Sirdoonka Puntland oo qarax fashiliyay
Garoowe November 20, 2023 (QJ) -Ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugida Puntland ee PISA ayaa la sheegay in ay fashiliyeen weeraro qorsheysanaa oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso iyo hantidooda.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay PISA, hay’addu waxay ku guulaysatay inay ka hortagto weerarradaas daqiiqado ka hor intii aysan kooxda mas’uulka ka ah fulin qorshaha hawlgelin, isla markaana aaney beegsanayaan goobaha dadku ku badan yahay ee magaalada.
Sawirro lasoo bandhigay ayaa muujinaya dhowr bomb oo la sheegay in la doonayay in loo adeegsado weerarada. PISA ma aysan shaacin goobaha sida gaarka ah loo beegsaday, balse Taliska Booliska Puntland ayaa tilmaamay in weeraradaasi lala beegsanayay goobo ganacsi oo ay leeyihiin Dhismaha Bulsho iyo shaqaalaheeda.
Ciidamada amaanka ayaa ku guuleestay in ay kala fur furaan waxyaabaha qarxa, waxaana wali socda baaritaano lagu ogaanayo cidii ka dambeysay falkaasi. Dhacdooyinkan u dambeeyay ayaa daba socda weeraro dhowr ah oo bilihii lasoo dhaafay lagu qaaday xarumo ganacsi oo ku yaalla magaalada Boosaaso, iyadoo sanadkii lasoo dhaafay la beegsaday shirkado dhowr ah.
Goor sii horeysay ayaa qarax lala beegsaday xarunta shirkadda isgaarsiinta Golis ee magaalada Boosaaso. Laamaha amaanka ayaa sheegay in weerarada noocaan ah la doonayo in lacago baad ah looga qaato goobaha ganacsiga.