi dhici doono maalinta Axadda ah ee berri ama Isniinta sahan-dembe.

Qaar ka mid ah Hase ahaatee Xog-hayaha Iskaashada Gaadiidleyda Somaliland Xasan Aar Cabdillaahi oo isna  u Warramay Radiohirad.so ayaa shaaca ka qaaday in Gaadiidleyda oo ka shidaal qaadanaysa Cashuurta lagu kordhiyay ay iyaguna Lacag dul saari doonaan kiradii adeega ay dadweynaha  u sameeyaan.   “Haddii ay ka maarmi weydo way dhici doontaa (kordhinta gaadiidleydu) laakiin annagu waxaanu marka hore ku dadaalaynaa in aanu Cabashadayada Mudaharaad kumuujino oo aanu baabuurta soo hordhigno Baarlamaanka, waxaana aanu jecelnahay inaanu  furayaashana farta ka sarano Golaha Wakiillada golaha annagoo isku dhan dallada gaadiidka Somaliland” sidaa ayuu yidhi Xoghayuhu.

SDN.

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed