Shirweynihii Dalada SONSAF oo Hargaysa lagu Soo Gabo Gabeeyay iyo Hogaan Cusub oo ay doorteen
Hargaysa 21.March (SDN) Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa Maanta Soo Gunaanadaay Shirweynihii Sadexaad ee Dalada Ururada aan Dawliga ahayn ee SONSAF isla markaana lagu doortay hogaankii Daladaas ee Labada Sanno ee soo Socda .
Shirweynahan oo ka socday Huteel Ambassador ee Magaalada Hargaysa ayaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo Madashii Xidhitaanka Shirweynaha dalada Sonsaf ka hadlay ayaa tilmaamay doorka ay Daladani kaga jirto horumarka dalka waxaanu Xusay in Xukuumad ahaan ay soo dhawaynayaan Waxqabadka ay daladani hirgalisay .
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu Sheegay in Dimuquraadiyada Somaliland ka jirta ay Tusaale u yihiin Daladaha Sonsaf,iyo Sonyo oo aan isku qabsan doorashooyinka ay ku dooranayaan hogaankooda,taas oo Muujinaysa ayuu Yidhi bisaylka Shacabka.
Mudane C.raxmaan Saylici waxa uu intaas ku daray in Xukuumada uu ka midka yahay Gadhwadeenkeedu ay ogol yihiin in lala Xisaabtamo.
Waxaa kale oo iyana halkaasi hadalo ka soo jeediyay Wasiirul dawlaha Wasaarada Maaliyada Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Cadaani iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cali Xaamud Jibriil.
Shirweynahan waxaa lagu doortay Todoba iyo Toban Xubnood oo uu ka kooban yahay Gudida Fulinta ee Dalada SonSaf,halka ay ergooyinkii ka qayb galay ku ansixiyeen Xeerkii daladaasi ku Shaqaynaysay.
Markaas kadib waxay Xubnaha Gudida Fulintu iska dhex doorteen Gudoomiyaha Dalada SonSaf oo loo doortay Mustafe Sacad Dhinbiil,halka ku xigeenkiisana loo doortay Aamina Faarax Caarshe, Xoghayaha daladaasi ayaa isna loo doortay Garyaqaan Maxamed Siciid Maxamed.
Hogaanka Cusub ee dalada Sonsaf oo doorashaddii kadib halkaas ka hadlay ayaa balan qaaday inay sii dardar galin doonaan hawlaha ay daladani dalka u hayso waxaanay intaas ku dareen inay si Xilkasnimo leh uga soo bixi doonaan hawsha loo Igmaday.
Geesta kale Gudoomiyihii hore ee Dalada Sonsaf Aadan Xaaji Cali ayaa ka mahadceliyay Mudadii uu Xilkaasi hayay sidii Xubnaha daladu iyo Mas’uuliyiinta Sare ee dawladu ay ula soo shaqeeyeen.
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com