Somali Sat Tv, ma TVga doolad gobaleedka khaatumo state of Somalia
Tvga khaatumo “Somali sat tv” kana hawlgala dalkeena somaliland waxa uu lid ku yahay gooni isu taaga Somaliland. Waxa uu baafiyaa una olaleeyaa kala qeybinta Somaliland.
Waa Tv ku hadla afka khaatumo sidoo kalana ku leh laamo Hargeysa, Burco, Boorama, berbera iyo ceerigaabo.
Tvgani waxa uu habeen iyo dharaarba ku hataaqaa doolad gobaleedka somaliya Khaatumo, waxaanu olole dheer ugu jiraa sidii uu dagaal uga dhex ridi lahaa dadka ka walaalaha ah ee deegaanku ka dhexeeyo.
Waxa yaab ah in wasiirka warfaafintu Tvga universal oo dacaayad yar soo hindisay ka xidho xafiiskooda, khaatumo TVna ka hawl gashoSomaliland laguna naas nuujiyo dhaqaalaha ka soo xerooda cashuurta shacabka Somaliland.
Su’aasha taagani waxyt tahay, haddii xukuumadii Somaliland fasaxday in shirar lagu yagleelayo doolad gobaleed somaliyeed oo laga soo waariday Somalia lagu qabto dhulka Somaliland, TV ku hadlaya magaca khaatumana “ama SSC” ka hawl galo dalka, miyaanay taasi aheen:
- in xukuumada Somaliland ka dambeyso dhisitaanka maamul gobaleedka la magic baxay Khaatumo state of Somalia?
- In wasiirka warfaafintu mudane cakuse arinta uu ku eryay Universal Tv lug ku laheen qadiyada gooni isu taaga Somaliland, maadaama Khaatumo Tvba ka hawk galo Somaliland?
Qore mubaarik daljir