Siyaasi mucaaradnimadiisa ay Xukuumada Siilaanyo Hurdada ka ledi weyday oo aamus ku wejahay khalalaasaha Wakiilada,maxey tahay sababtu?
Hargysa Feb 11,2014(SDN)-Todobaadyadii u danbeeyay ee Gollaha Wakiilda Somaliland uu galay herdanka siyaasadeed ee xisbiyada Wadani iyo Kulmiye ayaa waxa saaxada saxaafada laga waayay gebi ahaanba mid ka mida siyaasiyiinta ay madaxtooyada Somaliland jiifka ka ledi weyday.
Gollaha oo haatan xiisadiisa hakad gelisay faro gelin uga timi dhanka Gollaha Guurtida ayaa isu iman doona todobaad dabadii.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaan ilaa iyo haatan ka hadal xaalada murgsan ee ka aloosan Gollaha Wakiilada.
Guddoomiyaha UCID oo looga bartay ka hadalka xaalad walba oo siyaasadeed oo dalka soo wejahda ayaa aamusnaantiisan la garaneyn waxa ay daaran tahay.
Sidoo kale waxa aan cadeyn dhanka uu taagersan yahay labada xisbi ee ku herdamaya Gollaha Wakiilada.
Guddomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa dhawr bilood uun ka horla heshiisiiyay Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada Md Cabdiraxmaan Cirro oo ay ku kala dhaqaaqeen muran ka dhashay xisbiga UCID.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com