Sidii Gobolada looga Xusay Munaasibada 18 May ee dib ula Soo Noqoshada Madax banaanida Somaliland
Hargaysa 18.May (SDN)Wasiirada Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta iyo Cadaalada ayaa kala qayb galay Shacabka Ku Nool Magaalada Balli Gubadle ee Xarunta Gobolka Hawd Xuska Munaasibada 18 May ee dib ula soo noqoshada Madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland.
Munaasibadan Waxaa kale oo ka qayb galay Xidhibaano ka Tirsan Golaha Wakiilada,iyo Golaha Deegaanka ee Balli Gubadle iyo Caasimada Hargaysa, Salaadiin iyo dadweyne Tiro badan.
Gudoomiyaha Gobolka Hawd Ibraahin Xaaji Xasan iyo Maayarka Magaalada Balli Gubadle Guray Iimaan ayaa ku dheeraaday sida ay Shacab ahaan uga Go’an tahay xoojinta Qadiyada Somaliland waxaa kale oo ay Tilmaameen in loo baahan yahay Sidii Xukuumad iyo Dadweynaba Gacmaha la isugu qabsan lahaa Horumarinta Qaranka.
Wasiirada Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta Sh.Khaliil C.laahi Axmed iyo Cadaalada Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa Sheegay In Magaalada Balli Gubadlle ay Taariikhda Somaliland ugu astaysan tahay inay tahay degmadii u horaysay ee la magacaabay markii lagu dhawaaqay Dib ula soo noqoshada Madax banaanida Somaliland .
Xidhibaan Mataan Hoori oo ka Tirsan Golaha Wakiilada iyo Madax kale oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay Qiimaha ay Maalintani ugu Fadhido Qaranka Somaliland.
Xuskan ayaa waxaa kaalin Weyn ka qaatay Haween weynaha ku nool Magaalada Bali Gubadle ee Xarunta Gobolka Hawd.
Waxaa kale oo ka qayb galay Munaasibadaas Ardayda iyo Maamulka Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Quule Aadan ee caasimada hargaysa .
Dhinaca Kale Munaasibad lagu Weynaynayo Xuska 18 May ayaa lagu qabtay Fagaaraha Khayriyada ee Magaalada Boorama waxaana Ugu Horayn Madashaas ka hadlay Badhasaabka Awdal Mud. Cabdoo Axmed Aayar oo Sheegay inay Si Sharaf leh ugu qabsoontay Dabaal Dega Xuskan waxana uu yidhi “Waxa ii sharaf ah aniga oo ah badhasaabkii gobolka Awdal, in xuska munaasabada 18 May ee Boorama iyo gobolka Awdal uu u qabsoomo si balaadhan oo aan hore loo arag, waxana aan sheegayaa in shucuurta ka muuqata dadwaynaha maantu ay tahay mid ka turjumaysa sida balaadhan ee ay dadku u dareensan yihiin inay munaasabadan tahay mid ay leeyihiin, xoryaduna ay tahay mida ay hoos joogaan maanta.
Sul. Saleebaan cali Ismaaciil, Sul. Ibraahin Dacar, Caaqil Saxane, Caaqil Salsal, Sul. Baade Gudoomiyaha NOW ee goboka Awdal iyo Marwo Faadumo Siciid oo ka socotay ururka ODHA ayaa iyaguna ka hadlay halkaasi waxana ay sheegeen in munaasabadan ay tahay mid si gaar ah u taabanaysa dadka reer Somaliland, iyaga oo si gaar ah ugu mahad naqay dadka reer Boorama oo si wayn u xusay munaasabada.
Wasiirka Beeraha Md. Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Warshadaha Md. Cabdirisaaq Cali, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Md. Cabdi Aw Daahir, iyo Wasiirka SHaqada iyo Arimaha Bulshada Md. Maxamuud Garaad oo ka hadlay halkaasi ayaa waxa ay ka marag kaceen in reer Boorama ay maanta si wayn oo aanan hore loo arag u xuseen munaasabada 18 May, waxa kale oo ay wasiiradu sheegeen in nabada Somaliland ka hana qaaday ay tahay mida sababtay in waxwalba oo hormar ahla hiigsado.
Geesta kale Xaflad lagu maamuusayay Xuska 18 May ayaa iyana lagu qabtay Degmada Daarasalaam ee Gobolka Maroodi Jeex .
Munaasibadaas oo ay ka soo qayb galeen Madax iyo Mas’uuliyiin kala duwan waxaa ka hadlay Mudane Cumar Boobe Xandule oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland isagoo ka Waramay ahmiyada ay dal ahaan inoogu fadhido Munaasibada 18 Ka May,Waxaanu Eebe uga baryay dhamaan dadkii Nafahooda u huray Madax banaanida Wadankan inuu Janadiisii ka Waraabiyo waxaanu kula dardaarmay Ummada Somaliland inay ku faro adaygaan Qaranimadooda.
Gudoomiyihii u horeeyay ee Degmada Daarasalaam Md.Axmed Cumar Dable ayaa dhankiisa u mahadceliyay qaybaha kala duwan ee bulshada degmadaas isagoo ku amaanay sida qiimaha leh ee ay u soo agaasimeen Xuska 18 may.
Waxa uu Axmed Cumar Dable u soo jeediyay Maamulka iyo dadweynaha Degmada Daarasalaam inay horumariyaan Kaabayaasha Kala Duwan ee aasaasiga ah.
Gudoomiyaha Degmada Daarasalaam Cabdi Xuseen Cumar iyo Ku xigeenkiisa Axmed Ibraahin Madar ayaa Shacabka degmaadaas ku booriyay inay Xoojiyaan Qadiyada qaranimada Somaliland ee Maanta 22 Jirsatay.
Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka oo ka Turjumaya Munaasibada 18 may ayaa waxaa halkaas ku soo bandhigay Ururka Haweenka ee Degmada Daarasalaam ee Ruwayda .
Dhinaca kale Degmada Agabar ee Gobolka Gebilay iyo Degmada Sallaxley ayaa lagu qabtay Munaasibada 18 May.
Dhinaca Kale Magaalooyinka Boorama,Gebilay,Berbera,Burco,Ceerigaabo,Laascaanood,Oodweyne,Caynabo,iyo Degmooyinka Hoos taga Goboladaas ayaa Si Weyn Sidii Sannadadii Hore looga Qabtay Dabaal Dega 18 May.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com