Siyaasiyiintii iyo saxafiyiintii xidhnaa oo maanta lasii daynayo
Hargeysa (QJ)- Maanta waxa la filayaa in Xabsiga Madheera laga sii daayo masuuliyiin ka tirsan mucaaradka Somaliland iyo laba saxafi oo u xidhnaa xukuumadda Somaliland, kadib dibad bax ay Mucaaradka Somaliland ka sameeyeen Hargeysa horaanta bishii June.
Sii-daynta dadkan ayaa timi kadib kulan dhex maray gudida dhex dhexaadinta xukuumadda iyo mucaaradka iyo madaxweynaha Somaliland, kulankaas oo saacado badan ka socday Madaxtooyada Somaliland.
Gudida dhex dhexaadinta ayaa qanciyay madaxweynaha in lasii daayo dadka u xidhan xukuumadiisa, si loo sii anba qaado dedaalada dhex dhexaadinta oo imika Hargeys ka socda.