Sirdoonka Ina Bacluul oo weeraray MMTV
Hargeysa (QJ) -Ciidamada amaanka Somaliland ayaa xalay xabsiga u taxaabay laba wariye iyo farsamo yaqaan oo ka tirsan Telefishanka MM TV, xili ay ka qayb galayeen dood toos ah oo ka socotay barta X oo hore loo odhan jiray Twitterka.
Doodan oo ay daadihiyeen wariye Maxamed Ilig iyo Cabdishakuur Dayib ayaa waxaa ka qeybqaatay Faysal Cali Sheekh oo ah madaxa hay’adda u qaabilsan u diyaargarowga aafooyinka iyo arrimaha bini’aadantinimada iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed.
Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray saamaynta iyo khatarta uu yeelan karo is-afgaradkii dhawaan dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.
Intii dooddu socotay ayaa la sheegay in ciidamada ammaanku ay gudaha u galeen xarunta MM TV ee magaalada Hargeysa, halkaasoo ay ku xidh-xidheen wariye Maxamed Ilig, wariye Maxamed Andar iyo farsamo-yaqaan Ilyaas Cabdinaasir. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Somaliland oo kusaabsan xadhigan.