|

SOLJA oo eedeysay xukuumada Somaliland

Hargeysa February 04, 2024 (QJ) -Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ka hadlay xadhiga Suxufiyin badan oo dhawaan lagu xir xidhay sharci daro.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta SOLJA Shaafici Maxamed Ibraahim oo warbaahinta la hadlay, ayaa dhaliilay xadhiga Wariye Maxamed Cabdi Ilig oo ah Mulkiilaha MMTV. Waxa uu walaac ka muujiyay xadhiga Ilig oo muddo 29 cisho ah ku xidhan magaalada Hargeysa.

Shaafici waxa kale oo uu iftiimiyay xadhiga wariye Cabdiraxmaan Cige oo muddo afar maalmood ah ku xidhan magaalada Berbera. Wuxuu ku nuux-nuux saday in labada wariye ay xiran yihiin iyadoo aan loo marin sifo sharci ah.

Guddoomiye Shaafici oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Weriye Shaafici Shaaciye uu Somaliland uga soo baxsaday Hanjabaad uga timid Sirdoonka Somaliland.

Hoggaanka SOLJA waxa uu ku dooday in suxufiyiinta aan si ka duwan shacabka loola dhaqmin, balse loo maro xarigooda dariiq sharci ah halkii ay la kulmi lahaayeen tacadi iyo caga-juglayn.

Weriye Maxamed Cabdi Ilig ayaa xidhan muddo bil ku dhow, ka dib markii uu falanqeeyay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Somaliland iyo Itoobiya.

Weerar ay ciidamada Sirdoonka ku qaadeen xafiiska MMTV ayaa lagu xiray labo wariye, iyadoo sidoo kale la burburiyay qalabkii xafiiska iyo qeyb ka mid ah xarunta televisionka .

Comments are closed