|

Siyaasiyiinta Ugu Miisaanka Culus Beesha Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Hoggaaminaya Dalabka Is-casilaadda Lagaga Doonayo Madaxweynaha

Muqdisho:May,7, 2014(SDN/QJ)-Hormoodka Beesha uu ka soo jeedo madaxweynaha Somaliland Xasan Sheekh Maxamuud ee Hawiye ayaa hoggaaminaysa Is-casilaadda ay Xubno baarlamaanka ka mid ahi ka doonayaan madaxweynaha.

???????????????????????????????Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabadda iyo Dumuqaraadiga Soomaaliya Cabdulahi Sheekh Xasan oo shir Muqdisho ku qabtay ayaa waxa uu taageeray Go’aankii  ay soo jeediyeen tiro ka mid ah Xildhibaanada Baarlaamnka Soomaaliya oo ka dalbaday in uu is casilo Madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud.

Cabdulahi Sheekh Xasan waxa uu ku ammaanay mudanayaashii tallaabada qaaday oo uu ku tilmaamay in ay yiihiin kuwo dalka iyo dadka ka naxaya islamarkaana u dulqaadan waayay dhibaatadda dalka ka jirta,  taas oo uu sababteeda dusha ka saaray madaxweynaha.

Cabdillahi Sheekh Xasan waxa uu ka codsaday Baarlamaanka Soomaaya inay keenaan Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya si meesha looga saaro, waxa uuna intaa ku daray in dalka uu ku jiro dhibaato Xoog leh oo u baahan in hadda wax laga qabo.

Cabdullaahi Sheekh Xasan, ayaa kasoo jeeda beesha Wacbuuhan Abgaal, gaar ahaan Daa’uud.

Xildhibaanada codsaday is-casilaadda madaxweynaha waxaa ka mid ah kuwa Hawiye ah, sida Cabdul Qaadir Cosoble oo Abgaal ah iyo Cabdisamad oo Habar-Gidir ah iyo kuwa kale, taasi astaan u ah in xaalka Xasan uu xun yahay.

Wali si fiican looma fahmin sababta ay siyaasiyiinta ay madaxweynaha isku beesha yihiin uga soo horjeedaan xukunkiisa, waxase la tuhusan yahay inay madaxweynaha iyo siyaasiyiintani hore isku seegeen oo aanu xidhiidhkoodu haatan wanaagsanayn.

 

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed