|

Shirweynihii 3aad ee Ururka Qareenada Somaliland oo Hargaysa ka furmay DHAGAYSO KHUDBADII Gudoomiyaha Maxkamada Sare

Hargaysa 30 March (SDN)  Shirweynahii sadexaad ee ururka Qareenada Somaliland (SOLLA)) oo lagu soo dooranayo Hogaan cusub oo ururkaasi yeelan doono ayaa maanta ka furmay xarunta Somaliland ee  Hargaysa.

Ugu yaraan 150 Qareen oo ka kala yimid gobolada iyo Degmooyinka Dalka ayaa kulankan ka qayb qaadanaya waxana uu socon doonaa muddo labo cisho ah, iyadoo kulanka maanta uu furay Gudoomiyaha Maxakamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali oo  hadal uu ka jeediyey munaasabadaasi uu aad uga faallooday awooda ay leeyihiin aqoonyaha qareenada ah ee Dalladda Solla, waxana uu ku tilmaamay inay qareenadani yahiin kuwo u adeega garsoorka.

Ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Aadan Axmed Muuse oo isna kulanka maanta ka hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyey macnaha iyo mas’uuliyadda uu xambaarsan yahay Magaca Qareenku kaasoo uu ku tilmaamay  in qareenku yahay mid adeegyo badan bixiya sida adeegyada sharci, kaalmo iyo la talineed, halka sidoo kalena ay noqon karaan xarun cilmi baadhiseed.

Kulankan oo maalinta berito lagu dooran doono hogaanka cusub ee ururka qareenada Somaliland ee Solla ayaa waxaa kaloo munaasabadiisan maanta ka hadlay mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Gudoomiyaha ururka wadaniga ah ee SONSAF Mustafe sacad Dhimbiil, agaasimaha Guud ee wasaaraddaArimaha Gudaha C/semed Cumar Mahdi, Gudoomiyaha xilkiisu sii dhamaanayo ururka SOLLA jaamac Xaaji cilmi iyo Agaasimaha Fulinta ee ururka Qareenada Md Maxamed Siciid oo isna ka waramay waxqabadkii ururka iyo gudoomiyaha qabanqaabada shirweynaha sadexaad uu qareenada Somaliland Foosi Aw Yoonis.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MAXKAMADASARE.mp3″]
Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed