|

“Sida qaldan ee uu ninka Jananka ahi uga hadlayna Waxa afku ka xishoonayaa inaanu nidhaahno…”Afhayeenka XAQSOOR

Hargeysa May 02,2013(SDN/Hubaal)- Afhayeenka urur siyaasadeedka XAQSOOR, Rashiid Jaamac Dheri ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay sida ugu dhakhsaha badan u hor keento caddaalada cidii ka dembeysay falkii toddobaad ka hor lagu soo weeraray wargeyska Hubaal,  isaga oo si adag u naqday qaabkii ay uga hadleen masuuliyiinta ammaanku arrintan.

Mr. Rashiid Jaamac Dheri oo shalay qaar kamid ah warbaahinta ugu warramay magaaladda Hargeysa, waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in  wasiirka daakhiligu aanu xil iska saarin arrintaasi.

“ Falkii habeenkii dhawayd dhacay ee Joornaalka Hubaal xaruntiisa lagu galay, ee aan weligeed Somaliland hore uga dhicin, falkaas oo kale hore umuu dhicin, nin dirayskii xidhan oo la garanayo oo lambarkii uuku shaqaynayay qoorta u sudhan yahay inuu meherad galo wax la aqbali karo maaha’ sidaa ayuu yidhi afhayeenka urur siyaasadeedka XAQSOOR Mr. Rashiid Jaamac Dheri, waxaanu intaa ku daray isaga oo daba socda jawaabtii falkaasi uu ka bixiyey jananka Bilaysku, “ Sida qaldan ee uu ninka Jananka ahi uga hadlayna, waa wax lala yaabo, inuu yidhaahdo Askarigu wuu khaldami karaa oo dembi wuu geli karaa.

Waxa afku ka xishoonayaa inaanu nidhaahno, Askariga Ma Qolo ahaan baad u qarinaysaa. Taasi waxaa ka sii daran, wasiirka daakhiligu sidii uu uga hadlay, wax aka horeeyey falkii Shabaabaysnaa ee Caynabo ee isna Khaatumo u galay. Adeer dalka wasaaraddiii Daakhiliga iyo ciidammadii Bilayska  waa in sidan loo dhaammaa”. Ayuu hadalkiisa ku ladhay afhayeenku. Gebo-gabadiina waxa uu ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay sida ugu dhakhsaha badan Maxakamadda u hor keento cidii ka dambaysay falkaas.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed