Socdaal Xubno Wasiiro ahi Maanta ku Tageen Magaalada Baydhaba iyo Ujeedada uu daaran yahay
Baydhaba 17.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wafdi wasiirro ah oo ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Wafdiga oo uu hogaaminayay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha , Khaalid Cumar Cali ayaa waxaa ka mid ah wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga, Cabdalla Xuseen Cali.
Wasiirrada ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhaba ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Baay iyo kan degmada Baydhaba.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga qaranka ee xukuumadda Soomaaliya, Ibraahim Isaaq Yaroow oo horay ugu sugnaa magaalada Baydhabo iyo guddoomiyaha gobolka Baay, Cabdi Aadan Hoosoow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin booqashada wafdiga.
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya, Khaalid Cumar Cali oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka socdaalkoodu qayb ka yahay qorshe salka loogu dhigayo maamulka Koonfur/galbeed ee Somaaliya.
Wasiirrada booqanaya magaalada Baydhaba ayaa xubno ka ah guddi farsamo oo dowladdu u xilsaartay maamul u samaynta maamul-goboleedka Koonfur/galbeed Soomaaliya oo ka kooban gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha hoose.
Baydhaba SDN/QJ
contact@qurbejoog.com