Somaliland: Bilawga Ololaha Doorashada iyo Taageerayaasha ururka Umadda oo ruxay caasimadda Hargeysa (DAAWO SAWIRADA)
Hargeysa October 29, 2012 (SDN)- Taageerayaasha urur-siyaasadeedka Umadda ayaa dabaal-degyo iyo dibad-baxyo lagu furay ololaha doorashada maanta ka dhigay magaalooyinka waawayn ee Somaliland.
Ururka Umadda oo ka mid ah shanta urur-siyaasadeed ee cusub doorashada tartanka kala qaybgalaya labada xisbi ee UCID iyo Kulmiye, waxa uu maanta dibad-bax balaadhan ka dhigay fagaaraha Beerta Xorriyada ee magaalada Hargeysa, iyadoo taageerayaal tiro badan oo basas saaranina socod ku mareen jidadka caasimadda.
Ururka Umaddu waxa uu kumanaan taageeroyaal ah keenay fagaaraha Beerta Xorriyada, maadaama uu noqday ururkii u horeeyay ee lagu bilaabay ololaha doorashada Deegaanka oo loo qorsheeyay inay qabsoonto 28 November 2012.
Taageerayaasha ururka Umadda waxa khudbado u jeediyay xubno ka mid ah murashaxiinta ururkaas uga tartamaysa doorashada Deegaanka Hargeysa iyo hoggaanka sare ee ururka Umadda.
Ugu horayn, guddoomiyaha ururka Umadda ee gobolka Hargeysa Mr. Cabdiqani Salaf oo hadal ka jeediyay halkaas, waxa uu taageerayaasha ku booriyay inay u codeeyaan musharaxiinta uu ururku u soo xulay tartanka doorashada Deegaanka caasimadda Hargeysa oo ay 175 musharax ku tartamayaan.
Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee ururka Umadda Mr. Naasir Bedel Ismaaciil oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu faahfaahiyay himilooyinka ururkooda iyo waxyaabaha u qorshaysan inay wax ka qabtaan haddii ay ka mid noqdaan saddexda xisbi qaran ee tartanka doorashada ka gudba.
Xoghayuhu waxa uu sheegay in xukuumadda xisbiga Kulmiye ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo noqon wayday sidii bulshadu filaysay, wuxuuna naqdiyay waxqabad 70% ah oo ay dhowaan golaha Wasiiradu sheegteen in xukuumaddoodu hirgelisay labadii sannadood ee ay xilka haysay.
Ugu dambayn, guddoomiyaha ururka Umadda Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo hadal kooban ka jeediyay munaasibaddaas, waxa uu sheegay in sidoo kale ururkoodu maanta dabal-degyo ka dhigay magaalooyinka waawayn ee Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka Burco, Ceerigaabo, Boorama, Laascaanood iyo Berbera.
Dr. Gaboose waxa uu taageerayaasha ku booriyay inay u codeeyaan musharaxiinta uu ururku u soo xulay tartanka doorashada golaha Deegaanka caasimadda Hargeysa.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in taageerayaashu ay maanta bacadka ugu soo baxeen, una taagnaayeen si ay u muujiyaan rabitaankooda maamul hagaagsan, kana madhan musuq-maasuq, eex iyo caddaalad-darro.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com