|

Siidhi iyo kabo lagu soo dhaweeyay Muuse Biixi oo Burco gaadhay maanta

Hargeysa. 15 September, 2022. (QJ)- Dadweynaha magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa mudaharaad kala hor tagay madaxweynaha Somaliland oo safar Khamiista maanta ku tegay magaalada Burco.

Aaga Zero-ga loo yaqaano ee badhtamaha Burco ayaa lagu arkayay dad badan oo siidhi afuufaya isla markaana kor u taagaya kabo ay ku muujinayaan dareen diidmo ah oo ay u hayaan Muuse Biixi iyo xukuumadiisa oo imika aan taageero ku haysan gobolada bari ee Somaliland.

Waxa jiray dad aan deegaanka ahayn oo la geeyay duleedka Burco kuwaas oo madaxweynaha halkaas kusoo dhawaynaya waana dadka loogu talo galay in laga dhigo Reer Burco oo soo dhaweeyay madaxweynaha, balse dadweynaha caadiga ah ayaa magaalada badhtamaheeda mudaharaad ka wada.

Arinta cajiibka ah ayaa ahayd muuqaal muujinaya ardayda iskuulada oo basas lagu soo qaaday si ay madaxweynaha usoo dhaweeyaan, balse taa caksigeeda ku dhawaaqaya ereyo mucaaradka taageero ah oo ay ka mid ahaayeen weedho murashax Cirro lagu taageerayo.

Kulamada madaxweynaha Somaliland ee beelaha Burco iyo xogaha safarkiisa waxaad kala socon doontaan Qurbejoog oo isha ku haysa.

Comments are closed