|

Somalia Oo Ka Baxday Wada-hadalladii ay La Lahayd Somliland Iyo Wasiir Biixi Oo Jawaab Kulul Bixiyey

London:23-Dec-2013 (SDN)-Dawladda Federalka Somalia ayaa Si Badheedh ah Daneeyayaasha Dhexdhexaadinaya Labada Dhinac ugu bandhigtay inaanay dib u soo xaadiri doonin Wada-hadal dambe oo ay Somaliland la leedahay ilaa iyo inta ay somaliland ka Tanaasulayso Qoddobka Qaddiyaddda Madax-bannaanida.

bybo Waraaq uu wasiiru dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Soomaaliya Maxamed Nuur Gacal uu u kala diray dawladaha Turkiga, Ingiriiska, Norway iyo Midawga Yurub ayaa wuxuu ku sheegay inaanay dawladiisu diyaar u ahayn inay miis la soo fadhiisato Somaliland ilaa inta Somaliland ka laabanayso ama ka noqonayso qodobka madax banaanida Somaliland, isagoo qoraalka warqadaasina ku sababeeyey in dastuurka u yaalla Soomaaliya ee dawladda uu ka tirsanyahay ku shaqayso aanu u fasaxayn inay arrinta kala hadasho Somaliland,

“Qodobka 1-aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu si cad u dhigaya inaan laga doodi karin, laga hadli karin, gorgortana la gelin karin madax banaanida, xuduuudaha iyo qaranimada Soomaaliya, marka dastuur ahaan dawladdayadu awood uma laha aanu arrimaha kala hadalo Somaliland, iyadoo dastuurkayagu aanu noo fasaxayn ama noo jidaynaynin” ayuu Mr. Gacal ku yidhi qoraalkiisa.

 

 

Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya oo laftigiisu Toddobaadkii hore ku sugna magaalada London ayaa wuxuu kulano la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Britain u qaabilsan arrimaha Afrika Mark Simmond oo uu u sheegay inaanay wada hadaladaasi sii wadi karin, ilaa ayuu ku yidhi wada hadalka ay Somaliland siyaasiyiintoodu ajandaha doonayaan inay ku soo daraan arrinta madax banaanida.

 

 

Waxaa  Toddobaadkii labaad magaalada London ku sugan laba wasiir oo ka tirsan xukuumada madaxweyne Siilaanyo oo kala ah wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo ganacsiga iyo maalgashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, kuwaasi oo wada hadalo baaxadleh kula yeeshay magaalada London masuuliyiin ay ka mid yahiin wasiiradda arrimaha dibada ee dalka Ingiriiska, safiiradda dalalka Norway, Denmark, Maraykanka iyo Sweden ee dalkani.

 

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixiyey waraaqda dawladda Soomaaliya ku diiday inay wada hadalka bisha January loo ballansana ka soo qayb gashay, isagoo Mr. Biixi waraaqda uu dalalka daneeya dhex dhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya u diray ku sheegay in dawladda Somalia ay tahay qayral masuul aanay ku qabin kalsooni danbe, isagoo ka codsaday inay dalalkaasi soo fara geliyaan arrinta sida heshiisyadii lagu gaadhay London, Dubai iyo Istanbul ay dhigayeen

Mr. Biixi wuxuu sheegay in aanay dawladiisu dul qaad danbe u yeelan doonin mar marsiiyaha ka imanaya Muqdisho, wuxuuna sheegay inay ka si rasmi ah uga bixi doonaan wada hadalka, taasina ay dhaawici doonto horumarkii hore looga sameeyey wada hadaladii labada dhinac hore u gaadheen, oo qodobada ay labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen imikana laga wada shaqeeyo ay ka mid tahay la dagaalanka budhcad badeeda iyo argagixisada.

Mr. Biixi wasiirka arrimaha dibada Somaliland wuxuu sidoo kale ka codsaday dawladda ingiriisku inay si dhab ah usoo dhex gasho arrinta dhex dhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ay u fidiso khubaro dhinaca sharciga qaabilsan si loo furdaamiyo arrintani khilaafka keenay, isagoo sidoo kalana ka codsaday dawladda ingiriisku inay London usoo wareejiso wada hadalada, Mr. Biixi ayaa qoraalkiisa kaga cawday dawladda Turkiga oo uu sheegay inay ka caga jiidaysay inay si dhab ah u dhex dhexaadiso Somaliland iyo Soomaaliya.

 

 

Wada hadalada labada dhinac ayaa loo balansana bishii September ee sannadkani, waxaana sida xukuumadda Siilaanyo laga soo xigtay ay wada hadaladaasi dib ugu dhaceen bishii October, haddana Bishii November, haddana Bishani December, iyadoo ugu danbayntiina wasiirka arrimaha dibaddu warbaahinta u sheegay in wada hadalka dib loogu dhigay bisha January, ma cadda in wada hadaladaasi ay dhici doonaan iyadoo murankani taaganyahay.

 

 

Wasiirradan haatan maqan ee Reer Somaliland, ayaa marka ay waddanka ku soo noqdaan shacabku ka filayaa inay jawaab waafiya  ka siiyaan arrimaha Soo Kordhay, iyadoo shacabka reer  Somaliland markii horeba aanay raalli ka ahayn in Somalia wada-hadalkeeda lagu degdego.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed