Siyaasiga Cali Cabdi Awaare oo si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade
Muqdisho Sept 25,2012(SDN)-Waxaa manta Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde si heer saro ah loogu soo dhaweeyay Siyaasiga rug cadaaga ah ee Cali CabdiAwaare,waxaana Garoonka ku soo dhaweeyayd adweyne aad u farabadan iyo mas’uuliyiin kale.
Cali Cabdi Awaare ayaa kasoo noqday wasiir MaamulkaPuntland, wuxuuna ka mid ahaa dadkii aas-aasay Maamulkaas.
Cali CabdiAwaarea ayaa ah Siyaasi intabadan kunoolaa dalka lana qaybsaday shacabka dhibaatooyinka kala duwanaa oo soowajahay, Sidoo kale wuxuu aad u soo dhaweeyay in Soomaaliya ay maanta ka baxday KMG islamarkaana si xalaal ah loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Soo dhaweynta kadib ayuu warbaahinta u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta uu ka soo dago Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
“Waan ku faraxsanahay inaan imaado Muqdisho,waxaana ka imid dalkaJabuuti waxaana u imid inaan Shacabka Soomaaliyeed kala qeybqaado isbedelkaSiyaasadeed ee dalka”.
Hadal heynta dadka reer Muqdisho ayaa ahaa maalmihii ugudambeeyay in Cali Cabdi Awaare loo magacaabidoono Ra’iisulWasaaraha Soomaaliya.
Ugudambeyntii Cali Cabdi Awaare ayaa sheegay in maan tadalka Soomaaliya looga baahan yahay isbedel Siyaasadeed ee hormarinaya dalka iyod adka, Wuxuuna intaasi ku daray inuu yahay shaqsi sifiican u yaqaana dhulkaSoomaaliyeed iyo Bulshaweynta ku nool ,Wuxuuna sidoo
kale xusay in wax badan uu ka bedeli doonto Xaaladda hadda ee ku jirto Soomaaliya, ha ahaato dhinaca Amniga, Dhaqaalaha, Maamul wanaaggai yo xiriirka Caalamka.