|

Siyaasi Dr. Axmed Cumar Gaagaale oo Dowladda Federalka ugu baaqay in ay ka fiirsato Maamul u sameynta Gobolka Hiiraan

Muqdisho Aug 16,2014(SDN/QJ))-Siyaasi Dr. Axmed Cumar Gaagaale oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay Maamul usameynta ay Dowladda  Federaalka ka wado Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo la doonayo in la isku daro Hal maamulna loo dhiso.

Siyaasi Dr. Axmed Cumar Gaagaale ayaa sheegay in Dhisidda Maamul Goboleed ay ka horreyso in Shacabka ku nool Gobolka Hiiraan la weydiiyo waxa ay doonayaan iyo gobolka ay ku biirayaan cidda madaxda u noqoneyso…”Gobolka Hiiraan,hadda waxaa ka jira Dagaalo u dhaxeeyo Ciidanka Dowldda oo kaashanaya Kuwa Amisn iyo kooxda Al-shabaab,Gobolka amnigiisa la iskuma haleynkaro,dadka ku nool Gobolka wali isma aaminsana,dagaalo iyo colaado u dhaxeeyey baa jira,marka hore waa in la sameeyaa Gogol Nabadeed,waa in ay shiraan Beelaha ku nool Gobolka Hiiiraan si masiirka iyo aayahooda uGu tashadaan,Gobolka Hiiraan waxa uu ka mid yahay Gobolad ugu waaweyn dalka, 6-dii gobol ee ugu horeysay Dalka woo ku jiray,8 -da Gobolka Marka laga dhigay dalka woo kujiray 18-ka Gobolna marka la dhigay Dalka woo ku jiray,horey ayaa loo soo xaqiray gobolka,waa la bahdilay

laakiin hadda maamul aysan shacabka raali ka heyn cid lagu qasbi karo ma jirto”…Ayuu yiri siyaasi Gaagaale.

 

Sidoo kale waxa uu intaa ku daray Siyaasi Gaagaale..”Masiirka Gobolka Hiiraan waxa uu gacantiisa ku jira Dadka leh Gobolka,Haddii mamul Goboleed la dhisaayo Go’aankaas waxaa iska leh Dadka Reer Hiiraan,laakiin shaqsiyaad dano gaar ah wata,oo lacago ku soo qaatay maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe taasi suura gal ah ma’ahan,Dowladda Federaalkana waa in ay arintaasi ka fiirsataa,Horey ayaa loogu daalay Gobolo aan israaci karin aye Dowladda maamul u sameeysay walina Dhibkii woo taaganyahay,iyadoo arimahaasi ay jiraan haddana ye isku dirin Shacabka walaalaha ee ku

nool Gobolka Hiiraan Taladda iyo Go’aanka waxa ay ka go’adda Shacabka Reer Hiiraaan”…..ayuu yiri Siyaasi Gaagaale.

 

Siyaasi Dr. Axmed Cumar Gaagaale ayaa Hadalkiisa ku soo gabagabeeyey…”Haddii Maamul Goboleed loo sameenayo Gobolka Hiiraan waxaa jiray Gobol ay horey u ansixisay Dowladdii Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ahaa in Gobolka Hiraan laga dhigo labo Gobol oo kala ah Gobolka Shabeelaha Sare iyo Hiiraan,taasi waa suura gal in maamul Goboleed ay dadka ku dhanyihiin in ay sameystaan,Dadka Gobolka Hiiraan waxa ay aaminsanyihiin in Dusha aan loogu keenin maamul iyo cid aysan rabin”……

 

Hadalka Siyaasi Gaagaale ayaa ku soo aadaya Xilli Dowladda Federaalka ay wado Maamul u sameynta Gobolada Hiiran iyo Shabeelah Hoose,waxaana arintaasi loo xilsaaray Xildhibaano,Siyaasiyiin lacago badan ku soo qaatay in shacabka Hiiraan ay u dhisaan Maamul aysan dan uGu jirin,waxaana soconayo Shirar ay yeelanayaan Beelaha ku nool Gobolka Hiraan oo looga hadlayo Danaha Gobolka iyo Dhibaatada heysata shacabka iyo sidii go’aan isku mid ah loo qaadan lahaa,waxaa intabadan shirarkaani xoogga lagu saarayaa in Aayaha Gobolka Hiiraan uu ku jira Gacanta Dadka Reer Hiiraan.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Siyaasi Dr. Axmed Cumar Gaagaale oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo
jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay Maamul usameynta ay Dowladda
Federaalka ka wado Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo la doonayo
in la isku daro Hal maamulna loo dhiso.

