|

Siraha Qarsoon ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Wejiga Dhabta ah ee Wasiir Cabdicasiis Samaale!

Waxaan baadhis iyo daba-gal ku sameeyey si mutadawcnimo ah habka shaqo socodsiinta iyo nimaadka shaqo ee wasaaradda maaliyadda oo ah wasaaradda ugu muhiimsan jamhuuriyadda Somaliland, taas oo hagaajinteeda iyo hagaajin la’aanteedu ay saamayn xoog ah ku leedahay  dalka oo dhan, in kasta oo aan si xeel-dheer isugu dayay in aan la kulmo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda haddana way ii suurta-geli wayday si aan u tuso una tusaaleeyo in uu ku dhaqmo Xeerarka u dejisan dhaqaalaha iyo Xeerkaarka  (7.96) ee shaqalaha dawladda iyo sharciga Xeer LR. (38.2007) ee Xeerka ka hortagga ku tagrifalka hantida Qaranka iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

Haddaba, haddaan  u dhaadhaco  dulacda warbixinahan sirtaha culus xambaarsan ee ka soo ifbaxaya Wasaaradda Maaliyadda, tan iyo intii la magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, kaasoo oo ka soo wareegay golaha Wakiillada oo uu ka ahaa intii uu jiray golahan doorashada ku yimi Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaas. Haddaba, maalintii xil-wareeginta ee ay la kala wareegayeen Wasiir Samaale iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda En. Maxamed Xaashi Cilmi khudbadii uu Md. Samaale ka jeediyey madashii xilka loogu tiriyey in badan oo ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda aad ayay ugu riyaaqeen uguna diirsadeen, iyaga oo rejaynayey inuu wax badan ka qaban doono qaladaad loo arkayey ama la dareemayey inay Wasaaradda uu xilkeeda la wareegay ka jiraan, balse rejadaasi may noqon mid sii tamarisa.

Tallaabadii koowaad ee uu qaado waxay noqotay in maamulihii Kastamka Hargeysa Mr.Hallaasi ayay is qabteen laba Inan oo shaqaale  ka ahaa Laanta garonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, labadaas  oo magacyadoodu kala yihiin Awqaafta iyo Mustafe W, Taas oo uu maamulaha Hallaasi ku eedeyay shaqo-xumo iyo wax isdaba-marin ay sameeyaan labada shaqaalaha ahi, iyaguna ay is difaaceen, balse markii loo diray Guddi baadhiseed oo ka tirsan Xafiis la yidhaahdo Xafiiska baadhista ee Wasaaradda Maaliyadda (Internal Auditing Unit), Xafiiskaas oo sharci ahaan khalad ah marka loo eego Xeerarka innoo dejisan  sida Xeer Civil Service Law qodobkiisa 4-aad farqadiisa koowaad (Categories and Number of posts,  The total number of posts of a unit, for which financial provision is made 3 in the budget shall, constitute the establishment of that unit), Xafiiskaas oo si toos ah uga  hor-imanaya qodobkaas oo aan ku jirin qaab-dhismeedka Wasaaradda Maaliyadda (Ministerial Structure).

Isla markaana, aan ku jirin waaxaha  ama qaybaha ku jira Miisaaniyadda dalka ee 2012, kaasoo oo hoggaamiyo nin la yidhaahod Khadar Maxamed Cabdi (Khadar Indho-Leeb), kaasoo ku soo biiray Wasaaradda Maaliyadda horraantii 1997-kii isagoo ka soo wareegay Waraasaradda Hawlaha guud iyo guriyeynta, balse aan wax xil ah ka soo qaban Wasaaradda Maaliyadda marka laga reebo in uu ka ahaa shaqaale aakhirkii sagaashamaadii oo uu joogay Kastamka kalabaydh, mar uu ka soo shaqeeyay Kastamka Hargeysa.

