“Siyaasada Marka la doonayo Waa wax facwayn oo u baahan daris iyo barasho xeel dheer oo Kugu Hagta Dhaqanka iyo Dhaqaalaha” Prof Axmed Ismaaciil Samatar {DHAGAYSO BARNAAMIJ AAD U DHEER}
Hargaysa 29.Dec 2013 (SDN)- Prof Axmed Ismaaciil samatar oo maalimihii ugu dambeeyay Ku sugnaa Dalka ayaa Lacture dheer ka jeediyay Jaamacada ADMAS qaybteeda Caasimada Somaliland Ee Hargeisa isagoo Kagag Hadlay Horumarka(Development) Waxanu tilmaamay in loo soo jeedsado sidii loo horumarin lahaa dalkan Somaliland isla markaan wax soo saar kala duwan looga samayn lahaa.
Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa si xeel dheer u sharaxay qodabada Arimaha Siyaasada ,dhaqaalah,iyo dhaqanka isagoo sheegay inay intaasiba ina hagayso loona baahan yahay mid walba in sideeda abaaro
Prof Axmed Ismaciil Samatar ayaa sheegay in Siyaasada Marka la doonayo tahay wax facwayn oo u baahan daris iyo barasho xeel dheer kuhagid dhaqanka iyo dhaqaalaha ku salaysan.
Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo la hadlayay boqolaal Arday iyo madaxda Jaamacada ADMAS ayaa Farta ku fiiqay in La tix raaco suugaanteena iyo Dhaqankeena,waxanu ardayaday ku booriyay inay bartan sida dalka Loo horumariyo ,isagoo ku dheeraad sharaxaada Siyaasada iyo sida ugu haboon ee bulsho loogu dhigi karo.
Madaxa jaamacada Admas ayaa u mahad celiyay Prof Axmed Ismaaciil Smaatar oo ay noqonayso markii Labaad Ee uu jaamacada Admas ka jeediyo Lacture,kuna amaanay sida uu da’yarta Somaliland ugu baraarujinayo arimaha dhaqaalah Ee Horumarka Abuurikara, isagoo Hore uga soo Jeediyay jaamacadaha Hargeisa iyo TimaCade ee Gabiley isla caawana Mid kale ka Jeedinaya Jaamacada Golis.
Guji Halkan oo Mobilkaaga Ka Dhagayso Khudbada Prof Axmed Ismaaciil Samatar
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/samatar29.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com