|

Siiraya oo dabacsanaan muujisay iyo Ergeyga QM ee dalkaas oo sheegay in xabad joojin suurtogal tahay

New York April 12,2012(SDN)-Ergeyga gaardhka ah ee QM iyo Jamaacada Carabta ee dalka Siiriya ayaa sheegay in uu dalwada Siiriya ka helay qoraal ay ku aqbaleen xabad joojin dalkaa ka hirgasha xili saacado uun iminka ay inaga xigaan.

Xukuumada Siiriya ayaa qoraalkeeda ku xustay in gebi ahaanba ciidamadoodu xabad joojinta u hogaansamayaan.

Siiriya ayaase sheegtay in ciidamadoodu jawaab ka bixin doonaan hadii meliishaadka mucaaridku amniga khalkhal geliyaan.

Mucaaridka ayaa dhankooda sheegay in hadii la weeraro ay iska caabin doonaan.

Dawladaha reer Galbeedka ayaa ka siman shaki ay ka qabaan in xukuumada Dimishiq hirgeliso xabad joojin dhab ah.

Hlaka Ruushka oo ka mida saaxiibada faro ku tiriska ah ee Siiriiya uu sheegay in loo bahan yahay in Mucaaridku dhaqan geliyaan xabad joojinta.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaasay ilaa 9 kun oo ruux dadka ku dhintay dagaalada mudada sanadka ah ka socda dalka Siiriya.

SDN-New York

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed