|

Somalia oo heshay kursiga Africa ee Gollaha Amaanka

NY June 06, 2024 (QJ)-Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay ka mid noqoto shanta xubnood ee cusub ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddada u dhaxaysa 2025 ilaa 2026.

Golaha ayaa maanta u codeeyay shanta wadan oo ay ku jiraan Somalia, Pakistan, Denmark, Greece iyo Panama. Wixii maanta ka dambeeya waxay si rasmi ah u noqonayaan xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Soomaaliya waxay matali doontaa qaaradda Afrika labada sano ee soo socota.

Soomaalida ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya sida ay u xaqijisay xubinnimada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya iyo afarta waddan ee kale—Denmark, Greece, Pakistan, iyo Panama—ayaa bedeli doona xubnihii hore ee aan joogtada ahayn ee kala ah: Mozambique, Switzerland, Malta, Japan, iyo Ecuador.

Comments are closed