|

Sirdoonka Reer Galbeedka Oo Qorshayaal Cusub Kaga Jawaabay Codsiyo Uu Dhiibtay Zakariye Ismaaciil Oo Dhawaan Shabaabnimada Ka Tanaasulay

Muqdisho:Mar,18,2015(SDN/QJ)-Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo xaaladda Zakariye Ismaaciil Xirsi oo Sarkaal hore uga tirsanaan jirey Xarakada Al-shabaab, ayaa sheegaya in Sarkaalkaas loo sheegay qorsheyaal hor oo noloshiisa khuseeya.

zakiyrXogahan oo qaarkood warbaahintu heshay, ayaa sheegay Sirdoonnada Maraykanka iyo Reer Gableedku jawaab ka bixiyeen Dalab uu Zakariye ku dalbaday in si noloshiisu usii socoto loo qaado midkamid ah Dalalka ammaanka ah, maadaama aanay suurtogal ahayn inuu Somalia kusii noolaado.

Dalabka Sarkaal ayaa sirdoonka Reer Galbedku si weyn u diideen, waxana taas beddelkeeda ay u sheegeen inay dejinayaan Xerada ay Muqdisho ka deggen yihiin ee Xalane, iyadoo waliba halkaas lagu sii weydiin doono su’aalo kale oo dheeri ah.

Sababta sidaas loo yeelayo, ayaa lagu sheegayaa in la doonayo in sarkaal Shabaabka dhexdooda muhiimka ka ahaa laga helo xogo dheeri ah oo ka baxsan intii hore looga helay.

Khubaro u dhuun-daloola arrimaha Siyaasada Somalia, ayaa iyagu ka digay in Sargaalkaani baxsadka ka ah Maleeshiyada Alshabaab loo gacan galsho Sirdoonka Reer galbeedka, waxa ayna walaac adag ka muujiyeen inta ay lasii ekaan karto noloshiisa, waa hadii la dajiyo Xalane iyo Goobaha ay ku hoydaan Sirdoonka Muqdisho ka jooga Caalamka intiisa kale.

Maxamed Abuukar Nor oo kamid ah dadka u dhuun-daloolo arrimahaasi ayaa sheegay inay suuragal tahay in ujeedku uu yahay mid lagu dal dalaayo Zakariye Ismaaciil, hadii marba la dajiyo Xarunta Xalane waxa uuna ka digay in muwaadinkaasi kasoo laabtay falalkii gurracnaa ay DF Somalia magan galiso ama ay ka musaafuriso dalka oo idil.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed