|

Shirweynihii Sadexaad ee Dalada SONSAF oo Hargaysa ka Furmay

Hargaysa 20 March (SDN) Wasiirka wasaarada Qorshaynta JSLand Dr. Sacad Cali shire ayaa maanta  uga furay magaalada Hargeysa ururka jilayaasha   aan dawliga ahayn ee(SonSaf),shir-wey-nahoodii saddexaad, kaasi oo ay ku soo dooranayaan hogaanka Cusub  ee Ururadaasi.

Wasiirka Qorshaynta Dr.Sacad,oo kulankaas  ka hadlay ayaa ku bogaadiyay   Ururka SONSAAF wax-qabadka ay muujiyeen mudadii ay jireen , isaga oo wasiirku xusay, in wax qabad kasta oo laga hirgalinayo  dalka  ay  door muuqda ku leeyihiin qaybta Ganacsiga iyo  Hawlaha samafalku, waxaanuu sheegay in  Ururka SONSAF  uu  ka soo jeedo mid ka mid ah labadaas qaybood.

Wasiirka qorshaynta waxa uu intaa raaciyey in war-bixintii ururku  soo jeediyey  ay ka muuqato waxqabadkiisa dhinacyada   wacyi-gelinta iyo isu soo dhoweynta bulshada ee  Gudaha iyo dibaddaba,taasi oo uu  ku tilmaamay howl-aad u muhiim ah ururka SonSaf-na uu ku amaanan yahay.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Wasiirka Kalluumaysiga Mud, C/llahi  Jaamac Cismaan Geel-jire oo sheegay in ururka SONSAF uu  ku amaanayo howl-qabadkiisa, isaga oo wasiirku intaa raaciyey, in dalku ka soo baxay howlo adag oo ay ka midyihiin doorashooyinkii golayaasha  degaanka,taasi oo  uu xusay in ururka sonsaf uu door laxaadleh ka soo qaatay .

Wasiirka shaqada  iyo Arimaha Bulshada  Maxamuud Axmed Barre  Garaad  oo isna kulankaas ka   hadlay ayaa waxa uu sheegay in uu  ururka ku bogaadinayo sida dimuqraadiga ah ee ay  hogaanka ururka u dooranayaan ,taasi oo uu sheegay inay muujinayso  hanaanka  maamul ee ururka.

Gebagebadii waxa halkaa war-bixin dheer oo ku saabsan howl-qabadka ururka,ujeedada loo aasaasay iyo wixii u qab-soomay ka soo jeediyey  Gudoomiyaha ururka  Sonsaf prof. Aadan Xaji Cali Axmed.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

 

Comments are closed