|

Somalia Oo Qiratay In Gaabis Uu Ku Yimi Wada-hadalkii ay Somaliland La Lahayd

Muqdisho:Aug,23,2014(Himilo)-Dawladda Federlka somalia ayaa  Muujisay sida ay uga xuntahay qaabka uu u socda wada-hadalka ay la leedahay Dhigeeda Somaliland.

ridieWasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ahna ra’isal wasaare-ku-xigeenka Somalia Ridwaa Xirsi Maxamed, ayaa ka Hadlay Wada-hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Dawladda uu ka tirsan yahay ee Federalka Somalia, waxana uu tilmaamay inay muuqato baahi weyn oo loo qabo dardargelinta wada-hadalka labada dhinac.

Mudane Ridwaan oo ka Jawaabayey Su’aal laga weydiiyey faraqa u dhexeeya Maamul u samaynta Gobolada Somalia iyo Wada Hadalkii u dhexeeyey labada dhinac ee Somalia iyo Somaliland ayaa sheegay in wada Hadalka  labada dawladood uu ka culays iyo miisaan badan yahay Qorshayaashan haatan dawladiisu maamullada ku samanayso,

“Arrinta Somaliland runtii waxan odhan karaa arrin ka culus weeeye hadda dawlad-goboleedyada iyo qaabku sida uu u socdo, waana kala duwan tahay” ayuu yidhi Ridwaan, waxana uu intaas ku daray inuu dareensan yahay in wada Hadalkii gaabis  weyni ku yimi,

“Wada hadalka Somaliland ay xukuumadda Federalka Somalia kula jirto waxan aaminsanahay xawligii loo baahnaa inaanu ku socon, waxan qabnaa inaan dardar gelino, hawshaasna inaan u dejin doono qorshe cad oo la doonayo in dadka walaalaha inay ku wada Hadlaan  oo ay ku xaqiijiiyaan hadafka iyo danta la leeyahay, waxana aanu qabaa arrintaasi waa Hawl gaar ah.”

Hadalkan kasoo yeedhay wasiirka Dhinaca Diinta u qaabilsa Somalia ayaa muujinaya inay Somalia xiiso gaar ah u qabto wada Hadal ay la gasho Somaliland, iyadoo haatan Dawladda Federalka Somalia laga rabo inay Dalka ka hirgeliso Doorashooyin marka la gaadho Sanadka 2016-ka, taas oo ay doonayso  ku talo gal ka yeelato Somaliland.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed