|

Sicirka Musharraxiinta oo Sare uga Kacay Sayladda Gabiley

Gebiley Nov 25,2012(SDN)-Xukuumadda Somaliland ee uu Gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ayaa Markay Libidhay Rajada Xisbigeedu ka qabo Codadka musharraxiinta u tartamaya doorashada deegaanka, waxa ay  gobollada dalka ka furatay Saylad cusub oo lagu iibsanayo Musharraxiinta Xero-weydaarka yaqaan ee xisbiyadda iyo ururrada siyaasadda uga tartamaya gobollada iyo degmooyinka dalka. Sayladan oo xaami noqotay Maalmihii u dembeeyey iyadoo aad moodo in ay Muddo jirtay.

Badhi walayaasha suuqan ayaa ah siyaasiyiinta gobol walba kaga jirta xukuumadda Siilaanyo, tusaale haddii aynu usoo qaadano Magaaladda Gabiley waxa ay diirrada  dilaaliintu saaran tahay musharraxiinta xisbiga UCID ,oo si gaara loo bartilmaameedsanayo, waxaana illaa hadda  badhi walaha ugu firfircoon gobolka gabiley oo ah mudane ka tirsan Golaha wakiilladu uu suurta gashay inuu dhawr soo wanjaafo halka ay dhicisowday isku day lagu doonayay mid ka mida musharraxiinta UCID oo markii lagu guuldaraystey  warar been abuura laga faafiyay,  taasina  sababtay Gabiley yimaado musharraxa madaxweynenimada UCID Jamaal Cali Xuseen oo difaac galiyay,xisbiyada KULMIYE iyo WADANI.

SDN-Gebiley

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed