|

Somaaliya oo xaqiijisay in Turkigu saldhig cirka ah ka dhisayo dalka

Muqdisho (QJ) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Turkiga uu qorsheynayo inuu Soomaaliya ka dhiso saldhig dayax-gacmeed, kaasoo sare u qaadaya barnaamijka tijaabinta gantaallada riddada dheer ee Ankara.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in mashruucan uu wax weyn ka tari doono shaqo abuurka iyo kordhinta dakhliga Soomaaliya.

“Shaqsi ahaan, waxaan aaminsanahay in muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay martigelinta saldhigga dayax-gacmeedka ee Turkiga ay aad uga badan tahay balaayiin doollar iyo fursadaha uu mashruucani keeni doono,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, Bloomberg ayaa sheegtay in Soomaaliya oo ku taal cidhifka bari ee qaaradda Afrika ay tahay meel ku habboon in gantaallada laga soo tuuro badweynta Hindiya iyada oo aan khatarta ah in qashinku ku dhaco meelaha ay dadku ku badan yihiin ama dalal kale.

Sameynta goobta dayax gacmeedka hawada sare loo dirayo ee Soomaaliya waxa ay sare u qaadi doontaa hamiga Turkiga ee ah in uu ka mid noqdo tartanka hawada sare oo caado u ah quwadaha caalamka.

Turkiga ayaa muddo dhowr sano ah qorsheynayay in uu soo rido gantaal. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ma uusan shaacin goobta rasmiga ah ee laga hirgelinayo mashruucan dayax gacmeedka hawada laga saaray.

Turkiga ayaa ka mid ah quwado shisheeye oo fara ku tiris ah oo xoojinaya xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, iyadoo dalka Afrikaan ah uu doonayo inuu dib u dhis ku sameeyo sannado badan oo colaado salka ku haya aanooyin qabiil.

Leave a Reply