SODMA: 96 ayaa ku dhintay fathaadaha
Muqdisho November 23, 2023 (QJ) – -Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin cusub ka soo saartay xaaladda dalka, gaar ahaan caqabadaha ka dhashay fatahaadaha.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA), ayaa Golaha Wasiirada u soo bandhigtay warbixin ay kaga hadlayso saameynta fatahaadaha El Niño ay sababeen, gaar ahaan kuwa saameeyay gobollada kala duwan ee dalka.
SoDMA, ayaa warbixin ay siisay Golaha Wasiirada, waxay ku iftiimisay in daadadka ay saameeyeen in ka badan laba milyan oo qof, kuwaas oo sababay burbur ku yimid guryihii iyo barakaca bulshada. Intaa waxaa dheer, warbixintu waxay xaqiijisay in ku dhawaad laba boqol oo kun oo qof ay si toos ah u saameeyeen daadadka, iyadoo 96 ay ku dhinteen.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dadaallada socda iyo hindisaha ay dowladda federaalka Soomaaliya uga hortagayso dhibaatooyinkaasi, iyadoo la sheegay in loo baahan yahay in hay’adaha samafalka iyo bulshada Soomaaliyeed ay iska kaashadaan gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan safar uu ku tagay degmada Doolow ee gobolka Gedo oo ay saameyn weyn ku yeesheen fatahaadda wabiga Shabeelle. Wuxuu carabka ku dhuftay baahida degdega ah ee loo qabo dadaallo isku xiran oo wax looga qabanayo caqabadaha ka dhashay fatahaadaha daran ee ka dhacay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Dalku wuxuu hadda wajahayaa xaalad bini’aadanimo oo halis ah oo ay sabab u tahay fatahaado baahsan oo ka dhashay El Niño, iyo qorshe iyo abaabul xumo taasoo uga sii dareysa caqabadaha hadda ka jira gobolka.