Inkasta oo muddo dheer uu ku qornaa wasaaradda maaliyadda  gaar ahaan xarunta waaxda kastamka, uu galinka danbena dhigan jiray Jaamacada Hargeysa oo uu ka mid ahaa lodkii ugu horeeyay ee ka qaatay fist degree ah BA, iyadoo looga mamnuucay in uu wax xil ah ka qabto wasaaradda maaliyadda ka dib markii uu si badheedh ah u lunsaday khadkii internetka ahaa ee ay lahayd  waaxda kastamadu kaas oo uu baayacmushtar ahaan uu uga furtay laba xarumood oo ku kala yaala xaafadda xero awr iyo degmada Gabilay, taas oo uun waaxdii lagu soo dalacay lacag dham kumaan kun oo doolar, kadibna wasaaraddu maaliyadda kiiskii ay baadhis ahaan loogu gudbiyay CID-da, kuwaas oo markii ay baadheen ay si badheedh ah ay ugu cadaadatay mr.khadar Indholeeb isaguan uu qirtay, kadibna lacagtii ay soo qaadhaameen qaraabadiisu sidaana lagaga bixiyay, ninkaas oo markii danbena lagu qoray kastamka burco oo uu ku qornaa balse uu inta badan iska joogay hargeysa oo iska watay ganacsi gaar ah oo ay lahaayeen dad ay qaraabo yihiin, si kastaba ha ahaate mr.khadar indhaleeb ama dilaalka wasaaradda maaaliyadda, amaba wasiirka qarsoon ( Hidin Minister or unkownminister) ay u yaqaaniin shaqaalaha wasaaradu waxaa magacaabay wasiirkii hore Eng. Maxamed Xaashi CIlmi oo ay isku dhaceen Hantidhawrka guud ee Qaranka, oo doonay in uu isago samaysto hantidhawr u gaar ah, fikiradana waxaan soo xanbaartay mr.khadar indhaleeb mar uu baxay Safar dalka Koonfur Afrika, isagoo aan aan ku xisaabtamin in dalalku ay kala duwan yihiin dal walina uu leeyahay siyaasadiisa lacageed, dhaqaale ee u gaarka ah ( fiscal policy, monetary  policy) isagoo isagu raadinaya uun si uu boos ku helo, mr.khadar indhaleeb oo wasiirkii hore arkay beentiisa iyo borobagaandhadiisa  ayuu doonay inuu baabiyo, ayaa si lama filnaan ah waxaa iskugu dhacay maamulihii kastamka Hargeysa mr.halaasi iyo chief casier-kiisa mr.Aw yuusuf, mr.halaasina wuxuu adeegsaday mr.khadar indhaleeb, sidiina waa lagu xidhay Aw yuusuf iyo nin kale, ninkii erigiisu saarnaa miiska sidaas ayuu ku sii joogay, balse mr.halaasi waxaa ku dhacday maahmaahdii soomaaliyeed ee  ahayd (qod ha qodin , hadaad qodana ha dheerayn kuu dhici doontaana mooyee), mar labaadna hadana waxay  isku dhaceen mr.awqaafta iyo Mustafe W oo ay hayb hoose isku yihiin mr.khadar indhaleeb iyo gacanyarihiisa koobaad mr.Mustafe  kaamiil Ciise oo ay ilmaabti ruma yihiin sidoo kale Wasiirka wasaaradda maaliyadda mudane, cabdi casiis samaale, waxaa hadh cad oo si badheedh ah  oo eexi  iyo sharci daro ku jirto xilkii looga qaaday mr. halaasi, inkasta oo ninka lagu bedelay DHagawayne ay shaqaaluhu u riyaaqeen oo ka soo jeedo gobolka Sool, si loo yareeyo isu dheeli tirnaanta xilalka iyo madaxda wasaarada  maaliyaddu oo intooda badanni ay isku hayb yihiin iyo sidoo kale inta ugu badan shaqaalaha wasaaradda maaliyaddu ee joogtada ah, aan joogtada