|

Somalia Oo Soo Kiraysatay Diyaarad Casri ah Oo Lagula Tacaalayo Kalluumaysiga Sharcidarrada ah

Muqdisho:Sep.11,2014(SDN/QJ)-Dawladda Somalia, ayaa sheegtay inay keensatay diyaarad casri ah oo lagula tacaalayo kalluumaysiga sharcidarrada ah oo  Badaha dalka dhibaato weyn ku haya.

fieDiyaaradan ayaa la sheegay inay tahay mid kormeeraysa Xeebaha Somalia, isla-markaana Sawirro kasoo qaadaysa cidda soo farogelinaysa.

Wasaarada Kalluumaysiga oo iyagu Hawshan si gaar ah u wadata, ayaa sheegtay in Ujeedka Diyaaradu ay tahay ka hortaga Kaluumeysiga sharci darada ah iyo indha-indheynta Budhcad-badeeda Soomaalida ee ka qowleysata Badda.

Sidoo kale, Wasaarada ayaa waxa ay sheegtay in Diyaarada ay tahay fish patrol, waxa ayna sheegtay in mudo lix bilood oo kiro ah la soo gashay Wasaaradda Kalluumeysiga oo kaashaneysa shirkad xagga ilaalinta kalluunka qaabilsan.

Diyaaradda ayaa waxaa la sheegay in shaqadeedu tahay in todobaadkii mar ay kormeer ku soo sameyso maraakiibta iyo doonyaha sida sharci darrada uga kalluumeysanaya xeebaha Soomaaliya iyo kuwa badda ku shubaya hadhaadiga sunta.

Wasiirka Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Xukuumadda Soomaaliya  Maxamuud Colow Barrow oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howsha kormeerka ee diyaaraddan ay wax badan ka badali doonto sida sharci darrada ah ee xeebaha dalka looga qowleyso, isagoo intaa ku daray in tani ay qeyb ka tahay qorshaha dowladdu uga aadan ilaalinta kheyraadka badda.

Dhanka kale, Wasiirku waxa uu sheegay in Sharciga ay la tiigsan doonaan cidii ay ku qabtaan Koormeerka ayna u gudbin doonaan Beesha Caalamka, waxa una ugu baaqay mulkiilayaasha maraakiibta iyo dowladaha leh Maraakibta in ay ka feejignaadaan ayna ka waantoobaan in badda Soomaaliya ay mar kale si sharci daro ah ugu qowleystaan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed