Siyaasiga Cismaan Hindi oo Soo Dhaweeyay Murashaxnimada Xasan Gaafaadhi ee G/ku-Xigeenka 1-aad Kulmiye
21,Apr.2014(SDN/QJ)-Siyaasiga Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Madaxa banana,ayaa sheegay inuu Xasan Gaafaadhi uu xaq u leeyahayb inuu isu sharaxo Jaggadda Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga Taladda Dalka Haye ee Kulmiye.sidaana waxa uu ku sheegay mar qaar ka tirsan Warbaahinta Maxaliga ah ee Somaliland ugu waramayay Magaaladda Hargaysa.
Waxa uu tilmaamay Cismaan Hindi in qof kasta oo ku Abtirsadda Xisbiga Kulmiye ay mudan tahay inuu helo Xaq uu u leeyahay in la doorto,waxna uu doorto.Mr.Hindi waxa uu intaas raaciyay inuu ka mid ahaa dad wax ka qoray Dastuurka Xisbiga Kulmiye,isla markaana ay ku cadahay in aan lakala lahayn Xisbiga ee lawada leeyahay.
Si kasta ha ahaatee tan markii uu Todobaadkan ku dhawaaqay Xasan Gaafaadhi Hankii Musharxnimo ,ayaan wax war ah laga hayn Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye,oo waaydan danbe la Gabidhaclaynayay Khilaaf Xoogan oo kala irdheyay dad badan oo Xisbiga Mudo ka dhex muuqday.
SDN/QJ-Hargaysa