ahayn iyo shaqaalaha contractors loo yaaqaano, oo labadan danbe gabi ahaanba ay sharci daro yihiin shaqayntoodu, waayo shaqo dawladeed looma dhiibi karo qof aan shaqaale dawladeed oo aan rasmiya ahayn taas oo si rasmiya uga hor imanaysa sharciga shaqaalaha dawladda ee Qodobka 2 ee farqda koobaad ee ciwaankiisu yahay ( APPLICATION, This law shall apply to permananet officials in the public service), xeerkani wuxuu taabanayaa shaqaalaha aan joogtada ahayn iyo kuwa looga wanqalay magic contractors ee imika xilalka loogu dhiibay wasaaradda maaliydda sida  agaasimaha cashuuraha beriga,maamulaha kastamka abaarso,madaxa laanta cashuuraha beriga ee tog_wajaale, iyo inta badan maamulayaasha ka hawl gala waaxaha ama degmooyinka ka tirsan xaafada hargeysa, oo waliba intooda badani qaataan lacag adag waa kuwa contaractors_ka ah taas oo markii hore ay siin jirtay Hay’adda UNDP balse markii uu ka dhamaadayna uu u bilaabay looguna daray Somaliland budget, taas oo la siiyo lacag dhan ama u dhaxaysa 1,500 $ ilaa 1,200 iyo 300 $,over-time lacagta loo yaqaanana ay la qaataan shaqaalaha kale ee joogtada ah, iyagoo markii horena ka tirsanaa xafiiskii la odhan jiray Somaliland fisical policy unit oo lifaaq ku ahaa wasaaradda maaliyadda iyadoo habkii markii horeba lagu soo xulayna oo iska ahaa hab xaalqarboosha oo beelaysan isla markaan leede- ship -kooda marka laga reebo ay ahaayeen inamo\gabdho AAD junior ah oo imaka uun ahaa fresh jaamacadeed badhkood waliba, halka dhigoodii la midka ahaa ee iyaguna lifaaq ahaan ula shaqayn jiray wasaaradda qorsheyna iyo iskuduwida markii uu ka dhamaaday contaraagii uu si sharafi iyo cadaaladi ku dheehantahay u u sii daayay wasiirka qorshaynta, halka wasiirka maaliyadduna uu ku qaatay lacagtii ay sii jirtay Hay’adda UNDP,( waxaa xusid mudan, mar is barbardhig lagu sameeyay 5 bilood ee ugu danbeeyay labadii kooxood ee iska kale bedelay 5 waaxood ee ay ka koobantahay magaaladda hargeysa, marka laga reebo lacagtii laga qaaday ururadii is diiwaan gelinayay ee ahayd (registration Fees ) waxaa dakhli ahaan ka batay shaqaalihii hore ee joogtadda ahaa ee ka tirsanaan jiray marka laga reebo xaafadda AXMED DHAGAX, oo waliba inamadan danbe la siinayo lacagtaas xad dhaafka ah iyo ay aad uga badnaayeen facilities-ka ahaan, hadday tahay police ay adeegsanayeen iyo gawaadhida, qalabaynta xafiisyadda, iyagoo waxaas oo dhan haysta ayay kuwii ka khibradda badnaa ee sharcigana ahaa ka dakhli badnaa, balse dhag jalaq looma siinin, tolaw waa la yaabe xaalku ma wuxuu ahaa inamadanin internetka ayay si fiican u isticmaali yaqaaniin uun ilayn waad arkaysa oo looma baahna dakhli ururin iyo cadaalad toona mise cidaanan isku hayb ahaynin waa Tuug.

La soco Xogo kale oo faahfaahsan

Aqoonyahan: Shaafici Maxamuud Cabdiraxmaan

Hargeysa/Somaliland

E-mail:shaafici_3@hotmail.com

Comments are closed