“Sida la ii Garaacay ee Saadhkayga loo Goo’gooyay Markhaati ayaad ka Tihiin Somalilandeey” Boqor Raabi Yuusuf DAAWO
Hargeysa 21.April 2015 (SDN/QJ) Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo ka mid ah Hogaanka madaxdhaqameedka Somaliland Somaliland, ayaa sheegay in Ciidamada Wasaaradda Maaliyaddu u xilsaartay Ururinta Cashuuraha gaadiidku jidh dil u gaysteen. Waxa uu sheegay inay naftiisa iyo gaadhigiisaba dhib u gaysteen Boolisku, isagoo tilmaamay in gaadhigiisu cashuurnaa islamarkaana aanu garanayn sabab ay Booliska iskugu yimaadaan marka laga reebo inay kadaba joogaan Shir Beeshiisa ah oo uu dhawaan ku dhawaaqay.