Sideebay dawladu dhaqaalaha dalka u kordhisaa kharashaadka aan loo baahnayna u yaraysa
Waan idin salaamay dhammantiinba dadka maqaalkan akhrisanayaw. Horta anigu dalkii Somaliland ma degeni laakin sida ay dawladu wax u maamusho war iguma seegana oo wax walba warbaahintaan kala socda. La iskuma hayo Xukuumadan waxbadan way qabatay.
Waxana amaan mudan waxqabadkii ugu danbeeyay ee ay imika talaabsatay sida darajada Ciidamada oo dhamaan la dhamaystiray, Airporkii Hargeysa oo la furay lagana dhigay gega caalamiya, lacagtii oo hore loo bedelay iyo wax kale oo aan halkan lagu soo koobi Karin. Hadana kolay hawlbadan baa u taala.
Somaliland waa dal yar oo sabool ah , shaqala la’anta iyo baahida dadkuna ku badantahay. Dadkuna waxay dawlada ka rajaynayaan wax qabad badan oo ay bulshadu u baahantahay wax ka qabato sida biyaha, caafimaadka, nabadgelyada, waxbarashada iyo wixii la mid ah.
Hadaba dawladu si ay baahiyaha badan wax uga qabato marka hore waa inay kordhiso dakhliga soo gala isla markaana ay yarayso kharashaadka aan loo baahnayn ee baxaya.
Arrimaha aan ka hadlaayo xita wadamada waaweyn sida UK oo dhaqaalahoodu hoos u dhacay ayaa samaystay barrnaamuj ay dhaqaalahooda kor ugu qaadayso taaso ay marka hore ka bilawday in kharashaadka aan loo baahnayn la yareyo oo la joojiyo.
Inkastoo ay dawladan imika joogta ay waxbadan qabatay , hadana waxan isleeyahay waxay wali u baahantahay inay kharashaadka aan loo baahnayn ay yarayso. Hadaba suaa’shu waxa weeye siday loo yaraynkarta arrimaha aan ka hadlay.
Waxan halkan ku soo koobay kharashaadka marka hore u baahan in wax laga qabto , si dhaqaaluhu u kordho.
Kharashka ku baxa booqashada madaxda dibada u dhoofaysa oo la yareyo. Tusaale ahaan waxad arakaysa wafti ay ku filanyihiin 3 qof oo loo diraayo ila 10 qof. Halkaa lacag badan baa ku baxaysa tigidhada, hoteelada iyo joogitaankoodaba. Dalkuna waa dal yar oo dhaqalihiisuna yar lana ictiraaf sanayn.
In la joojiyo booqashada aan muhiimka ahayd ee ay wufuuda dalku ku tagaan dibada, si dhaqaalaha wadanku u kobco. Tusaale hadaan ku soo qaato Xafladii 18 May 2013. ee laba bilood ka hor ka dhacday dalka dibadiisa. Halkaa waxa loo diray wufuud badan oo u kala dhoofay dalalka USA, UK, Europe iyo xitaa meela kaleba. Bal qiyaas xafladaasi dhamaantaye waxa dhaqaale ku baxay, maxaa natiija ah oo ka soo baxay markay dhamaatay? Waxan isleeyahay waxaba Khudbadaha ku filaa dadka meelaha degan.
Waxa ku baxa lacag badan oo gasha dalka Ethiopia kuwasoo Qaatka lagaga soo iibsado. Maxa Ethiopia looga codsan wayay inay milixda iyo kaluunka qaataan. Si dhaqaalaha ka baxaya iyo ka ku soo geliya isugu dheeli tiraadan. Arrintaa oo aan dhawr jeer ka hadal waxad mooda in laga leexleexanayo wax ka qabadkeeda.
Waxa kale oo jirta in marka ay wafti iminayso , dad farabadan oo dawlada u shaqeeya intay xafiisyada ka tagaan ay Airporka qabtaan si ay uga qaybqaataan soo dhawaynta, halkaan waxa ku baxa kharash badan oo u ka mid yahay shidaalka gawaadhida ay ku tegayan meesha, shaqada Airportka oo mashquusha iyo waliba waqtigii ay waliba dawlada u shaqaynlahaayeen dadkaasi oo isna ku ku dayacmaya. Waxa ila haboon in dad kooban loo qoondeyay si ay uga qaybqaataan soo dhawaynta madaxda inta kalena iska joogaan.
Waxan hadalkayga ku gunaanadaya, si dhaqaalaha wadanku u kordho waa inay dawladu ka yeelata siyaasad cad, sidii loo yaraynlaha kharashaadka aan loo baahnayn. Dhaqaalaha la ururiyay wax looga qabto baahiya bulshada Somaliland ay baahantahay kuwaaso aan la soo koobi Karin.
Qalinkii
Adan Jama Kahin
Milton Keynes, UK
Master of Business & Marketing.
University of Bedfordshire, UK
Post Graduate of Business Management
Norwegian School of Management
Social Science at Open University.