|

Sideeda Dagaal ee Laga Cabsida Qabo inay Sannadka Cusub ee 2015 Adduunka ka qarxaan Qaybtii labaad

Hargaysa 03.Dec 2014 (SDN/QJ)- In kasta oo ay dunidu abidkeedba dhib u joog ahayd, mar kastana colaado lagu hoobta ay jireen, haddana dadka taariikhda sida aadka ah u akhriyaa waxa ay in badan ku doodayaan in ay u muuqato in dunidu ay 2 boqol ee sano ee u dambeeyey sii gelaysay xaalado colaadeed oo ka khasaare badan kuwii ka horreeyey maadaama oo aaladaha la isu adeegsanayaa mar kasta sii casriyoobayaan.

WARQormadan oo ah tii Labaad waxa uu Geeska Afrika ka soo xigta wakaalado wareed oo kala duwan waxa aynu ku eegaynaa saadaal ku timid lafa-gur siyaasi ah oo lagu eegayo dagaallada waaweyn ee laga filan karo dunida in ay ka qarxaan sannadka foodda innagu soo haya:

4. Iraan iyo Daacish:

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, oo ku taalla galbeedka qaaradda Eeshiya, waxa uu dhinaca koonfureed xuduud kala leeyahay dalka ay Daacish awoodda badan ku leedahay ee Ciraaq. Dalka Iiraan oo ah dalka 2aad ee ugu dadka badan gobolka Bariga dhexe waxaa ku nool 78 Milyan iyo 2 boqol oo kun oo ruux, kuwaas oo ugu yaraan boqolkiiba 90 ah Shiico aaminsan mad-habta 12 leyda loo yaqaanno. Taas ayaana ah diinta rasmiga ah ee qaranka, sunniga ku noolna waxaa lagu qiyaasaa ugu badnaan boqolkiiba 8 badankoodu ah Kurdiyiin marka laga reebo tiro aad u yar oo Carab ah.

Dalka Iiraan oo ku dhisan nidaam diiniya oo Fiqiga shiicadu hoggaamiyo, maadaama oo uu yahay dalka keliya ee Shiicada tiraas lihi ku nooshahay, isla markaasna qaabkaas diiniga ah lagu maamulo, waxa uu isu dhigaa in uu isagu ka masuul yahay, isla markaana xil ka saaran yahay ilaalinta dhammaan shiicada ku nool dunida, gaar ahaan kuwa bariga dhexe, sidaa awgeed mar kasta dalalka bariga dhexe oo Sunnigu ku badan yahay, shiicaduna aanay ka madhnayn waxaa ka dhexeeya xilfiltan hoose oo inta badan qarsoodi ah marar badanna kululaada.

Haddaba tan iyo bilowgii ururka Daacish Iraan si gaar ah ayaa ay isha ugu haysay, waxa aanay u arkaysaa in uu yahay khatar ku soo fool leh, ma’aha in uu xag-jir yahay oo keliya, balse waa urur Sunni ah, sidaa awgeed in uu awood ku yeesho dalka Ciraaq iyo dalka Suuriya oo labaduba Shiico iyo sunni isku dhafan ah iyo in uu xuduudkeeda urur sunni ah oo awooddaas lihi yimaaddaa waxa ay khatar ku yihiin amnigeeda qaranka. Waxa kale oo uu Iiraan ku keeni karaa khatarta ah in ay gacmaheeda ka baxdo dowladda ay iyadu jiheeyaha u hayso ee ka dhisan dalka Ciraaq.

Iraan si ay arrimahaas oo dhan uga hortagto waxa ay durbadiiba bilowday dagaal diblumaasiyadeed oo ka dhan ah Daacish iyo in ay si toos ah ciidamo iyo hub casri ah ugu xoojiso ciidamada Ciraaq ee la dagaalamaya Daacish. Nasiib darro dalalka uu Maraykanku hormuudka u yahay ee ku dhawaaqay in ay isu bahaysteen la dagaalanka Daacish, waxaa laga reebay Iiraan, maadaama oo ay weli reer galbeedka kala fog yihiin dalalka Maraykanka la jaalka ah ee bariga dhexena xisaabo badani iskaga jiraan. Nasiib darrada labaad ee Iiraan heshay waa in ciidamada Ciraaq ee ay taageeraysay kuna daba dhuumanayeen ciidamadeedu ay noqdeen kuwo aan u babac dhigi karin Daacish ama laguba tilmaamo in ay burbureen, sidaa awgeed dad badan oo arrimaha bariga dhexe iyo Iiraan aad ula socda ayaa qaba tuhun weyn oo ah in Iiraan ugu dambaynta samirku ka dhammaan doono oo ay dagaal toos ah si badheedha ugu qaadi doonto Daacish, waxaana jirta saadaal ah in dagaalkaasi dhici karo sannadkan foodda innagu soo haya ee 2015ka.

