|

Somalia iyo Kenya oo Isku Raacay in Muqdisho ama Nairobi Mid ahaan lagu qabto Shir lagaga hadlayo arrimaha qaxoontiga Somaliya

Nairobi 18.June 2014 (SDN/QJ)- Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa maanta madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto kala hadlay dhibaatada howlgallada ciidamada ka soo gaartay shacabka iyo ganacsatada Soomaalida ee ku sugan Kenya.

Raysul wasaare Cabdiweli iyo William RutoRaysul wasaaraha ayaa warbaahinta u sheegay inay isaga iyo madaxweyne ku-xigeenka horumar fiican ka gaareen wadahadalkooda.

“Labada dowladood waxay isku raaceen in dhowaan lagu qabto Muqdisho ama Nairobi shir looga hadlayo hirgelinta heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee la xiriiray arrimaha qaxootiga Soomaalida” ayuu yiri raysul wasaare Cabdiweli.

Heshiiska saddex-geesoodka ah oo ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa dhigayay in aan dib-u-celinta qaxootiga loo marin qaab khasab ah oo la tixgeliyo rabitaanka dadka.

Raysul wasaare Cabdiweli iyo William Ruto ayaa sidoo kale ka wadahadlay  iskaashiga labada dal iyo ammaanka, gaar ahaan falalka argagixisada oo ay isla garteen in ay labada dal iyo adduunka oo dhan dhibaato ku hayaan, sidaas darteedna loo baahan yahay inay hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya iyo Kenya sii xoojiyaan iskaashigooda.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa Kenya u jooga ka qayb-galka kulanka 99-aad ee dalalka ku bohoobay African, Caribbean, and Pacific Group of States (ACP).

Nairobi SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed