|

Siyaasiyiin, Garaaddo iyo Ciidan xooggan oo maanta Somaliland kaga soo biiray dhinaca Khaatumo

Fiqi-fuliy 20-07-2013(sdn)Ciidan tiro badan oo wata Gaadiidka kala duwan ee Dagaalka iyo kuwa xamuulka qaada, ayaa si rasmi ah  maanta ugu soo biiray ciidanka qaranka Somaliland ee jiidda Sanaag bari.

Ka dib waan-waan iyo wada hadal dheer oo u dhexeeyey xukuumadda Somaliland iyo Garaaddo iyo wax-garad ka soo jeeda Deegaamadaas, ayaa ugu dambayntii suurogaliyey in la gaadho heshiis rasmi ah oo ay ciidamadani  kaga mid noqonayaan kuwa Somaliland, waxana haatan laga soo baxay shir ballaadhan oo ku dhex maray deegaanka Fiqi-fuliye  wafti ka socda Somaliland iyo hormoodka dadka deegaankaas ku nool.

Shirkan oo Saaka subaxii ka  bilaabmay deegaankaas, islamarkaana ay foodda isku dareen waftiga ka socday xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayey Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Cali iyo waftiga dhinaca kale ka socday oo uu hogaaminayey Garaadka Beesha Naaleeye Axmed Garaad Cabdilaahi Maxamed Guuleed, ayaa lagu Go’aamiyey inay ciidamada Somaliland ka mid noqdaan in ka badan 500 Askari oo wata 13-baabuur oo Tikniko ah iyo 6-baabuur oo kuwa xamuulka qaada ah ooh ore uga tirsanaan jirey kooxda Khaatumo  ee dagaalka kula jirtey xukumadda Somaliland.

Shirkan lagu qanaramaynayey ciidamada  Nabadda qaatay, ayaa markii uu dhamaaday waxa ka hadlay wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdilaahi  Maxamed Daahir (cukuse)oo sheegay inay ku guulaysteen inay ka dhaadhiciyaan waxgaradka iyo cuqaasha Beesha halkaa degen inay qaataan Nabadda iyo horrumarka, waxana uu yidhi, “waxanu haatan kub suganahay Deegaanka Fiqi-fuliye oo dhinaca  k/bari kaga began Magaalada Ceerigaabo, halkaas oo aanu shir kaga jirnay kaas oo in ka badan 500 askari ooh ore ugu tirsanaa maamulak Khaatumo ay ku qaateen Nabadii iyo wanaaggii oo ay ku soo biireen ciidanka Somaliland, waana tallaabo fiican oo keenaysa isu soo dhawaansho iyo is fahan hor leh oo halkaas ka dhaca.”

Waxa kale oo isaguna intaa ka dib qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay  Garaadka hogaaminayey dhinaca ciidamada iyo saraakiisha Nabadda qaatay Garaad Cabdilaahi Maxamed  Guuleed, waxana uu tilmaamay inuu ku faraxsana yahay in la abuuray jawi nabadegelyo oo dadku wax ku wada qabsan karaan, waxana hadaladiisii ka mid ahaa, “ Haddaanu nahay Beesha Naaleeye-axmed(dhulbahante)waxanu maanta gaadhnay inaanu wax wada qabsano oo aanu la shaqayno xukuumadda Somaliland, si looga baxo dibu dhaca iyo dayaca deeganadani qabaan, islamarkaana meesha looga saaro nabadgelyo darrada iyo shakiga haatan jira.”

Sida la sheegay waftigani kaliya maaha ciidamo, balse waxa kale oo ka kooban yahay siyaasiyiin magac leh oo hore ula soo shaqeeyey maamulada Puntlandiyo Khaatumo, ooh ore uga soo horjeeday somalialnd.

Tallaabadan ayaa ah mid hore loogu qaaday horumarka iyo hirgelinta nabadda Deegaanada Bariga Somaliland, waxana ay kooxdan haatan nabadda qaadatay noqonaysaa tii ugu badnayd ee mar kaliya ku dhawaaqday inay  Nabadda qaadatay.

 Somalildiasporanews.com Hargeysa Somaliland

Axmed Cumar Axmed (timo)

Comments are closed