Sideed Sanno oo uu Kooma ku Jiray ayaa la Shaaciyay inuu Maanta Geeriyooday Areal Sharon
TalaviveĀ 11.Jan 2014 (SDN)- Dalka israa’iil waxaa maanta si rasmi ah loogaga dhawaaqay dhimashada raysalwasaarihii hore ee dalka Israa’iil Areal Sharon ka dib muddo sideed sanadood ah oo uu Koomo ku jiray, isagoo cimrigiisu marayey 86 sanadood.
Areal sharon oo noqday raysalwasaarihii Kow iyo Tobnaad ee israa’iil waxuu xilal wasiirnimo oo kala duwan ka soo qabtay dalkiisa isagoo hogaaminayey sadexdii xasuuq ee ugu waaweynaa ee israa’iil ay ka gaysatay dhulka carabta, halka sidoo kalena uu sanadkii 2004 amar ku bixiyey dilkii aasaasihii ururka Xamaas Sh Axmed yaasiin iyo ku xigeenkiisii Cabdicasiis rantiisii, laguna eedaynayo inuu ka dambeeyey dhimashadii yaasir carafaat.
Intii uu ku jiray koomada ee uu jiifay dhakhtarka Tel-Hoshemair ee magaalada Talavive waxuu la kulmay banaanbaxyo lagu diidan yahay iyagoo israa’iiliyiinta Mayalka adag ku dhaleecaynayeen Areal sharon inuu khiyaameeyey dalkiisa markii uu ka soo baxay marinka Qazza sanadkii 2005.
TalaviveĀ SDN.
Qurbejoog.com