|

Siciid Sulubow, goorma ayuu waxqabadki​i iyo horumarkii aviationka Somaliland​, dhaliil iyo ceebeyn noqday?

Maalmihii ugu dambeeyey, waxa siyaasiyiinta Somaliland ka dhex aloosnaa dagaal siyaasadeed xaga afka ah, oo aad u foolxun kaas oo aan waxba la isula hadhin. Waxa joogto noqotay cayda, aflagaadada, shakhsi weerarka, iyo qabyaalada. Waxa dhaawac weyni gaadhay sumcadii siyaasada iyo siyaasiga Somaliland. Waxa niyad jab weyni ku dhacay in badan oo aad u saluugsan hadalada naxliga iyo xumaantu ka buuxdo ee la isweydaarsanayey. Waxbase yaan ku sii tiigaaline, intii hadlaysay Muxaafid iyo Mucaaridba, ninka ugu liitay ee ugu hadalka xumaa waxa uu ahaa Siciid Sulub, sababta oo ah waxqabadkii iyo horumarkii ayuu ceebeyn iyo dhaliil ka dhigay!!!!!

 

Siciid isaga oo ka hadlaya xaflad Xisbiga Wadani qabsaday, Gudoomiyaha Xisbiguna daba taagan yahay, waxa uu weerar shakhsi ah ku qaaday Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi. Marka laga tago shakhsi weerarka oo ah arrin labadooda u taala, Siciid Sulub waxa uu Maxamuud Xaashi dhaliil uga dhigay hirgelinta Dhismaha weyn ee uu Wasaarada duulista uga dhisay agagaarka Madaarka Hargeisa, isaga oo Siciid sheegay haddii Xisbiga Wadani talada dalka hantiyo, in dhismahaa Wasaarada duulista uu gali doono Airport Managerku, Wasaaradana dhisme cusub looga dhisi doono badhtamaha magaalada!

 

Ugu horeyn waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo, in Wasiir Maxamuud Xaashi uu mudan yahay in lagu amaano, hambalyeeyo, laguna bogaadiyo dhismahan weyn ee uu Wasaarada Duulista uga dhisay agagaarka Madaarka Hargeisa. Dhismahan Wasaarada duulista ee uu Siciid Sulub dhaliisha ka dhigay, waxa imika degan oo uu kulmiyey dhamaanba xafiisyada, qaybaha iyo hay`adaha ku shaqada leh duulimaadyada rayidka Somaliland (civil aviation) taas oo wanaajisey/fududeysey shaqada ay Qaranka u hayaan. Dhowaanshaha ay Wasaarada duulistu ku dhow dahay Madaarku, waxa ay Wasiirka duulista u fududeysay inuu si dhow oo xog-ogaalnimo ah uga warhayo dhaqdhaqaaqa iyo shaqada ka socota garoonka diyaaradaha. Isku dhowaanshaha Wasaarada iyo Madaarku waxay fududeysay isla markaana xoojisay wada shaqaynta Wasaarada iyo Maamulka/shaqaalaha Madaarka. Waxay suurtogalisay in wixii cabasho ah ee ka yimaada dhoofayaasha (Passengers), amaba wixii carqalad-shaqo ah ee la soo gudboonaata Maamulka Madaarka, in Wasiirka duulistu si dhakhso ah iyo wakhti kooban ku xalin karo maadaama ay laba talaabo isku jiraan Wasaarada iyo Madaarku.

 

Xaruntan Wasaarada Duulista ee Siciid Sulub sheegay in Airport Managerku gali doono haddii Wadani xukunka qabto, waa goobta loo asteeyey in laga maamulo hawada Somaliland ka dib marka Somaliland iyo Somaliya ku heshiiyaan habka loo maamulayo isla markaana laga soo wareejiyo gacanta ICAO. Xaruntan Wasaarada duulistu waxa ay lama filaan ku noqotay isla markaana ashqaraar ku ridey masuuliyiintii ka socday hay`ada ICAO ee bishii June dalka u yimid sidii ay u qiimayn lahaayeen adeegyada, aqoonta, qalabka, iyo dhismayaasha Wasaarada duulista Somaliland si loo ogaado sida Somaliland ay diyaarka ugu tahay maamulka hawada sare. Hore ayaa loo yidhi “Hu`gaaguna wuu kula baryo tagaa” run ahaantii ma jirto wax ay Somaliland ka baryeyso ICAO, hase yeeshee xaruntan weyn, quruxda badan, qalabaysan isla markaana qaadi karta dhamaanba xafiisyada ku shaqada leh aviationku, waxay soo dhoweynaysaa/dhiraandhirinaysaa la soo wareegida maamulka hawada sare.

