|

Socdaalkii ugu Horreeyey Bariga Afrika

Guurka dumarka badan, waa arrin si weyn muhiim ugu ah dal carruurta u arka inay yihiin waxyaabaha aasaaska u ah qaninimada, sidaa daraadeed marka ninku gaadho heerka qaangaadhka, ayaa haddii uu noqdo Caaqil hoggaan u ah reer, wuxuu isla markaaba guursadaan afar dumar ah, taasoo gabadhii u horreysay ay furan, kadib markay noqoto mid aan carruur u dhalayn.

Sidoo kale, waxay caadadaas Soomaalidu uga eg tahay dadkii la odhan jiray Kafir, ayaa lahaan jiray caadooyin farbadan, gaar ahaan waxay wiilasha badan u arki jireen in ay yihiin kuwo muhiim u ah tirade iyo tayada qoyska, halka ay si degdeg ah abaabul ugu gali jireen inay wiilashooda u dhisaan dumar si ay u tarmaan, isla markaana waxay arrintaasi qayb ka ahayd muhiimadda qaninimada, dhinaca kale furriinka ayaa ahaa mid ay aragti ahaan aan ugu muuqan wax mushkilad ah, waxa kale oo jiray woxoogaa xafladdo ah oo la dhigo marka uu meherku dhex maro laba qof oo hore u soo guursday, waxana ragga waaweyn ay sida badan u guursadaan gabdho yaryar.

Hooyooyinka Soomaalidu, waxay carruurtooda ku qaadaan dhabarka iyo iyaga oo labada sannadood ee u horreeya ku daaya jiifka, waxaana gacanta lagu hayaa ama la xannaaneeyaa ilaa inta uu ka gaadhayo da’da u dhexaysa toddoba ama sideed jir, iyadoo loo dhiibo waran yar, isla markaana waqtigaas wax shuruud ah lagagama dhigo inay dhar xidhaan, iyadoo loo oggolaado inay iyaga oo qaawan dibedda isaga ciyaaraan ilaa inta ay ka gaadhayaan da’da qaan-gaadhka, waxay wax ku bartaan wada sheekaysiga, balse looma akhriyo wax buuggaag ah, sidoo kale carruurta Soomaalidu waxay awood u leeyihiin inay intay doonaan wax ka cunaan, taasoo u horseeda inay si caafimaad qabta u koraan oo waliba ay ka muuqato awood iyo xoogganaan dhinaca jidhka ah, taasoo ay qayb weyn ka ciyaarto asal ahaan jinsiga ay ka soo jeedaan.

Haddaba, guud ahaan dhinaca diinta Islaamka, waxa jira in ninku aanu wax sumcad ah yeelan karin, haddii hantida uu leeyahay aanu u qaybin carruurtiisa, habluhu waxay ka helaan qaybta u yar, markaa haddii aanu ninku lahayn wax carruur ah, kadibna uu dhino, waxa markaa alaabtiisii iyo hantidiisii qaadanaya ninka qaraabo ahaan ugu soo dhawdhaw iyo inuu guursado gabadha carmasha ah, haddii kale waxa dib loogu celiyaa reerkoodii, iyadoo sharcigan aanu u oggolaanayn inay hesho wax dhaxal ah.

Waqtiyadii aan ku sugnaa Zaylac, ayaa waxa jiray in rabshada iyo muranka ka dhasha lammaanaha is qaba uu ciqaabtiisa qaadi jiray Badhasaabka iyo iyada oo lagu kala xallin jiray xeerka furriinka ee saddexda dalqadood, intaa kadib ragga Soomaalidu waxay caado u leeyihiin inay subaxnimada hore ee arroortii qaataan quraacdooda, gaar ahaan ragga inta shaqaysa ee bulshadu ay u amba-bixi jireen dhinaca shaqada, taasoo ay goobtaas ku sugnaanayaan ilaa inta laga gaadhayo xilliga qadada, kadib markay qaybo ka mid ah wakhtigooda ku soo qaataan kaftano, wareysiyo, booqashooyin dhinaca suuqa ah iyo ugu dambaynta oo masaajidka ah.

Intaa kadib, markay qadeeyaan waxay hadda mar kale u baxaan dhinaca suuqa, taasoo aanay guriga iman ilaa inta laga gaadhayo habeenimada, sidaa daraadeed maalinta Jimcaha sida badan waa maalin fasax ah, waxaanay isla dhex maraan damaashaad iyo booqashooyin, waxa kale oo jira in aanay Soomaalidu wax shaqo ah qaban, haddii uu jiro aroos ama geeri, taasoo dumarku ay xilliga fiid-cawlka ay goglaan cawo iyo iyaga oo si nidaamsan ugu shaqeeya adoomaha si ay guriga ugu dhaammiyaan biyaha, inay ridqaan hadhuudhka loogu talogalay quraacda, cuntada kariyaan iyo inay googooyaan xaabada dabka, guud ahaan sida badan waxa jira kormeero lagu sameeyo goobta hawsha xafladda arooska ama geeridu ka socoto si loo dardargeliyo shaqada iyo wax-soo-saarka. La soco…

 

Comments are closed