Shirweynihii 3aad ee Xisbiga Kulmiye oo Maanta Furmay Iyo Sawiradii Madashii Maanta
Hargaysa 28.April 2014 (SDN/QJ)-Shirweynaha 3-aad ee Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa maanta ka furmay Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.
Shirweynaha Kulmiye oo mudo kolba dib u dhacayay ayaa si habsami ah u furmay, waxaanu soconayaa laba maalmood oo ah 28-29ka Bisha.
Shirka waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Hogaanka Kulmiye, 1162 Ergay oo ka kala socday Gobolada iyo degmooyinka Somaliland, ilaa 400 oo Ergay oo ka kala socda Bulshada Mucaaradka iyo meelo kale. Waxa bilawgii shirka lagu doortay Guddida Shir gudoominaysa oo ka kooban 7 Xubnood.
Shir weynaha Xisbiga ayaa lagu dooranayaa hogaanka Xisbiga oo ah Gudoomiyaha , Afar ku xigeen iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga. Waxaa kaloo lagu dooran doonaa guddiga fulinta ee xisbiga, iyo gole dhexe oo dhan ku dhowaad 300 xubnood sida uu sheegay Gudoomiyaha Shirgudoonka Shirka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo madashaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Xisbiyada Somaliland waa saddex oo midba waxbaa lagu xantaa oo lagula kaftamaa. Waxaa la yidhaa Xisbiyada qaar Shirarkoodaa aad u qurux badan oo way shaxshax badan yihiin, laakiin Go’aamadooda ayaa fool xun. Qaarna waxaa lagu xantaa Shirkoodaa iska qaab daran oo waxaad odhanaysaa malaha Nimankani meesha waxba kuma hayaan, laakiin waxaa ka soo baxa Go’aamada ugu wan-wanaagsan. Markaa anagu haddaanu Kulmiye nahay Go’aanka ugu wanaagsan ayuunbaanu soo saaraa, mararna waxaa la yidhaa siday wax leeyihiin.”
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa isna ka hadlay Shirweynaha Kulmiye, waxaanu jeediyey Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu kaga sheekeeyay waxyaabaha Xukumaddiisu qabatay, isagoo tilmaamay in Balanqaadkii Kulmiye yahay wax la qabtay iyo wax gacanta lagu hayo. Waxa uu sidoo kale Hogaanka kulmiye u rajeeyay in Guusha Kulmiye hogaanka dalka ku qabtay ay halkaasi ka sii wadaan.
“ Xisbiga Kulmiye wuxuu u taagan yahay Xaqiijinta Barnaamijkii Xisbiga oo ku qotoma Himiladeena Umadeed, Adkaynta Nabad gelyada, midaynta Bulshada, Horumarinta umadda iyo Jiritaanka Qaranimada Somaliland” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Shirka ayaa barito sideeda dib u bilaami doona iyadoo la dooran doono Hogaanka Xisbiga Kulmiye ee Shanta sano ee soo socda. Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u shaacisay inay u tartamayso Hogaanka xisbiga ka dib Xasan Gaafaadhi markii uu ka tanaasulay Gudoomiye xigeenka 1-aad oo uu isku soo taagay dhawaan. Guddi khilaaf saar oo hore madaxweyne Siilaanyo ugu magacaabay Kulmiye ayaa Go’aamiyey inaan cidi ku tartamin Hogaanka Xisbiga islamarkaana uu Hogaanka wakhtigani hayo shanta sano ee soo socda.
Hargaysa SDN/QJ.