Siyaasi Dr. Axmed Cumar Gaagaale ayaa sheegay in Dhisidda Maamul
Goboleed ay ka horreyso in Shacabka ku nool Gobolka Hiiraan la
weydiiyo waxa ay doonayaan iyo gobolka ay ku biirayaan cidda madaxda u
noqoneyso…”Gobolka Hiiraan,hadda waxaa ka jira Dagaalo u dhaxeeyo
Ciidanka Dowldda oo kaashanaya Kuwa Amisn iyo kooxda
Al-shabaab,Gobolka amnigiisa la iskuma haleynkaro,dadka ku nool
Gobolka wali isma aaminsana,dagaalo iyo colaado u dhaxeeyey baa
jira,marka hore waa in la sameeyaa Gogol Nabadeed,waa in ay shiraan
Beelaha ku nool Gobolka Hiiiraan si masiirka iyo aayahooda  ugu
tashadaan,Gobolka Hiiraan waxa uu ka mid yahay Gobolad ugu waaweyn
dalka, 6-dii gobol ee ugu horeysay Dalka woo ku jiray,8 -da Gobolka
Marka laga dhigay dalka woo kujiray 18-ka Gobolna marka la dhigay
Dalka woo ku jiray,horey ayaa loo soo xaqiray gobolka,waa la bahdilay
laakiin hadda maamul aysan shacabka raali ka heyn cid lagu qasbi karo
ma jirto”…Ayuu yiri siyaasi Gaagaale.

Sidoo kale waxa uu intaa ku daray Siyaasi Gaagaale..”Masiirka Gobolka
Hiiraan waxa uu gacantiisa ku jira Dadka leh Gobolka,Haddii mamul
Goboleed la dhisaayo Go’aankaas waxaa iska leh Dadka Reer
Hiiraan,laakiin shaqsiyaad dano gaar ah wata,oo lacago ku soo qaatay
maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe taasi suura
gal ah ma’ahan,Dowladda Federaalkana waa in ay arintaasi ka
fiirsataa,Horey ayaa loogu daalay Gobolo aan israaci karin ayee
Dowladda maamul u sameeysay walina Dhibkii woo taaganyahay,iyadoo
arimahaasi ay jiraan haddana ye isku dirin Shacabka walaalaha ee ku
nool Gobolka Hiiraan Taladda iyo Go’aanka waxa ay ka go’adda Shacabka
Reer Hiiraaan”…..ayuu yiri Siyaasi Gaagaale.

Siyaasi Dr. Axmed Cumar Gaagaale ayaa Hadalkiisa ku soo
gabagabeeyey…”Haddii Maamul Goboleed loo sameenayo Gobolka Hiiraan
waxaa jiray Gobol ay horey u ansixisay Dowladdii Shiikh Shariif Shiikh
Axmed oo ahaa in Gobolka Hiraan laga dhigo labo Gobol oo kala ah
Gobolka Shabeelaha Sare iyo Hiiraan,taasi waa suura gal in maamul
Goboleed ay dadka ku dhanyihiin in ay sameystaan,Dadka Gobolka Hiiraan
waxa ay aaminsanyihiin in Dusha aan loogu keenin maamul iyo cid aysan
rabin”……

Hadalka Siyaasi Gaagaale ayaa ku soo aadaya Xilli Dowladda Federaalka
ay wado Maamul u sameynta Gobolada Hiiran iyo Shabeelah Hoose,waxaana
arintaasi loo xilsaaray Xildhibaano,Siyaasiyiin lacago badan ku soo
qaatay in shacabka Hiiraan ay u dhisaan Maamul aysan dan ugu
jirin,waxaana soconayo Shirar ay yeelanayaan Beelaha ku nool Gobolka
Hiraan oo looga hadlayo Danaha Gobolka iyo Dhibaatada heysata shacabka
iyo sidii go’aan isku mid ah loo qaadan lahaa,waxaa intabadan
shirarkaani xoogga lagu saarayaa in Aayaha Gobolka Hiiraan uu ku jira
Gacanta Dadka Reer Hiiraan.

Comments are closed