5. Sucuudiga iyo Xuutiyiinta:

Sucuudigga oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaaso 31 Milyan iyo 450 kun oo ruux, waa dalka Shanaad ee ugu dadka badan 17ka dal ee gobolka bariga dhexe dhaca, waa dalka labaad ee ugu weyn dunida Carabta, waana dalka dunida oo dhan ugu qanisan dhinaca saliidda. Dalkan oo mararka qaarkood lagu naanayso, hoyga labada xaram ee barakaysani waa dal ugu yaraan boqolkiiba 90 dadkiisa ka mid ahi yihiin muslimiin Sunni ah, halka inta soo hadhayna ay tahay Shiico. Boqortooyada Sucuudigu waxa ay ka mid tahay dalalka faro-ku-tiriska ah dunida ee aan lahayn dastuur qoran, balse waxaa dalka lagu dhaqaa nidaam islaamiya oo ku dhisan fiqiga sunniga, marka aynu xogtaas oo dhan eegno Sucuudiga waxa aynu odhan karnaa waa dal ay isku lid yihiin Iiraan, oo uu sidoo kale ka dhexeeyo dalka Ciraaq oo midiba dhan xad kala leeyahay, doonayana in uu saamayn siyaasi ah oo xooggan ku yeesho, waayo waxaa ku xidhan amniga qarankiisa.

Sida ay Iraan uga cabsi qabto dhaq-dhaqaaqyada sunniga ah iyo si gaar ah ururka Daacish si la mid ah ayaa uu dalka Sucuudigu uga baqanayaa colaado kaga yimaadda xadkiisa koonfur bari ee dhinaca Yemen, oo ay horkacayaan ururka Xuutiyiinta oo ah urur Shiico ah oo muddooyinkan u dambeeyey qaab la mid ah Daacish u yeeshay awood si yaab leh u faafaysa oo ay si sahal ah gobollo iyo xarumo halbawle ah uga qabsanayeen ciidamadii dowladda Yemen oo iyaguna cagta saaray jidka burburka ee aynu hore ugu soo dhaafnay kuwa Ciraaq. Bilowgii Sucuudiga oo isagu sidoo kalana ka cabsi qaba Islaamiyiinta Sunniga ah oo aan dan u wadin boqortooyadiisu, waa ay ka aamuseen dhaq-dhaqaaqyada Xuutiyiinta, laakiin muddo gaaban kadib waxaa u caddaatay in ay si weyn ugu xidhan yihiin dalka Iiraan khatarna ku yihiin Taashka.

Maadaama oo aanu Sucuudigu si mug leh ugu guulaysan ol’oleyaal diblumaasi ah oo uu markii hore isku dayey in uu wax kaga qabto is-ballaadhinta iyo awoodda isa-soo taraysa ee Xuutiyiinta, waxa ay dad badani hadda saadaalinayaan in uu sannadkan 2015ka ku qasbanaan doono dagaal milateri oo uu ugu yaraan ku adkeeyo ammaanka xuduudka uu la leeyahay dalka Yemen, si uu isaga xidho Xuutiyiinta.

6. Ruushka iyo Ukraine:

Ruushka oo dhulkiisa lagu qiyaaso in uu siddeed meelood meel ka yahay dunida oo dhan, ayaa ah dalka ugu dhulka weyn dunida, tirade dadkiisa ee ah 143 Milyan ayaana ka dhigaya dalka Sagaalaad ee dunida ugu dadka badan. Dalkan oo ahaa hoggaanka quwaddii Midowga Soofiyati ee burburtay sannadkii 1991kii, burburkii kadib waxa uu qaatay nidaamka xisbiyada badan, laakiin haddana waxaa weli teed weyni u dhexeeyaa dalalka reer galbeedka oo marka ay Ruushka yasayaan ku tilmaama in uu weli xasuusan yahay quwaddii uu lahaan jiray beri.

Ruushku waxa uu isu arkaa in dalalka reer galbeedku ay khatar ku yihiin jiritaankiisa, gaar ahaan waxa uu colaad qaatay markii Is-bahaysiga NATO uu galay gudaha xuduudkii hore ee Midowga Soofiyati, Midowga Yurubna ay ku biireen dalal badan oo ay hore isku jaal u ahaayeen Ruushka ama mus-dambeedkiisa ahaa oo uu amnigiisa ka ilaashanayey. Ruusha oo arrintaas ka jawaabayaa, waxa uu si adag u taageeray dhammaan dalalka ay is fahmi waayeen reer galbeedka oo ay ugu horreeyaan dalalka Iiraan, Suuriya iyo Masar oo hadda ku soo biirtay, sidoo kale waxa uu weerar siyaasi ah mararka qaarkoodna uu cudud milateri adeegsanayo ku qaaday dalka Ukraine ee ay xadka leeyihiin oo ay ka bilowdeen dabaylo dhinaca reer galbeedka u jihaynayaa. Taas oo ku soo dhammaatay in uu gobolka Crimea ee dalkaas ka soo jaro, oo inta masuuliyiin Ruushka taageersani madax bannaani ku dhawaaqeen, kadibna Ruusha ku darsadeen, iyaga oo maraya nidaam doorasho iyo sharci ah ama u eeg, si aanu taas murankeedu u sii badanna waxa uu markiiba taageeray jabhado gooni goosad ah oo dagaal ka wada gobollada bari ee Ukraine. La soco…

Comments are closed