 

Dhismahan xarunta Wasaarada duulista ee Siciid xasaasiyada ka qaaday, waxa uu soo jiitay indhaha shirkado diyaaradeed oo caalami ah, kuwaas oo masuuliyiintoodu socdaalo ku yimaadeen Somaliland, kulamo muhiim ahna kula qaateen Wasiirka duulista isla xarunta Wasaarada, iyaga oo kala xaajoonayey sidii ay duulimaadyo cusub uga bilaabi lahaayeen Somaliland. Nin weyni meel uu marayaba waa sahane, masuuliyiinta shirkadahani waxay isha ka buuxsadeen shaqo-wanaaga xarunta Wasaarada duulista iyo xafiisyadeeda, maadaama ay tahay muraayada laga dheehan karo tayada iyo heerka aviationka Somaliland, iyaga oo si weyn ugu qancay in xaruntani dhisme ahaan iyo shaqo ahaanba la mid tahay xarumahooda (same standard).

 

Xaruntan Wasaarada duulistu waxay hoy u noqon doontaa hay`ada maamulka duulimaadyada rayidka ee Somaliland (Somaliland Civil Aviation Authority) oo xeerkeedii hadda gacanta lagu hayo. Inta badan dalalka adduunka hay`adaha u qaabilsan duulimaadyada iyo garoonka diyaaradaha ee magaaladu aad ayey iskugu dhow yihiin. Taa waxa looga jeedaa, iyada oo telephon, e-mail, iwm, lagu wada xidhiidhi karo, hadana in si dhow wasaaradaha/hayadaha ku shaqada lihi uga war hayaan shaqada iyo adeegyada ka socda madaarkaas iyo kuwa kaleba. Tusaale ahaan, xarunta weyn ee operationka ee hay`ada duulimaadada rayidka ee dalka ingiriisku (Civil Aviation Authority) waxa ay ku dhex taalaa Airportka London ee Gatwick. Sidaa daraadeed, isku dhowaanshaha Wasaarada Duulista Somaliland iyo Madaarka Hargeisa isku dhow yihiin, waxa ku jirta faa`iidooyin badan oo qofkii aviation wax ka yaqaana amaba aan is yeelyeelahayni uu garan karo.

 

Haddii aan u soo noqdo Siciid Sulub, erayadan iyo kemadahan uu ku tiraabay waxay wax badan ka bidhaaminayaan/muujinayaan shakhsiyadiisa oo ay ugu horeyso jaahilnimada ka haysata Aviationka, shaqada Airport Managerka iyo guud ahaanba hawlaha garoomada diyaaradaha. Aduunyada ma jiro Airport Manager Xafiis ku leh meel ka baxsan garoonka uu maamulo, waxaaba dhici karta in Airport Managerku wakhtigiisa inta badan ku qaato socod iyo kormeer uu ku sameynayo shaqada ka socota garoonka, taasina suurtogal ma aha haddii aanuu ku sugnayn garoonka shaqadu ka socoto. Airport Managerku uma baahna xarun weyn ee Wasaarada ayaa u baahan xarun weyn. Midda kale, Wasaarada duulista ayaanu ka raraynaa halka ay imika tahay oo waxaanu geynaynaa magaalada badhtankeedu, wax macno ah oo ay soo kordhinaysaa ma jirto; ma aha arrin shaqada Wasaarada wanaajinaysa, mana aha siyaasiyan hadal uu xisbiga Wadani cod ku kasban karo, amabase taageero ku heli karo balse waa aqoon darro iyo hadal uu xisbiga Wadani cod iyo taageero badan ku waayi karo. Sidaa daraadeed hadalkaasi wuu seegay marinkiisii, waxaanuu sharaf dhac ku yahay ninka yidhi ee waxqabadkii iyo horumarkii Wasiirka duulistu muujiyey dhaliisha iyo ceebeynta ka dhigay! Waxaan Siciid weydiinayaa goorma ayuu waxqabadkii iyo waxtarkii dhaliil iyo ceebayn noqday???

 

Anigu ma ihi Mucaarid iyo Muxaafid midnaba, wax colaad ihi nagama dhaxayso Siciid Sulub, sidoo kalena wax saaxiibtinimo ihi nagama dhaxayso Maxamuud Xaashi; midkoodna aqoon shakhsi ah isuma lihin. Dabcan, Mucaaridku xaq bay u leeyihiin wixii dhaliil ah ee dawladu leedahay inay sheegaan, laakiin wax kasta oo Mucaaridku dawlada ku dhaliilaa run/sax maaha sida tan Siciid Sulub oo kale. Waxqabadka, horumarka iyo waxtarkuna uma baahna in la siyaasadeeyo. Siciidna waxaan leeyahay, imika ku maqalay ee mar dambe waxqabadka iyo horumarka aviationka ee aanad waxba ka aqoon, dhaliil ha ka dhigin yaanad ku karaamo seegine, ileyn nin weyn oo hadal ka dhacay waa geed qolofi ka dhacdaye!!!

 

Waan ka baxay

 

Cabdikariim Cali Baarjeex

 

MSc Aviation Management

 

Bristol, United Kingdom

 

Comments are closed