Somaaliyeey halkee baad ka socotaa ama u socotaa?
Qormadaan waxaanu kusoo bandhigi doonaa qodobkan soo socdo:
kacdoonadii dalkasoo maray,maxaa kiciyay maxaasa laga kasbaday?
Dalka soomaaliya waxaa soomaray dhoowr kacdoon kuwaasoo isbedel ineey ukeenaan dadka iyo dalkaba lagu doonaayay.waxaana aan kasoo qaadan karnaa:
1-kacddoonkii AL- Imaam Axmed Gureey: waxa uu dhacay qarnigii 16 aad ee lasoo dhaafay sababtiisuna waxa ay ahayd:
gumaad ay xabashidu ku haayeen dadyoowgii muslimka ahaa ee geeska afrigada bari. Kacdoonkaa waxa uu socday mudo 10 sano ah asgoo guud ahaan kala wareegay xabashida dhulkeedii oo ay caasimadoodii aksom ku jirto. Lakin dhamaadkii gacan ay xabashidu Bortaqiiska ka heshay aawgeed quluqulkii muslimiinta waalahakiyay kadib markii uu geeridyooday Imam axmed 1542kii.
Kacdoonkaan waxaa laga kasbaday:
– Qulqulkii Soomaalida reer guuraaga ee dhanka bari ilaa galbeed ahaa oo isku bedelaya waqooyi koonfur.
– Oromada oo soo muslimtay.
– Reer galbeedka oo markii ugu horeeyday geeska afrika sooo caga dhigtay.
2-kacdoonkii Sayid M.C.Xasan:waxaa sabab u ahaa arimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen:
– Gumeystihii oo dalka kheyraadkiisa guranaayay
– Gumeeystaha oo diinda islaamka weerar qaawan ku haayay dadkana iska gumaadaayay.
Kacdoonkaa waxa uu socday mudo gaaarayso 22sano waxa uuna dagaal lagalay sadex awoodood oo kala ah:
Ingiriiskam, talyaaniga iyo xabashida. Waxa ayna isga hor yimaadeen dhowr goobood ku waayoo gaaray ilaayo 36 goobood.
Lakin ugu dambeeyntii kacdonkaa waa lasoo afmeeray sayidkiina waa uu geeriyooday 1921. Kacdoonkaa waxaa laga kasbaday:
– Gumeystaha oo gacan bir ah ummada ku qabtay dhamaadkii dagaaalka.
– Abaaro haligay dadka iyo duunyada kuwaayoo cirbiyay dagaal.
– Gumeyste garabkii istaage aanan godob iyo go’doon toona ka biqin(gumeeysi kalkaal).
3-kacddoonkii leegada(s.y.l): kacdoonkaan waxaa sababay: dabaylihii xorriyada ee dagaalkii labaadee dunida dabadii babanaayay.askartii soomaaalida oo kasoo laabtay dagaalkaas ayagoo fikrado xoriyadeed xambaarsan iyo ingiriiska oo waagaa dhulka somaalida badi qabsaday doonaayana in ay soomaalidu ku taageeraan inuu siii joogo dalka.
Sikastaba kacdoonkaan waxa uu sabab u ahaa dowladii lixdankii dhalatay taasoo mileterigu soo afmeeray xokun keedii 1969.
4- kacdoonkii meleteriga 1969:waxaa sabab u ahaa:
– Musuq dalka oo dhan hareeyay.
– Dhaqaalihii dalka oo dhutis kama baxe noqday shirkado shisheeyana ay guud ahaan dhaqaalaha maamulaayeen.
– Dhulkii soomaalida gumaystaha gacantiisa ku jiray oo aan waxba laga qaban.
Meletaarku wuxuu isku dayay sibedel dhaqan dhaqaale iyo mid siyaasadeedba inuu keeno. Markii ugu horeeysay kacdoonkii imam axmed kadib ayuu isku dayay inuu xoreeyo dalka soomaalida ee ay xabashida xooga ku haysato. Lakin arintaa waxa ay noqotay midaan hirgelin sababa jiray aawgood. Maxaasa laga kasbaday?:
– Dhaqaaalihii dalka oo dhulaka galay.
– Dhaqdhaqaaqyo hubeeysan oo dalka ka abuurmay.
– Ugu dambeeyntii dowladii oo daladeedii lalaabay.
5-kacdoonadii dalka kadhacay wixii intaa ka dambeesay waxa ay horsed unoqdeen: abaaro, fowdo iyo burbur dalka hareeyay ilaayo maantana aan xal loo helin.
Guntii iyo gunnaanadkii qormadan.somaliya waxa ay kasoo dhex baxday hagardaamo gumeysi (kacdoonkii axmed gureey waxaa sababay gumeysi, waxa ayna somaalidu isbalaarin dhuleed kusameeyday ayadoo gumeystuhu dhan ka ilaalinaayo ilaa ay si dhab ah udegto deegaanka ay manta dagantahay min jabuuti ilaayo gaariso).
Sidaa daraadeed waxaa lasaadaalin karaa ineey soomaalidu usocoto horuu mar weyn iyo ineey maalin uun geeska afrika dood la’aan hoggaamin doonto dhawaa iyo dheeraaba waayo dhaqaalaha aad arkayso oo ay afrika ku sameeysay , aqoonyahanadaan kasoo wax baranaayo yurub ,maraykanka iyo dalalka kale ee aduunka iyo dalka balaaran oo ay soomaalidu leedahay, isugeeynta wadartaa miyeey waxla’aan noqneeysaa?
F.G: kacdoonada dalka soo maray qaar baanan sheegin hilmaana naga maahee kuwaa ayaan is dhahnay tusale weey deeqi karaan.
Mahadsanidiin.
BY: Cabdiraxmaan Liido