Sidii loo Joojiyay Qaadka UK yo marxaladii dheerayd ee loo soo maray arrinta
Waxan halkan marka hore ka salaamaya dadka dhamaan maqaalkan akhrisanaya. Inta ka dib, waxa bishii hore 31 March 2014 , maalinta isniinta ahayd ka dhacay shir magaalada London shir taariikhi ah. Kaaso uu barlamanka UK kaga arrinsanayeen sidii go’an looga qaadan lahamaan dooriyaha Qaad ee UK.
Arrintaasi oo ku saabsanayd sidii loo jiijin laha ama la isaga dayn laha Qaadka UK la keeno iyo saamaynta dadka isticmaalaba maandooriyaha Qaadka. Arrintaasi oo hore Barlamanka UK lagu waday inay go’an ka gaadhan bishii November ee kal hore 2013, ayaa dib loo dhigay , taasi oo ay ka danbaysay markii ay dawlada Kenya soo dirtay wafdi heer sare ah oo dawlada UK arrinta kala xaajooday.
Waxa kale oo aanu hore ula soconay in ay dawlada Kenya Madaxweye Ku xigeekeedah iyo Badhsaabka gobolka Miiro ee dalka Kenya ay u qoondeeyeen dhaqaala dhan ila 10 Million oo shinlinka Kenya ah in arrinta Qaadka sii daynteeda loogu ololeeyo. Xitaa halkan waxay la yimaadeen dad Somaliya oo iyaga u doodaye.
Hadaba markii ay wafdiga Kenya halkan yimaadeen. Waxay gacan ka heleen dad mudanyal ah oo ka tirsan Balamanka UK, kuwaaso si toos u taageerayay dooda dawlada Kenya in joojinta Qaadka UK oo dhabar jab ku yahay dawlada Kenya. Kuwaaso oo a doodoodu ku saabsanayd in hadii la joojiyo Qaadka dhaqalaha dawlada Kenyayana dib u dhac ku dhici doono isla markaana uu u sabab noqon doono shaqa la’an, iskuul la’an caruur iyo waliba sabool nimo intaba.
Hadaba arrinta aan sheegay, waxa marka ka caawinayay dawlada Kenya xildhibaan ka tirsan Barlamanka UK, kana soo jeeda xisbiga shaqaalaha Ingriiska oo la yidha Mr. Kenz kaasoo laga soo doorto magaalada Laastar. Mr. Kenz waa madax gudiga arrimaha dibada ee UK. Sidoo kalana waa ninka sababa u ahaa in uu Barlmanka UK, dib u dhigo go’ankii laga gaadhi laha Qaadka bishi November ee sanadkii hore.
Markii aanu arrinta ogaanay, waanu ka hawl gelay waliba anigu waxan kala hadlay xildhibaan ahaan madax ka tirsan xisbiga shaqaalaha UK in ninkaa caawinaya dawlada Kenya cadaadis la saaro waana inuu arrinta faraha kala baxo. Sidoo kale waxanu kala hadalay Jaaliyada Somalida ee Magaalada Laastar in ay iyaguna dhinacooda ninkaasi la kuman islamarkan ay u sheegaan daroonkooda ku aadan joojinta Qaadka kaaso oo isagu u madax aha gudi arrimaha dibada ee Barlamanka UK isla markaana ay u sheegan inanany wax food ah siinayn haduu sida ku sii socdo…
Nasiib wanaag Jaaliyadii arrinta way ku guulaystay isagiina waa la la xidhiidadhay. Waxanu arrinta uga jeednay in aanu cadaadis dhinac walba ka saarno dadka gacan saarka la leh dawlada Kenya isla markaana aanay haba yaraate dawlada Kenya ama Ethiopia aanay helin dad ku taageera olalaha ay wadaan.
Ugu danabayn , go’ankii ugu danbeeyay ee arrintan laga gaadhay wuxu dhacay bishii March 31, sanadkii 2014. Dooda uu hogaaminayay Xildhibaanka Barlamanka ee laga soo doorto magalaadayada Milton Keynes, Mr. Mark Larcaster.
Waxa gudigaa go’anku Barlaman u xilsaareen gudi hoosaad ka koobnaayeen 18 mudane, kuwaaso arrinta ka eegaya dhinac walba ha noqoto caafimad burbur reer iyo macluumadki laga soo ururiyay arrinta. Markii ay dodo in badan socotay waxa dooda codka Ha, ha la joojiyo Qaadka siiyay ila 16 mudane halka ay laba mudane ka diideen oo ka socoday xisbiga la yidha (Liberal Democratic). Sida ay warbixintu sheegayso waxa goobta u codeeyay in Qaadka la joojiyo 8 mudane oo ka soo jeedeen xisbiga (conservativeka) ee talada wadankan haya, kaasi uu ka soo jeedoo xildhibanka arrinta u olaylaynanay Mr. Mark.
Dhinaca kale waxa taageeray isna go’anka iyana 6 mudane oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee UK, kaaso aan anigu ka mid ahay gudiga fulinta ee magaalada Milton Keynes isla markaana aan ka ahay Xildhibaan deegan. Halka ayuu go’ankii ku dhamaday , kaaso la isku raacay in laga joojiyo Qaadka gebi ahaanba dalkan UK. Go’ankaasi wuxu ka dhaqan geli doona dalkan UK, bisha fooda inagu soo haysa ee 25th May 2014, haddii aan wax isbedelin.
Waxan ku soo gabagabaynaya hadalkaygii. Waxay noo tahay dhamaan intayadii ka qayb qaadatay joojinta qaadka uu wilaba ugu horeeyo mudanaha Barlamanka UK, Mr. Mark oo aha ninka suurageliyay in la joojiyo Qaadka iyo dhamaan intii na taageertayba.
Waxa inta sii dheer in arrinta la shaqaynta MP Larcaster ay Jaaliyada Milton Keynes xoog uga qayb qaadatay. Ha noqoto suaa’lo badan iyo waraysiiyo uu xafiiska MP dad badan oo oo aanu u geeynay uu ka doobay , dabadeedna cadayntoodii loo diray dhamaan meelihi ay khuseesay, waxa kaloo aan hore isu siiyaya MP qoraalo ah baadhitaano hore loogu sameeyay , waxay jaaraaiidka dalkan ka qoreen iyo qaar kaleba.
Waxanan leeyahay waa guul u soo hoyatay shacabka Somalida meelkasta ay joogaanba. Halkana waxanu ku joogsaday dhamaan dhaqaalihi lacagta adag ay ka heli jireen gelijiray wadamanda Kenya iyo Ethiopia. Waxase looga baahanyahay dadka gudaha jooga oo ka baxdo lacag maalayiin ah iyagoo u baahan inay arrinta ka dhiidhiyaan. Ugu danbayntii waxan idinka tegaya heesta macaan ee la yidha “ waaga beryay bilicsan arooryo baxsan maalin boqran” taaso cadaynaysa sida aanu ugu faraxsanahay halgankii dheera ee aanu u galay joojinta.
Qalinkii
Adan Jama Kahin
Gudomiye Ku xigeenka
La dagaalanka Qaadka, isla markana
Ah Xildhibaan deeganka Milton Keynes, UK