SILSILADII GARBODIIR:DUR-DUR GUDHIYE (MAANSO)
Harggeysa Feb 05,2014(SDN)-Maansadan oo la magic baxdey durdur gudhiye, waxaa curiyey abwaanka da’da yar C/Majiid Maxamed Muuse (Darey Berbera) Caawa oo ay tariikhdu tahe 05-02-2014 maansadan waxaan kaga qayb qaadanayaa silsiladii garbodiir ee uu furey Abwaan Axmed Aw Geedi, waxaaney ku bilaabantey sidan:-
1. Dabuubuub horaa waxay tidhi
2. Durduro geelbaa ku jaba
3. Damaacina waa xun yahey
4. Daafaha dunidoo dhaniyo
5. Dayuurado xiimayiyo
6. Mabda’a loo dibad baxaa
7. Heshiisyada lagu degdegay
8. Waxaan dani kuugu jirin
9. Diliyo waxa loo cuskadey
10. Waxaa dudo laga fagtaa
11. Nimcadii ku dedneyd arliga
12. Sharcigu deyrada ka dhigey
13. Docbaa lagu leexsadaa
14. Ruuxnaba kama doodi karo
15. Dabool kootaa ku xidhan
16. Cidbaa dabar loogu xidhey
17. Ninkii jumlad soo déjàa
18. Tafaariiqdana dalaca
19. Daaskana isagaa iskaleh
20. Wixii dawersiga ku yimid
21. Dangaaraa lagu fushadey
22. Ninkaan dalandooli Karin
23. Dawero sharcibey u tahey
24. Ciidduun baan lagu dehin qof nool
25. Doolarkaa la aqoonsadoo
26. Dadnimadii laga carroow
27. Dhaqaalahoo daad ka badan
28. Dakhligii ummadani laheyd
29. Dadbaa lagu maalgashadey
30. Xisaabtankii laga ilduuf
31. Xisaab xidhadii la diid
32. Markuu gam’ay darawalkii
33. Dhulkii daney baa xukuma
34. Ahayn dadku kuu igmadey
35. Codkooda ku daadiyeen
36. Ayaxan daba tuurka iyo
37. Diiriyo doog-madhisa iyo
38. Aboor daba yaacayiyo
39. Nin diifaysnaa wax badan
40. Durdur gudhiyaa qabsadey
41. Ilaa debediyo gudaa
42. Duufaan culusbaa ku xidhan
43. Ninkii eray gara ku dura
44. Dil baa lagu fulinayaa
45. Si aan loo deyin mar qudha
46. Kabriid lagu daaro iyo
47. Daandaansigu waa wax jira
48. Karaamadii waa daciif
49. Dadweynuhu uu lahaa
50. Bulshooy kala daadsanaan
51. Dayaca adigaa is badey
52. Qabyaaladan doobyaysiyo
53. Midnimo adigaa dafirey
54. Dugsiga loo soo holado
55. Adaa diiradda u salaxey
56. Dubihii adigaa u sida
57. Masaabiirta daalabta ah
58. Dulmigu wuu soconayaa
59. Intaad ka diqooneysaan
60. Xarnimo dimuqraadiyoo
61. Xalaal lagu doojiyaa
62. wuxuu dawliskeedu go’ay
63. duudsigii lagu dhiiradiyo
64. boobkiyo dulmigii qabsadey
65. deegaanka barigii dhaweyd
66. halkii duntey aadamaha
67. dakharkii weli waa bukaa
68. dayaankii ku dhacey doraad
69. dib uma eegaan xasuus
70. beentay ka durduurayeen
71. markale kuma dagi karaan
72. garaadkaa ku habey digniin
73. cadheey la dig leeyihiin
74. wixii doorkaa ku yimid
75. daboolkoo qarxaa u hadhey
76. markey dar allee gam’een
77. sacoodaa dibiga dhaley
78. kalsoonidii duushayoo
79. dibaan loo hodi karayn
80. ninkii sunta daadin jirey
81. xumaanta u duub xidhnaa
82. samuhu aanu deeqi jirin
83. inuu diric yahey is bidey
84. dagaalka ku jirey qarsoon
85. dariiquu ka lumey mar hore
86. haduu doon doonayaa
87. daleel lagu xidhey cidl’a ah
88. darxumo faalootamaa
89. dayoowgaa iilka dhigey
90. dadkii wada eegayaa
91. inuu ka dabaalan karo
92. diigaa eedaamayaa
93. bilaash uma daakiree
94. xigmado badanbaa dul sudhan
95. Raboow wixii naga dahsoon
96. Duruuf wixii nagu adkaa
97. Adaa daalacan karee
98. Dariiqa san nagu ekee
99. Awoodaada nagu daryeel
100. Dunuubta naga dhaaf Rabboow
101. Dulqaadkaaga nagu hadhee
102. Adaa samo doojiyee
103. Basiirada noo dawee
104. Wixii noo darrana feyd
105. Addoon ku dalbaan ahee
106. Rabboow ducadana ajiib
Wa BILLAAHI Tawfiiq
By: Cabdimajiid Maxamed Muuse
(Darey Berbera)
Berbera
Soomaaliland