|

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo Amarkii Diyaaradda Muqdisho tagaysay lagaga reebay ku xidhiidhiyey Marwada Madaxweynaha

Hargeysa Dec.27, 2012 (SDN)- Guddoomiye xigeenkii hore ee xisbiga KULMIYE md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay qorshe ay hay’adaha ammaanka Somaliland shalay kaga reebeen diyaarad uu u raacayay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

Hay’adaha ammaanka ayaa shalay diyaaradda Juba oo ka kacaysay madaarka Berbera ka reebay siyaasigan Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo wasiirkii ciyaaraha ee xukuumadii UDUB Md. Maxamuud Siciid Maxamed, waxaanay labadooduba si rasmi ah uga hadheen diyaaradaas oo ay u raacayeen magaalada Muqdisho. Haddaba, waxa uu Wargeyska Geeska Afrika xalay arintan wax ka weydiiyay Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxaanu go’aanka diyaaradda lagaga reebay ku eedeeyay wasiirka arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo uu Cabdiraxmaan sheegay inay isna soo amartay marwada Madaxweyne Siilaanyo Marwo Aamina-weris Maxamed Jirde. Ugu horayn isagoo ka hadlaya go’aanka diyaaradda lagaga reebay wuxuu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir yidhi, “Waa dhab oo maanta (Shalay) ayaan dhoofayay oo waxaan ku qornaa diyaarada Juba la yidhaahdo, markaas meesha waan tagay oo shaqaalihii meesha joogayna si wanaagsan ayay iila dhaqmeen waraaqiina degdag ayay iigu dhameeyeen, mar danbe oo diyaaradii isa soo taagtay ayaa ay madaxdii meeshu ii yimaadeen oo ay yidhaahdeen warbaanu sirdoonkii ka helnay  oo waxay yidhaahdeen ninkaasu ma dhoofi karo.”

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, wuxuu amarka dib u soo celintiisa ku eedeeyay madaxtooyada, gaar ahaana wuxuu sheegay in wasiirka arrimaha gudaha laga soo xigtay inay marwada madaxweynuhu amar ku bixisay in diyaaradda laga reebo, “Sidaan meesha ka fahmayna waxa laygu yidhi warkaas waxa soo bixiyay wasiirka daakhiliga, markii wasiirka daakhiliga iyo wasiiro kale la waraystayna waxa la yidhi arintan madaxtooyada ayay ka timid oo wasiirka daakhiligu waxa uu ku dacwooday marwada madaxweynaha ayaa aniga I soo fartay in diyaaradda laga reebo, wali iyagii ayaa isku mashquulsan oo meel ay ku tiiriyaan waa ay la’yahiin, meel ay arintaasu fadhiisan doontana garan  maayo.”

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo la weydiiyay bal waxa uu aaminsanyahay in xanibaadiisa sabab looga dhigay, wuxuu yidhi “Taas Somaliland oo dhan ayaa is weydiinaysa oo anigu sir dawladeedna ma hayo wax siyaasad ahna umaan socon ee waxaan u socday arrimo ganacsi oo guryahayagii ku saabsanaa, horena waan u tagay oo waanigii warbaahinta idiinka waramay, arinkii uun baan soo dhamaynaayay, horena waan u sheegay oo anigu nin reer Somaliland ah ayaan ahay, talada Somaliland qaadato anigu rayi kasta aan qabee ayuun baan kamid ahay ee anigu wax aan gooni u samaynayaa ma jirto, waanan ka digay oo waxaan idhi inaynu kala biiq-biiqno oo aynu kala  tagtagno laga wanaagsan, ee aynu talo wanaagsan ka samayno oo aan ka tashano dabadeedna  aan meel isugu lugo duwano waxaynu ku go’nay inaga oo midaysan.”

Mar la weydiiyay inuu wax xidhiidh ah xanibaadiisa kala sameeyay madaxtooyada, oo inkastoo aanay imika isku wanaagsanayn haddana wakhtiyadii uu KULMIYE mucaaradka ahaa uu xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyay, waxaanu ku jawaabay “Imika wax xidhiidh ah oo naga dhaxeeya habayaraatee ma jirto, laakiin dad aanu asxaab nahay imikadan waa ay ku maqan yahiin oo waa ay waraysi maqan yahiin, markaas haddaan  soo helo wax iqanciyana arinta halkaas ayaan ku dhaafi haddii aan waayana mawqif aad u adag ayaan ka qaadan doonaa.”

Geesta kale, wuxuu Wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu dhinaciisa la xidhiidho wasiirka arrimaha gudaha laakiin nooma ay suurtogelin.

Geeska

Comments are closed