Somalia Oo Ku Dhex Milantay Muranka Dawladaha Carbeed Dhexyaalla Iyo Qatar Oo Qarka U Saaran Inay Taageerada Maaliyaddeed Kala Noqoto Dawlada Xasan Sheekh
Doha:14-March-2014 (SDN)-Siyaasadii dhex Taallay Dawladaha Carabta ee La Xidhiidhay Taageerada Dawlaha Qaar siiyaan Ururka Ikhwaanka, ayaa Haatan la Sheegayaa inay Soo Gaadhay Dalka Somalia.
Warar Diblomaasiyeed oo Soo Baxaya ayaa sheegaya in Dalka Qatar oo ka mid ah dalalka Kaalmada Weyn siiya Dawladda Xasan Sheekh ay haatan si weyn uga Shaki qabto Jihada ay qaadday Siyaasadda Soomalia, iyadoo ku uga Shakiday innay la Rafiiqeen Dawladaha Kale ee ay siyaasadda Isku hayaan dhawaanahan.
Ilahan Dublomaasiyadeed ay warbaahintu helayso ayaa sheegaya in shakiga ay Qatar ka qaaday Somalia uu ka dambeeyey markii uu Ra’isal Wasaare Cabdiweli dhawaan Booqasho ayaamo qaadatay uu Maamulka Sare ee Imaaraadka Carabka kula Qaatay Dubai, taas oo Qatar ku Abuurtay Shaki ah in Somalia ay la Safan tahay Dawladaha Imaaraadka, sucuudiga iyo Bahrnain oo ay si iskugu Hayaan Fikirka ururka Ikhwaanka ee ay Qatar taageerto.
Ilaha Diplomasiyadda ayaa tilmaamay inay Dowladda Qatar hakisay Kaalmooyinkii Dhaqaalaha ee ay Dowladda Federalka siin jirtey, waxaana suurto-galay inay Dowladda Qatar albaabadda ka laabato Somalia.
Toddobaadkii la soo dhaafay ayey Dowladaha Imaaraadka Carabta, Sacuudiga iyo Baxrayn waxay Safaaradahooda kala baxeen dalka Qatar, iyadoo taasi ay sababtay inay Dowladaha ku jira Ururka Jaamacadda Carabta u kala qeybsamaan kuwa taageersan Siyaasadda Sacuudiga,Imaaraadka iyo Baxrayn iyo kuwo u janjeedha Siyaadda Qatar.
Warbaahinta Dalka Qatar gaar ahaan Telefishankeeda Aljasiira ayaa si weyn u taageera Ururka Ikhwaanka, waxana ay si weyn uga soo HOrjeedaan Militeriga xoogga ku haysta Haatan Maamulka Dalka Masar.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com